Qaybta 1aad
ONLF ma ashahaado la dirir bay noqotay?
Hordhac
Waxaa la is weydiin karaa maxaa keenay
in xilligan arrintan laga hadlo maxaase tooshka loogu ifinayaa
ONLF?
Inta aanan u daadagin qormada aan rabo inaan
halkan ku soo bandhigo waxaan jeclahay inaan iftiimiyo in aana
colaad gaar ah u qabin ururka ONLF, ujeedada qoraalkeyguna ayna
ahayn inaan dhaleeceeyo ama aan wax ka sheego, waxaanse
qoraalkan uga danleeyahay inuu noqdo naseexo ama hoga tusaaleyn
ururku ka faaiideysto waxna ku dhiso.
Dhinaca kale in wakhtigan qoraalkani ku
soo beegmo waxay ka danbeysay iska horimaadyo dhexmaray ururka
ONLF iyo ururo islaami ah oo ka hawlgala Soomaali gabeed taas oo
aan horay u dhicin taariikhdii dheereyd ee ururadaasi ka wada
dagalamayeen halkaas, xilliga aan sadaradan qorayana wali ma
arag qoraal rasmi ah oo ka soo baxay madaxda ururka ONLF oo ay
ku soo bandhigayaan wax xal ah oo dagaalkaas laguu joojiyo,
taasina waxay waxgaradka ku culeysinaysaa in qof waliba taagtii
gurmado, lagana hawlgalo sidii dagaalka qarxay loo damin lahaa,
qoraalkanina qodobkaas ayuu ka duulayaa.
Qormadan waxaan kaga hadli doonnaa hordhacan
ka dib: waa maxay waxa dhacay?, ONLF maxaa ku kallifay inay
dagaalkan qaaddo?, ONLF maxey dagaalkan ka faaiideysaa?, ONLF
maxay dagaalkan ku khasaareysaa?, Sidee loo joojiyaa dagaalka?
Maxaa dhacay?
Ururka ONLF waxaa la aasaasay 1984 Waxaana
ilaa hadda madax ka soo noqday C/raxmaan Yuusuf Magan, Sheikh
Ibraahim Cabdulaahi Maax iyo Admiral Maxamad Cumar Cismaan oo
hadda ururka madax u ah.
Ururku wuxuu si baaxad leh
dhaqdhaqaaqiisa gobanima doon u billaabay wixii ka danbeeyay
burburkii dowladdii Mingiste, waxayna xubnihiisu ka wada
hawlgaleen inta badan dagmooyinka soomali galbeed, wuxuuna
ururku markiisii hore xoogga saaray dhinaca siyaasadda, wuxuuna
ku guuleystay inuu soo dhiso maamulkii ugu horreeyay ee loo
dhiso waxa loogu yeedho (Kililka shanaad), isaga oo taageero
ballaadhan ka helayay bulshada deegaanka qeybo ka mid ah oo uu
aad u soo jiitay magaca ururka iyo hal ku dhagyadiisa
siyaasadeed ee aadka ugu dhowaa dareenka bulshada xilligaas ay
Soomaalidu sii kala socotay haybsoocana wax lagu dhisayay.
Ururku markii uu garwaaqsaday inaan wax
dan ahi ku jirin inay madax ka ahaadaan kililka macnihiisu ku
soo ururay in wakiil gumeysiga looga noqdo bulshada deegaankaas
ku dhaqan sida haddaba kililku u shaqeeyo oo la soo taabtay
inaan sidaas xornimo lagu gaadheynin, mararka qaarna ay ururka
isku dheceen ciidamada gumeysiga wuxuu ururku si toos ah ugu
wareegay dhinaca halganka hubeysan 1995kii xilligaas oo ay
duurka u bexeen cutubyadii ugu horreeyay ee ka tirsan ururka
ONLF iyaga oo wehel u noqday ururkii (Alittixaad) oo xilligaas
laba sano ka hor dagaal hubeysan gumeysiga kula sii jiray.
Sidoo kale ururka Alittixaad isaga laftiisu
wuu tijaabiyay loolanka siyaasadda wuxuuna xafiisyo ka furtay
gobolada iyo degmooyinka Soomalai galbeed intooda badan, waxayna
dhinca qoriga u wada beydheen 1992kii ka dib markii xaruntii
tababarka Halooye ay ciidamada Itoobiya weerar gaadma ah ku
qaadeen, xubno badan oo ay ku jiraan masuuliyiintii ururkaana
halkaas ku laayeen. (Alle ha u wada naxariistee).
