SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Buuqa Kaddaaya Beytka Alle

WQ: Cali-Daahir X Muxammad

mohiyadin@hotmail.com 
 
 

بِسْمِ اللهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيْمِ الْحَمْدُ للّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ  والصَّلاةُ والسَّلامُ عَلَى نَبِيّناْ مُحَمَّدٍ وَآلِهِ أجْمَعِيْنَ.

وَإيَّاْكُمْ وَهَيْشَاْتِ الأسْوَاْقِ / الحديث / رواه مسلم

Iska ILaaliya Suuqa Buuqiisa                 ( Oo Kale kolka Aad Masaajidda Joogtaan ).

Waxaa soo shaac baxday tan iyo intii qurbaha layimid in ay noqoto caado lawada aqbalo in masaajidda Alle iyo suuqii lakala garan waayo buuq dartii iyada oo Aimmadii masaajidda tujinaysay iyo ducaaddiiba ay mar walba baraarujiyaan arinta ah in buuqa laga daayo masaajidda ayaa haddana waxaadba moodaa inaysanba iyagu ahayn dadkaa lala hadlayo.

Arintan  oo kamid ah waxyaabihii uu kasii waramay Rasuulku SCWW oo ah dhaqan xumida ay ummadani la iman doonto aakhiro-zamaanka waxuuna Rasuulku SCWW  uu ku yiri xadiis dhexdii:

سنّتهم سنّة الأعراب .

رواه الطبراني عن عبد الله بن عمرو بسند جيد .  الصحيحة / 3357

( Dhaqankoodu waa dhaqan reer baadiye )

Maxaa yeelay waxaad arkaysaa qof magaalo ku dhashay oonan weligii arag baadiye oo haddana u dhaqmaya sida qof reer baadiye ah oo kale oo buuqooda iyo khayladooda masaajidda laga joogi la’yahay.

Bal ka warama haddii nalaga reebay in qiraa’ada qur’aanka kor loo qaado kolka meel lawada joogo si aadan dadka kale  isaga dheehin qiraa’ada. Sida uu Rasuulku SCWW uu ku yiri xadiis dhexdii:

ولا يجهر بعضكم على بعض بالقرآن .

رواه أبو داود عن أبي هريرة وعائشة .

صحيح / صحيح الجامع 1951

  ) Yuusan Codka kor ugu qaadin qaarkiin qaarka kale qur’aanka ) ( kolka aad akhrinaysaan )

Kolkaa Sidee bay suurtagal ku tahay adigoo lagaa reebay inaad codka kor ugu qaado qur’aanka inaad la khayliso wax aan qiimo lahayn.

Iska daa inaad macno la’aan u khaylisee waxaaba kaa mamnuuc ah inaad naadiso wax kaa lumay masjidka gudihiisa ama aad iib IWM aad ku samayso. Siduu Rasuulku SCWW uu yir:

من سمع رجلا ينشد ضالّة في المسجد فليقل لا ردّها الله عليك ، فإنّ المساجد لم تبن لهذا .

رواه مسلم عن أبي هريرة رضي الله عنه

Qoka maqlaa qof ku baafinaya baadi masjidka gudihiisa hayiraahdo: Alle kuuma soo celiyo baadidaada, maxaa yeelay masaajidda looma dhisin arinkaa    ( naadada ah ).

Wuxuu kaloo Rasuulku SCWW uu yiri:

إذا رأيتم من يبيع أو يبتاع في المسجد ، فقولوا : لا أربح الله تجارتك ! وإذا رأيتم من ينشد فيه ضالّة ، فقولوا : لا رد الله عليك / رواه الترمذي عن أبي هريرة .

صحيح / الإرواء / 1495

( Haddaad aragtaan qof iibinaya ama iibsanaya masjidka gudihiisa, waxaad ku tiraahdaan: Faaiido Alle kaama siiyo ganacsigaaga, haddaad aragtaanna qof ku baafinaya masjidka gudihiisa baadi, waxaad u tiraahdaan: Alle kuuma soo celiyo).

Waxaa wax aad lala yaaba ah In marka lajoogo xafiisyada ay dadku aad isu ururiyaan oo xittaa aad maqlayso iyagoo leh codka hoos haloo dhigo, shanqarta yareeya, mobilada waa mamnuuc ee hala damiyo IWM. Iyadoo ay intaa sii dheer tahay kolka ay qaabilayaan qofkaa ay xafiiska ugu tageen marka loo yeero ayay isla markiiba fadhiga ka boodaan iyagoo leh: Yes Sir.

