Xukuumadda Nuur-Cadde: Xay soo Kor Dhisay?!
Dhismihii Dawladdii Empagathi, Doorashadii Col:
C/Lahi Yusuf, iyo Magaacabistii Gangestar Geeddi, Dalku
wuxuu u dhexeeyey qas iyo jaha wareer, Geeddi wuxuu
billad Hoog ku qaatay Xigaalo Xabashinimada, waxay
meertaba waxaa is qabtay Tabcanayaashii Tigreega, waxaa
laga kaaftoomay howshii macangag Geeddi, waxaana lagu
soo af meeray inuu is casilo, markii lagu dan gaaray
laguna fushaday dantii laga lahaa, ka dib waxaa la
magacaabay Col: Nuur-Cadde, loona dhiibay xilka Wasiirka
koowaad ee Xukuumadda, waa la soo wada dhaweeyey. iyadoo
la wada muujiyey dareen uu ku jiro taxadar, lana wada
dalbay inuu ka leexdo dhabbihii Geeddi ee hallaaga iyo
hoogga soo jiidday Ummaadda Soomaaliyeed, lagana
codsaday inuu la yimaado is bedel iyo hannaan cusub oo
lagu badbaadinayo Dalkaan burburay iyo Shacabkaan
le'anaya!.
Col: Nuur-Caadde wuxuu muujiyey hadal dabacsan oo
aysan ka dhadhamayn hanjabaad iyo durduro, hadalkii
Nuglaa ee uu ku celceliyey Nuur-Cadde waxay sii xoojisay
dareenkii himilada lahaa ee ay muujiyeen dhammaan
qaybaha kala duwan ee Bulshada Mucaarad iyo Muxaafad,
balse hadalkii macaanaa wuxuu kula dhacay godkii ay u
qodeen Samo-Diidka Soomaalida!, wuxuu ku fashilmay
Xukuumaddii ugu horraysay ee uu soo dhiso, waxaa batay
hadaladii cambaaraynta iyo dhaleecaynta ee loo
jeedinayey Nuur-Cadde, oo dhammaan kaga imaanaysa mar
dhinaca Beelaha Soomaliyeed qaarkood oo ku doodaya in
lagu yareeyey saamigii ay lahaayeen, iyo dhanka
waayeelada iska waayey xilalka xukuumadda, waxayse aheed
Xukuumad aan waxba ugu duwanayn Xukuumadihii Geeddi,
isagoo Nuur-Cadde soo dhisay Gole ka kooban 73 xubnood,
taasoo hoos u riday rajadii laga lahaa iyo wax qabadkii
laga sugayey, sidoo kale waxay mugdi galisay awoodda
Nuur-Cadde, maadama ay Dad badan Xukuumadda ku
macneeyeen inay tahay naqshaddii C/laahi Yuusuf,
fartiisana ay si weyn uga muqato.
Dhismihii xukuumaddii ugu horreeyey ee uu kaga
dhawaaqay Magaalada Baydhabo, hugunkii ka dhashay
dareenkeedii isagoo qabo ayuu Nuur-Cadde u socdaalay
dibadda, wuxuu magaalada Lisbon ee Xarunta Dalka
Portages-ka uga qayb galay kulan madaxeedka Afrika iyo
Yurub, dabadeed wuxuu booqasho ku tagay dalka
Ingiriiska, wuxuu kula kulmay Bukaan C/laahi Yuusuf oo
wali Isbitaal yaal ah, socdaalkaa ka dib Nuur-Cadde
wuxuu ku soo laabtay Dalka, wuxuuna ku dhawaaqay
tallaabo si wayn loo soo wada dhaweeyey, oo ah inuu kala
diray Xukuumaddii cusbeed ee soo dhisay maalmo ka hor,
wuxuuna ballan qaaday inuu soo dhisi doona Xukuumad tiro
yar tayana leh, tashi ka dib wuxuu soo magacaabay 18
Wsiir oo iyana qaylo badan dhalisay yaraantooda owgeed,
Nuur-Caddase dhag jalaq uma siin wuxuna ka furaystay
dhagaha.
Magacaabista Xubnaha kooban ee Xukuumaddaan ku jira waa
tallaabada koowaadd ee uu Nuur-Cadde ku xijiyey codkii
macaanaa ee aan cidna ka qaloon ama aan cidna dhiilo
galin, tiro yarida Xukuumadda Nuur-Cadde haba iska
ciyeen Dadyowga ay ku nigaxan tahay Qabiilka iyo danaha
garka ah, balse waa tallaabo aad u wanaagsan una qalanta
Dalkaan oo kale ee ay daashadeen dagaalada iyo
Colaadaha, isla markii Nuur-Cadde wuxuu horgeeyey
Barlamaanka iyadoona la siiyey codka kalsoonida,
arintaan waxay noqotay guul kale oo u soo hoyatay
hoggaanka uu horkacayo Nuur-Cadde, sidoo kale wuxuu
ballan qaaday inuu wada hadal la furayo dhammaan
mucaaradka siyuu Dalka ugu soo dabaalo Nabad iyo
Xasilooni.