Mudadaas dheer ee ay labada urur ka
wada hawlgalayeen dhulka Soomaali galbeed ma jirin wax colaad ah
oo gaadhay gacan ka hadal oo dhaxmartay labada urur ha jirto
inay ku tartamaan taageerada bulshada sida dhexmarta laba urur
oo kasta oo isku deegaan ka hawlgasha, waxayna keymaha isku
martigalin jireen iyaga oo hubeysan, madaxdooduna ku wada
haasaawi jirtay, mid walibana midka kale u sheegi jiriay wixii
uu is leeyahay waad kaga saxantahay, sidoo kale ma jirin aragti
labada urur midkood qabo oo sheegeysa inuu ururka kale ka
takhaluso, mararka qaarna waxaa dhici jirtay inay isu hiiliyaan
markii midkood cadowgu soo weeraro, arrintaasi waxay waliba si
xooggan u muuqatay intii uu ururka sheikh Ibraahin madaxda ka
ahaa iyo raggii maamulka la hayay.
Hase yeeshii wixii ka danbeeyay 2004tii
waxaa abuurmay kala fogaansho soo dhexgashay labada urur oo
dadka qaar ay ku fasireen inay ka dhalatay xiriirkii dhexmaray
Ereteriya iyo ururka ONLF taas oo markii danbe gaadhay inay isu
baddasho cadaawad muuqata laakiin afka ku ekeyd intii hore,
wuxuuna ururka ONLF billaabay inuu xubnihiisa iyo
taageerayaashiisa ku wacyigaliyo inay habboontahay inay kaligood
goobta u hadhaan qorigooda iyo qoriga Tigreegana aan qori u
dhexeynin, cabbeynta noocaas ahina waxay keentay in xubnaha
ururku ay ku kacaan falal ay ku waxyeeleynayaan xubnaha ururka
kale ee hadda ku hawl gala magaca UWSLF falalkaas oo aan markii
hore dil gaadhsiisneyn sida badana aan qori isticmaali jirin,
wakhti yar ka dibna waxaa billowday falal hubeysan oo dhaawac
iyo dhimashaba geystay, ilo ku dhow dhow masuuliyiinta UWSLF na
waxay sheegayaan in xubnaha laga dilay iyo kuwa laga dhaawacay
ay gaadhayaan 12 xubnood, ka dibna waxaa billowday in labada
urur ay xubno kala qafaashaan wallow ay markii danbe isu sii
daayeen.
Intaas ka dib waxay ciidamada ONLF
dagaal fool ka fool ah la galeen cutubyo ka tirsan ururuka
Alshabaab oo saddex sanoba ka hawlgalayay Soomaali galbeed
iyaga oo ka dilay in ka badan 20 askari oo intooda badan isku
goob la dhigay dagaal labada urur ku dhex maray deegaanka dhagax
buur iyada oo uu weerarka lahaa ururka ONLF, waxaase jirtay in
ururka al shabaab ay dileen sida la sheegay laba xubnood oo ONLF
ka tirsan iyaga oo sheegay inay jaajuus ahaan u dileen.
Dhacdooyinkaas ka dib waxaa natiijadii
noqotay in dagaal furani u billowdo ururadii gumeysiga la
dagaalamayay ilaa iyo haddana ma jirto dhexdhexaadin la sheego
oo ku hawlan sidii loo baajin lahaa in dhibku intaas ka sii
bato!!
ONLF maxaa ku kallifay inay dagaalkan
qaaddo?
Ururradan islaamiga ahi ma khatar bay ku
yihiin ONLF? Ma dhibaato gaar ah bay ku hayaan? Ma cadaw bay u
yihiin?, hadday u yihiinse Xabashiday miyay uga daran yihiin?,
ma dhulkaan wada qaadin? Ma kuraas iyo manaasib la qaybsanayo
ayaa jirta oo in laga sad bursado ayay ka yaabeysaa? Ururada
kale ma dad ajnabi ama soo galooti ah oo aan wadanka laga
rabinbaa? Su’aalahaas oo dhan jawaabtoodu waa maya mana aha dhab
ahaan arrimahaasi kuwa sababay dagaalkan ay ONLF ururada
islaamiga ah ku qaadday.