Kolka masaajidda Alle lajoogana waxaadba moodaa intii xafiisyada ka xaaraamta ahaydba inay mubaax yihiin taasoo ka dhigan xurmada xafiisyada iyo shaqaalahooda ay leeyihiin ayaa ka xurmo badan tan masaajidda Alle, Aimadooda iyo ducaadoodaba.

والله المستعان

Rasuulku SCWW wuxuu yiri:

سيكون في آخر الزمان قوم يكون حد يثهم في مساجدهم  ليس لله فيهم حاجة .

رواه ابن حبان عن بن مسعود / حسن .

صحيح الموارد الظمآن  267

Waxaa ahaan doona aakhira-zamaanka  dad uu ahaan doono sheekaysigoodu gudaha  masaajidadooda, Allana kuwaasi dan kama leh ( oo magantii Allay ka baxeen oo wixii ku dhacaa Alle dan kama leh )

وفي لفظ آخر من رواية الطبراني عن بن مسعود :

سيكون في أخر الزمان قوم يجلسون في المساجد حِلقا حِلقا ، إمامهم الدنيا فلا تجالسوهم ، فإنه ليس لله حاجة .

حديث حسن / الصحيحة 1163

Waxaa ahaan doona aakkhira-zamaanka dad u fariisanaya masaajidda dhexdooda goob-goob, imaamka ( hogaaminaya ee ah waxa ugu wayn ee laga hadlayana ) waa aduunyo ee hala fariisanina ( maxaa yeelay ) arinku wuxuu yahay Alle dan kama leh.

Waxaa runtii ah wax aad loogaga xumaado in dadkii aan qurbaha ugu nimid ay inala yaaban yihiin. Maxaa yeelay dad ay diin ka muuqato oo rag iyo dumarba leh oo aan haddana garanayn xurmada masaajidda Alle  ay leeyihiin.

In badan ayaa waxaad arkaysaa walaalaha muslimiinta aan soomaalida ahayn kolka salaadda laga boxo iyagoo adkaar akhrisanaya oo isa tasbiixsanaya amaba salaad sunna ah u taagan, halka soomaalidana marka sidaa salaadda looga baxaba wax yar kadib aad maqlaysid buuq iyo sawaxan oo masjidkii oo idil is qabsaday waxaana arintaa inala wadaaga walaalaha carbeed raggooda qaar kamid ah sidaan ku arkay qaar mamid ah masaajidadooda.

Taasina waxay daliil u tahay inaan laga run sheegin aayaddii Alle SW ee ahayd:

( في بيوت أذن الله أن ترفع ويذكر فيها اسمه يسبح له فيها بالغدو والآصال *رجال لا تلهيهم تجارة ولا بيع عن ذكر الله وإقام الصلاة وإيتاء الزكاة يخافون يوماً تتقلب فيه القلوب والأبصار *ليجزيهم الله أحسن ما عملوا ويزيدهم من فضله والله يرزق م يشآء بغير حساب *

سورة النور / 38-36

( Masaajid dhexdooda uu alle u ogolaaday in la koryeelo laguna xuso  (masaajidda) dhexdooda magaciisa ( Alle SW ) Waxaa Alle u tasbiixsada ( oo xumaan oo idil ka hufa ) masaajidda dhexdooda Gelin hore iyo galabta * Rag ayan shukhliyayn wax soo iibsasho iyo sii iibi                                ( kamamashquuliso ) xuska Alle iyo salad oogid ito zako gudashadeed ( maxaa yeelay ) waxay a baqayaan maalin ay gadgadoomayso quluubta iyo aragyaalka        ( cabsi daraadeed )  * ( waxay intaasoo idil u samaynayaan ) inuu Alle abaal mariyo camal ay sameeyeen kii ugu wanaagsanaa Allana inuu u kordhiyo  fadligiisa xagiisa Allana wuu arzaaqaa ruuxii uu doono xisaab la’aan *

Waxyaabaha ugu daran ee hadda xal loo la’yahay waxaa kamid ah mobilada amaba taleefoonada gacanta waxaad tiraahdaba oo iyadoo dadkii mar walba la baraarujiyo iyadoo qoraal ah oo darbiyada ku dhegan afkana looga sheego salaadda akteeda inay damiyaan mobiladooda amaba codka ka xiraan ayay haddana iska soo daba dhacaan kolkaa baa shaki iyo waswaas iyadoo lagu sugan yahay salaadii laga baxaa.

Waxaa intaa kasii daran in dad badan ay codka mobilkoodu ka dhigtaan miyuusik iyagoo wax ku kalifayana aanu jirin oo khiyaarkooda arintaa u samaynaya una haysta inay u bannaan tahay arintaasi.