Col: Nuur-Cadde wuxuu ku xijiyey inuu soo daayey
Odayaashii Dhaqanka ee u xirnaa Dawladda muddo ku bail
iyo bar ka badan, go'aankan oo si weyn loo soo wada
dhaweeyey lana kulmay soo jiidasho qaybaha Bulshada ee
kala duwan, waxayna noqotay fal uu ku daray Nuur-Cadde
hadaladiisii qaboobaa ee uu in badan ku celceliyey, ahna
mid looga baahnaa xilli hore inuu ku dhaqaaqo lana
yimaado kal hore, lana dhihi karo wuu la soo daahay oo
uu fuliyey xilli dambe, Sideedaba xiritaanka Oday
Dhaqameed lixdan jir ah ayaan ahayn mid wanaagsan ama
guul lagu gaarayo, kuma sii jirto haddii ay dhalinayso
kala fogaasho ama ay kicinayso dhiilo iyo dareen xoogan.
Waxaa kale uu Nuur-Cadde xariga ka sii daayey si
dadban ama si toos ah miday noqotaba Wariyeyaal.
Saxafiyiin, iyo Agaasimayaal Idaacadeed oo iyana u
xirnaa Dawladda, arintaan oo ay si diiran u soo
dhaweeyeen bahda Saxaafadda iyo Ururadda u dooda
Saxaafadda Xorta ah, Nuur-Cadde wuxuu kaloo ku
guulaystay inuu in badan oo ka mida Ciidanka xabashida
ka saaro gudaha Dalka gaar ahaan Gobalka Hiiran iyo
qayba ka mida Magaalada Muqdisha, waxaana la dhihi karaa
waa tallaabadii ugu muhimsaneed ee uu Nuur-Cadde iyo
Golahiisa Wasiirada ugu wax tarka badnayd, haddaan six
un loo maarayn ama hanfadnimo iyo is qab dhaaf dhicin,
waxayse taarikhdu si kala duwan u kala qori doontaa
labada nin ee kala ah: Geeddi oo Xabashida soo galiyey
Dalka iyo Nuur-Cadde oo ka shaqaynaya inay ka baxaan
Dalka, waa laba nin oo aad u kala duwan, Nuur-Cadde
hadduu sidaan wax ku sii wado waxay u egtahay inuu soo
hoyn doono guul wax ku ool ah oo loo aai doono.
Wax walba oo uu qabto Nuur-Cadde waxay ku najixi
karaan hadba sida ay uga faa'iidaysto Soomaalidu uguna
mira dhaliyaan, ugu horrayn waxaa looga fadhiyaa
Odayaasha Dhaqanka ee xabsiga laga sii daayey iyo kuwa
ku fekerka ah inay ka gudbaan: "Hawiye Al-Qacida ma
aha", una gudbaan inay la yimaadaan hannaan qayb ka
qaadan kara sidii nabad loogu soo dabaalo lahaa dalkaaan
holcaya iyo Magaalooyinkaan Qiicaya, waa inay dhalinta
ku Abtirsata ee Xabadda iyo Qoriga la taagan xal u
keenaan iyagoo la kaashanaya Xukuumadda, balse haddii
arimuhu iska noqdaan sidii Ninkii Waalnaa ee markuu
Ambaday ee la soo helay loo Alalaasay Mashxarad iyo
Sacabna lagu soo dhaweeyey yiri: "Maxaa la iiga
Mashxaradaya haddaan Habaabayaa mar kale"!, waa dhibaato
iyo jugjug meeshaada jog!!!.
Col: Nuur-Caddana waxaa laga sugayaa inuu sii
kordhiyo dadaaladiisa uuna sii laba laabo
ujeedooyinkiisa uu ku doonayo inuu xal ugu helo arimaha
cakiran ee ka aloosan Dalka, waxaana ugu weyn inuu
mooshin hor dhigo Xukuumaddiisa ku saabsan sidii
Xabashidu uga bixi lahayd Dalka iyo inay isaga baxaan
gabi ahaan Dalka, dabadeedna uu usii gudbiyo
Baarlamaanka si loo ansixiyo loona helo cod midaysan oo
ku wajahan joogitaanka Ciidanka Xabashida ee Soomaliya,
maadaama ay ku jiraan Golaha Xukuumadd Wasiiro aaminsan
in laga maarmo Ciidanka Xabashida, iyo inuu xilalka ka
qaado Qawaarada Gobalka Banaadir uuna ugu horreeyo:
Maxamed Dheere iyo kuwa u qaabilsan ammaanka horseedna
ay ka hiyiin: C.Qaybdiid, Darwiish iyo Cayayaanka la
midka ah, waxaa hubaal ah inay noqonayso tallaabo ay u
riyaaqi doonaan Dad badan, aynna jeclaysan lahaayeen in
la marsiiyo meeshii laga riday Qabqablayaashii ku jiray
Golaha Xukuumadda, ugu dambayn waxaad moodda in
Xukuumadda Nuur-Cadde ay qaadday Tallaabo loogana
fadhiyo inay ku darto kuwo kale.
Bashiir M. Xersi.
Brdiraac@hotmail.com
Tipoli-Libya.