Hase yeeshee Markii aan dhegeystay
qaar ka mid ah xubnaha iyo taageerayaasha ururka waxay ka
mideysnaayeen inayna ka xumeyn dagaalkan ayna la qumantahay in
ururada kale la sifeeyo hadii sababta arrintaas ka danbeysa la
weydiiyana waxay isku waafaqsanyihiin fikrad sheegeysa haddii
ururada kale waddanka laga saaro xornimo ayaa naloo ogolaanayaa,
waxayna wax weyn ku dhisayaan kulamo ay masuuliyiinta ururka
qaar ka mid ahi la sameeyeen madaxda reer galbeedka iyo hadallo
ka soo yeedhay maraykanka iyo xubno ka tirsan koongareeskiisa.
qaarkoodna waxay muujinayaan in ururada islaamiga ahi caqabad ku
yihiin xornimada oo ay gaaladu necebtahay!!! Dadka aan arkay
qaarkood ee fikraddaas qaba waxay ku tala bixiyeen in ururada
kale si nabad galyo ah waddanka looga saaro si loo baajiyo
dagaal qarxa!!.
Arrikaasi wuxuu daliil cad u yahay in ururka
ONLFdagaalkanuu u badheedhay ee uusan ku khaldamin waxaana
muuqata in shaqadaas farta loogu fiiqay.
Waxaase is weydiin mudan haddiiba aan
dadkeenna iyo mujaahidiinteenna dhiiggooda hadur ka dhigno ma
dhabbaa in ay ONLF xornimo sidaas ku soo hoyineyso mise waa
niman geedkii ay saarnaayeen isla goynaya nabar dilayana isku
dhufanaya?
Aniga waxay ila tahay dadka aan wax akhriyin
ama ayna siyaasaddu u billowneyn ayaa wax mooda hadalada aan
duxda laheyn ee ka soo yeedha Mareykanka , waana ceeb in dad
waaweyn ay kala garan waayaan cilaaqaadka caamka ah ee
diblomaasiyadda Mareykanku ( public relations) ay sumcadda
wanaagsan ku sameysaneyso iyo qaraar dawli ah oo wax lagu dhisi
karo, kaas oo inta badan la gaadho markii la loodin waayo cidda
halganka ku jirta ama xornima doonka ah.
Aad iyo aad baan ula yaabanahay in dad miyir
qaba kala garan waayaan waxa dhabta ka ah Mareykan iyo waxa ku
meel gaadhka ka ah oo ay dabadeedna ku qancaan inay matalaan
kaalintii ashahaada la dirirka ama qabqablayaashii calankoodu
dhacay ee la siiyay qandaraaska ah inay baabi’yaan ururada
islaamiga ah ee Mareykanku dhibsanayo.
Sidee dad waaweyni ugu qanci karaan
Mareykanka ayaa Itoobiya baa’bi’naya oo cadowgeeda taageeraya
isaga oo hadda duullaankii ay Soomaaliya ku qaadday ku bixiyay
900 oo malyan oo dollar, goormeyse is baddashay siyaasadda
Maraykan ee ku aaddan Itoobiya ee uu u saldhigay 1965kii
wasiirkii gaashaandhigga Mareykanka ee xilligaas (Makanmara) oo
soo jeediyay in Mareykanku Afrika u maraan Itoobiya taas oo ka
danbeysay in Mareykanku miisaaniyad ku bixiyo sidii xarunta
joogtada ah ee midowga Afrika (Addis ababa) looga dhigi lahaa?
Mareykanku sow ma aha awooddii hortaagneyd gu’itaanka Ereteriya
ilaa Mingiste ka dhacay oo Itoobiya la isku heyn kari waayay,
iyada oo xilligaas maamulka jabhadda Eretireya ka dagaalameysay
intiisa ugu muhiimsan ay Nasaaro (kirishtaan) ahaayeen, ilaa
haddana soo ma muuqato inuu Mareykanku Itoobiya la safanyahay
iyada oo labada maamulba Nasaaro yihiin isku reer ah? Maxaase
iska baddalay isbahaysigii difaac ee u dhexeeyay Itoobiya iyo
Mareykan in ka badan 25 sano ka hor xilligii Mingisto ee haddana
dib u soo noqday?