Rasuulku SCWW wuxuu yiri:

صوتان ملعونان في الدّنيا والآخرة ، مِزمار عند نعمة ورَنّة عند مصيبة .

رواه البزارعن أنس / حسن / الصحيحة / 428

Laba cod way lacnadan yihiin adduun iyo aakharaba, miyuusik latumo kolka nicmo lahelo iyo booyin la booyo kola musiibo ay dhacdo ( waa wareey kii kan ahaa oo kaa ahaa baa geeriyooday IWM oo lagu baroordiiqo ).

Sidaa darted dadka noocaa ah ee codka  mobailadooda miyuusikada ka dhigayow waxaad ogaataan inuu mobilku yahay nicmo uu Alle idiin siiyay ee shukrigeeda la imaada intaad Alle ku caasin lahaydeen.

Dhibaatooyinka ka dhashay buuqa masaajidda waxaa kamid ah In duruusta masaajidda ka socota aysan shuyuukhdu horay darsiga u billabi Karin ilaa ay baxaan dadka aan darsiga ku xirnayn, maxaa yeelay hadalka majoojinayaan ilaa ay albaabka ka baxaan kolkaa baa waxaa dhacda Inay qaadato muddo dheer sidii darsiga loo bilaabi lahaa.

Waxaa runtii wax laga naxa ah in qof dumar ah oo muddo aan sidaa u badnayn kahor soo islaamay ayaa haddana salaad taraawiix masjidka dhexdiisa inay ku canaanato dumar Soomaali ah kadib markii ay u dulqaadan wayday qaylada ay ku hayaan masjidka gudihiisa iyadoo ku tiri: Shut up idiotic people / Naga aamusa doqomo yahow.

Waxaa kaloo jiray nin isagana soo islaamay ayaa kolkuu layaabay dhaqanka muslimiinta ayaa wuxuu yiri: Haddaan ogaan lahaa dhaqanka muslimiinta inuu sidan yahay maanan soo islaameen. ee ilaahay ninkaasi wuxuu ku badbaadiyay inuu kala garto waxa kutubta ku qoran iyo dhaqanka dadka muslimiinta inaysan shaqo isku lahayn.

Sidaa darteed waa inaan ogaannaa haddaynu nahay dad muslimiin ah inaynu nahay muraayadii laga daawanayay kitaaba iyo sunnada Nabiga SCWW oo hadduu dhaqankeenu uu hagaagana in Alle idinkii dad badan aan sabab u noqon karno inay soo islaamaan, haddii kalese waxaynu noqon caqabad hortaagan dad badan oo niyad u hayo inay mar uun islaamaan.

Waxaan shaki lahayn in dakaa ka caado dhigtay had iyo goor inay ku buuqaan masaajidda gudahooda inay u gacan galaan rag aad u adag sidii uu u canaantay Amiirul mu’miniin Cumar bin-Khataab RC sida uu wariyay Imuumul-Buhaari RC rag aan madiino u dhalan oo masjidka ku buuqay ee uu ku yiri: Hadaad dadka magaalada degen ahaan lahaydeen waan idiin xanuujin lahaa. Ma waxaad codkiina kor ugu qaadaysaan masjidkii Rasuulka SCWW.

Alle SW ha ina garansiiyo xaqqa hana naga yeelo kuwo ku camal fala diintooda isla markaana Alle SW uu ka aqbalo camalkooda.

وبالله التّوفيق

وصلّى الله وسلّم على نبيّنا محمّد وآله أجمعين.      
 

 

WQ: Cali-Daahir X Muxammad

mohiyadin@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 3, 2008

macalinGuddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax macallin, oo waraysi siiyey Idaacadda Australia ee SBS halkan ka dhegeyso ama halkan (mp3)

Dagaal ka Dhacay Balli-Doogle
Kulan ka dhacay Gobolka shabeelaadda Hoose
iyo Olole nadaafadeed oo ka soconaya isbitaalka hooyada iyo dhalaanka degamad guriceel ee goblka Galgaduud
Akhri Jan 25

sakariyeZakariye Xaaji: Nuur Cadde Waa Nin Odey ah Waxase uu Saaran yahay Gaarigii Dalka Lagu Qabsaday (Waraysi)... Akhri...

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland.
Warbixinta ka akhri halkan...

norwayMu'tamaradii Norway-Sweden oo khayr kudhamaaday.. mu’tamarkii “Horumarinta Samafalka iyo Iskaashiga”... Sawiradii mutamarka...

ukBannaanbax looga soo horjeedey Xasuuqa iyo Joogitaanka Itoobiya
London: Mudaharaadkan oo noqday kii ugu weynaa ay isugu yimaadaan Jaaliyada Geeska Africa.. Akhris/sawirro...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com