Siyaasadda Mareykan waxba iskama baddalin,
waxaana daliil u ah xarunta ciidan ee uu hadda geeska Afrika ka
diyaarsanayo, Mareykankuna eed kuma laha inuu adeegsado ciddii u
fulineysa ajandayaashiisa ama uu isaga dhigi karo xabbadda ,
lagulana yaabi maayo inuu sii lacnado hoggaankana kala boxo
markuu ku meel gaadho sidii qabsatay qabqablayaashii Muqdisho ku
fashilmay?
Qaybta 2aad
ONLF maxey dagaalkan ka faaiideysaa?
Maqaalka qeybtiisii hore waxaan kaga soo
hadalnay hordhac kooban iyo su'aalo ay mid ahaayeen: maxaa
dhacay?,maxaa ONLF dagaalka ku kallifay? Qeybtan labaadna waxaan
kaga hadli doonnaa su'aalo ay ka mid yihiin ONLF maxay dagaalkan
ka faa'iideysaa? Maxeyse ju khsaraareysaa?, iyo side loo
joojiyaa dagaalka?
Sida muuqata dagaalkan wuxuu dhalinayaa
khasaare naf iyo maalba leh qofna ma galo dagaal uusan is laheyn
faa’iido dhibka ku soo gaadhaya ka badan ayaad ka heli doontaa,
bal haddaba waa maxay midhaha ay ONLF fileyso inay ka gurato
dagaalka ay la gashay ururada islaamiga ah?.
Shaki igagama jiro inuusan Mareykanku ONLF u
ballanqaadeynin xornimo ama xattaa talaabo wax ku ool u ah
shacabka reer Soomaali galbeed waxaanse qiyaasi karaa inayna
wiilasha madaxa diiran ee bintaagoonka iyo FBIda ka shaqeeya
waayeynin madadaalo ay ku mihiyaan ninkii laga faa'iideysan
karo, dhab ahaantiise dagaalkan waxaa ka macaashaya Maraykan iyo
Itoobiya oo uu daneheeda ka shaqeynayo waxaana isku naafanaya
ururo khatar ku ahaa Mareykan iyo Itoobiyaba, haddiise aan
odoroso waxa ay ONLF ka heli karto dagaalkan waxaa ka mid ah:
- saaxiibtinimada Mareykan ama in xataa uu ku salaamo waa
hadaf dad badan oo siyaasadda jecel muhiim u ah, waayahan
danbena waxaa soo baxay siyaasiga aan cidi wadanin inuusan
muhiimba aheyn ama uusan mustaqbal siyaasadeed laheyn marka
waxay ila tahay inayna arrintaasi meesha ka maqneyn.
- baraafo, durunow iyo ereyo lamid ah ama ammaan in hebal
iyo heballo ay muhiim yihiin warbaahinta Mareykana laga
sheego lana xuso sida ay argagixisada ula dirireen iyana waa
arrin dadka qaar muhiim la ah inay helayaanna way ila tahay.
- in la sheego in ururka ONLF uusan aheyn urur argagixiso
ah walow ay adagtahay inay Itoobiya arrintaas yeesho.
- dhaqaale dhiirigalin ah oo aan ka badnaan doonin ama ka
yaraan doona kharashka dagaalku keeni doono oo dhimasho,
dhaawac iyo qalab iyo saanad luntaba leh.
- in maamullada heerarka hoose ah ee wasaaradda arrimaha
dibadda loo ogolaado in ay la kulmaan sida haweeneyda frezer
ah ee asalkeedu Itoobiyanka yahay, arrintaasina aad bey
muhiim ugu tahay dad badan, waana midda uu (Riyaale)
Mareykan ugu safray socdaalkiisii dhowaa, waxaana arrintaas
loo daliishadaa in ninka sidaas loo qaabilaa uu yahay nin
soo koraya oo lagu wado inuu Mareykanka hawlo u qaban karo
aanse aad loogu sii kalsooneyn ama aan arrimo siyeesadeed
laga rabin.
- in hay'adaha lagu sheego inay xuquuqul insaanka
daneeyeen ay arrimohooda ka hadlaan jawaasiis si hoose u soo
baadhana wariyeyaal ahaan loogu daro oo ay diraasado ka soo
sameeyaan.
- in laga qaybgaliyo maamulka waxa loogu yeedho (kililka
shanaad), xubno muhiim ahna ay ku yeeshaan, ama laga
qaybgaliyo, maamulka fadaraalka Itoobiya, taas oo soo afjari
doonta halgankii uu mudada dheer kusoo jiray ururku, wax
kama jiraana ka dhigaysa dhiigii iyo dhaqaalihii ururku ku
bixiyay halganka xornimo doonka.
Faa'iidooyinkaas haddaba ma yihiin wax urur
gobanimo doon ahi u mohdo mise waa shaqo ku habboon nin aan
hadaf laheyn oo ay dantiisu tahay inuu afkiisa wax u helo? Aniga
waxay ila thay ama ha la helo ama ha la waayo ee shaqooyinka
noocaas ah waa buux waana kuwa ay ka shaqeeyaan Karazaay,
Maxamuud Cabbaas, ina iley … iwm. Ninkii sharaf lehna waa ceeb
ay tahay in uu arwaaxiisa uga bo'o.
ONLF maxay dagaalkan ku khasaareysaa?
Dagaal ninkii galaa khasaare iyo faa'iidaba
wuu fishaa, mararka qaar khsaaraha ayaa yaraada oo faa'iidadaa
badata, mararna khasaarahaa bata ama faa'iidoba lama helo haba
yaraatee, balse haddii aan saadaallino waa maxay khasaaraha la
fili karo inuu ONLF dagaalkan ay ku qaadday ururada islaamiga ah
ka soo gaadho? Aniga sidey ila tahay dagaalkani haba yaraatee
wax aan khasaare aheyn malaha haddii aan wax ka tilmaanno
khasaarahaasna waxaa ka mid ah :
- dagaalkan waxey ONLF kaga lumeysaa hadafkeedii ahaa
gobanima doonnimada, waxeyna kaga mashquuleysaa cadowgii ay
dagaalka kula jirtay ee ahaa gumeysiga Itoobiya, waxeyna
noqoneysaa sida ninkii ceel u arooray ee markii uu meel
dhexe sii marayo dhaandabangaalle iska raacay ka dibna uu
col ula galay ee markii danbe fikirkiisii noqday Ilaahayoow
yaadan biyaba heline naftaada ma u badbaadi doontaa!!
- wuxuu ururku waayi doonaa sumcaddii uu soo dhisayay
muddada dheer waxaana la kala garan waayi doonaa faraqa u
dhexeeya isaga iyo dabaqoodhiga (Ina iley) wato maxaa yeeley
waxaa muuqneysa inay isku shaqo uun hayaan oo ah la
dagaalanka ururda gumeysiga ka soo horjeeda.
- ururku wuxuu waayi doonaa taageeradii iyo kalsoonidii uu
ka haystay bulshada reer Soomaali galbeed iyo guud ahaanba
shacabka Soomaaliyeed, maxaa yeelay ururku wuxuu taageerada
ku helayay waxay ahayd la dagaalanka gumeysiga ee ma ahayn
ladagaalanka ururada gumeysiga la dagaalamaya, waxa bulshadu
taageertayna ma ahayn koox ama ashkhaas ee wuxuu ahaa
mashruuc gobanimo doon, haddii marka mashruuca ONLF uu isu
baddalo ashahaado la dirir waxaan hubaa inayna ka ayaan
badnaaneynin qabqablayaashii Xamar ku hoogay ee Mareykankii
kireystayba iska nacay Markey ebar keeneen, arrintaasna dad
badan baa khalda ama ( miss calculation) ku dhaca oo mooda
in taageerada uu haystaa ay tahay mid uu ku helay
raganimadiisa waxayna la noqotaa haddii uu saxarada qastana
in waligiisba la taageeri hiil iyo hoobana lala garab
taagnaan, waxayse waayuhu ina bareen ninka ka baydha
mashruucii lagu taageeray inuu cidlo soo fadhiisan dabdeedna
la odhan doono war indhoolaan bannaan baad ku gabbaneysaa!!
- ONLF waxay kasbatay colaad iyo cadow ayna u baahneyn
waxyna isu dhigtay xabbad rag kale u socotay waxayna soo
gashay safka gaashaan buurta Mareykanka ee ay muslimiinta
meel walba isku hayaan, taasina waxay keeni doontaa in ONLF
dhulku ku cidhiidhyamo oo ay ka go'do jidad badan oo ay ka
adeegan jirtay, Soomaaliyana ay ka caagto; maxaa yeelay
haddii ay is bidday inay Soomaali galbeed ku xoog badantahay
Soomaaliya ayaa lagaga xoog badan yahay, haddii aan
arrintaas la xallininna ONLF waxaa ku adkaan doonta inay u
kala gooshto Asmara iyo Soomaali galbeed.
- dadka ay ONLF ladagaalameyso waa culimo Soomaali oo dhan
kalsooni iyo taageero ka haysta oo takoori kara haddii ay
fatwo ka soo saaraan inay ONLF dad culimo ah leysay, haddii
aan sii ballaadhiyana ONLF uma adkeysan doonto hadii ay koox
ka tirsan culimada ka soo jeedda deegaanka Soomaali galbeed
bulshada u sheegaan inay xaaraan tahay in ONLF xoolo la
siiyo maxaa yeelay dad islaam ah bay ku leyneysaa, dad badan
oo taariikhdu u joogto markii wadaadku allow sahalka ahaana
waa cusub baa ku baryi doona, waxayna arki doonaan in ururo
badan hal sheikh ka kalsooni iyo sumcadba badanyahay.
- arrintani ururka waxay ku keeni doontaa kala jab; maxaa
yeelay dad badan oo madax iyo ciidanba leh kuma qanci
doonaan inay isku baaba'aan rag ay ilma adeer yihiin oo
hadhow dakanohooda ayna ka bixi Karin waxaana soo bixi
doonta in waxa dagaalka wada ay yihiin koox ka tirsan
ururka, taasoo marka danbe u gudbi doonta warbaahinta waji
siyaasadedna yeelan toonta, waxyna arintaasi xoojin doontaa
mowqifka garabka mucaaradka ah ee haddaba warbaahinta ka
hadla.
- waxaa ka lumi doona rag, qalab iyo hanti badan oo
noqonaya hal bacaad lagu lisay ama awood wiiqantay oo
aancadow wax lagu yeelin ee walaal lagu dilay.
Sidee loo joojiyaa dagaalka?
Ma yara khasaaraha ONLF ka soo gaadhaya
dagaalkan ay billowday, waxayna ila tahay si dagaalkan loo
joojiyo in loo baahanyahay arrimaha soo socda:
1.madaxda ururka ONLF waa inay dagaalka
joojiyaan warbahintana ka hadlaan kuna dhawaaqaan inay diyaar u
yihiin in wixii dhacay nabad lagu dhammeeyo qof walbana
khaladkiisii la saaro.
2. ururada islaamiga ahi waa inay samir iyo
adkeysi muujiyaan aqbalaanna wixii garsoor ah oo dhiigga lagu
joojinayo.
3.waxgaradka, aqoonyahanka iyo madax
dhaqameedyada ka soo jeeda Soomaali galbeed waa inay u guntadaan
sidii ay ONLF dagaalka u joojin lahayd, ka dibna u dhexdhexaadin
lahaayeen ururada, haddii ay arrintaasi ku adkaatona waa inay
mowqif mideysan ka qaataan ciddii gardarada wadda.
4. dadka sharafta leh ee dhibsanaya waxa
dhacaya ee ka tirsan madaxda ama ciidanka ururka ONLF waa inay
mowqif cad ka istaagaan dagaalkan xaq darrada ah, waana inay ka
howlgalaan sidii ay ururkooda ugu qancin lahaayeen inay dagaalka
joojiyaan haddii ururku ku dhago adeygana waa inay ka bari
noqdaan dhiigga walaalohood si cadna war baahinta uga hadlaan.
5. taageerayaasha ururka ONLF dibad iyo
gudaba waa inay madaxda ururka ku cadaadiyaan inay joojiyaan
dagaalka kuna baaqaan waanwaan iyo wada hadal, haddii ay
diidaanna waa inay hakad galiyaan dhaqaalaha ay ururka ku
caawiyaan si aan xoolohooda loogu adeegsan in walaalohood lagu
laayo.
Arrimahaas dhammaantood ama qaar ka mid ahba
waxaan is leeyhay haddii lagu tallaabsado waxaa suuragal ah in
la xalliyo mushkiladdan inta ayna sii ballaadhanin, Ilaahayna
waxaan ka baryayaa inuu muslimiinta kala qaboojiyo, dhiigga
daadanayana dhakhso u joogsado …. Aamiin .. aamiin
Qore: Xasan Maxamed Ibraahim
Xasanyare@msn.com