SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK

Rageh Omaar: Waxaa jira Dhibaatooyin haysta Soomaalida ku dhaqan dalkan Britain

Qore: Ridwaan Haji-Abdiwali – London : Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Britain oo mudooyinkan danbe si weyn u hadal haya dhibaatooyinka haysta dhalinyaradda Somaaliyeed oo qaar kamid ah u dhintay weeraro la isku adeegsado Mindiyo iyo Tooreey ayaa si weyn ay mararka qaarkood uga faaloodaan warbaahinta dalka iyo dadka u dhashay dalkan inkastoo inta badan Soomaalida ku dhaqan dalkan aanay la socon sababtuna ay tahay iyagoo aad isugu mashquuliya Siyaasadda dalka Somalia.

 
Sida ay dad badani la socdaan In ku dhow 20 qof oo dhalinyaro Soomaali ah ayaa la rumaysan yahay in sanadihii ugu danbeeyay ay u dhinteen weerarada loo adeegsado Mindiyaha marka ay dagaalamaan dhalinyarada Africanka ah ee dalkan ku nool oo Soomaaliduna ay kamid tahay.
 
In badan oo kamid ah dhalinyaradaasi ayaa dilalkoodu waxaa ay la xiriiraan ka ganacsiga Mukhaadaraadka iyagoo aaminsan in ay tahay shaqo wanaagsan ama ay ka heli karaan dhaqaale xoogan oo ay ku fuliyaan danaha ay ka leeyihiin noloshooda.
Kulan balaaran oo ka dhacay mid kamid ah xarumaha looga hadlo arimaha Bulshada khuseeya ayaa lagu qabtay magaaladda London waxaana looga hadlay Qaxootiga iyo Aqoonsiga qofka , waxaana ka qayb galay aqoonyahano u badan Jaaliyadda Britishka.
 
Kulankaasi ayaa markii hore waxaa khudbad gaaban kasoo jeediyay Rageh Omaar oo asalkiisu uu yahay Somali hase yeeshee sheegay in uu si weyn u aqoonsanyahay in uu yahay (Somali, Muslim, Black Iyo British)
 
Kulanka oo intiisa badan looga hadlay  dhibaatooyinka haysta Jaaliyadda Soomaalidda ee dalkan ku nool iyo sida looga gudbi karo.
 
Rageh Omaar oo kamid ah Wariyayaasha ka howlgala Taleefishinka Al-Jazeera English ayaa waxaa uu ka hadlay sida uu ku yimid dalkan iyo waxyaabihii ku kalifay waalidkiisu in ay dalkan u yimaadaan qaxooti ahaan isla markaana ay jiraan Soomaali kale oo isaga lamid ah oo dalka yimid wixii ka danbeeyay bur burkii Somalia .
 
Rageh Omaar ayaa sheegay in qaar badan oo kamid ah caruurta Soomaaliyeed ee nolosha ka dhaca ay sabab u tahay iyagoo aan haysan waalid ama walaal ka wayn oo caawiya, waxaa kaloo uu sheegay in mararka qaarkood hooyoyinka aysan lahayn aqoon ama luqad ay ku caawiyaan caruurta ay dhaleen si ay waxbarashadoodu u fiicnaato, waxaa uu xusay in loo baahan yahay in la abuuro ururo u dhexeeya Dawladda iyo Jaaliyadda Soomaalida si looga gudbo dhibaatada taagan.
 
Waxaa kaloo uu sheegay in luqadda Englishku ay tahay mid kamid ah caqabadaha xoogan ee haysta dhalinyarada Soomaaliyeed ama caruurta la keeno dalkan iyagoo da'doodu ay wayntahay isla markaana lala fadhiisiiyo dad hoos laga soo dhisay.
 
arinta aan la Iska indha-tiri karin ayaa waxaa ay tahay in Soomaalida ku nool dalkan aysan isku xirnayn ama aanay diyaar u ahayn in ay ka hadlaan dhibaatooyinkan oo u muuqda kuwo kasii dari doona hadii aan la helin Jaaliyad isku xiran oo ka madax-banaan waxa ka dhacaya dalka Somalia hase yeeshee ka shaqeeya sidii ay dalkan ula qabsan lahaayeen , ugana bad baadin lahaayeen ubadka ay dhaleen dariiqa khaldan ee ay kusocdaan.
 
Khudbadaasi oo waxyaabo kale oo badan looga hadlay , maalmaha soo socda ayaan idiin soo gudbin doonaa iyadoo cod ah haduu ilaahay idmo.

Ridwan Haji (ridwanhaji@yahoo.com)

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 3, 2008

macalinGuddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax macallin, oo waraysi siiyey Idaacadda Australia ee SBS halkan ka dhegeyso ama halkan (mp3)

Dagaal ka Dhacay Balli-Doogle
Kulan ka dhacay Gobolka shabeelaadda Hoose
iyo Olole nadaafadeed oo ka soconaya isbitaalka hooyada iyo dhalaanka degamad guriceel ee goblka Galgaduud
Akhri Jan 25

sakariyeZakariye Xaaji: Nuur Cadde Waa Nin Odey ah Waxase uu Saaran yahay Gaarigii Dalka Lagu Qabsaday (Waraysi)... Akhri...

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland.
Warbixinta ka akhri halkan...

norwayMu'tamaradii Norway-Sweden oo khayr kudhamaaday.. mu’tamarkii “Horumarinta Samafalka iyo Iskaashiga”... Sawiradii mutamarka...

ukBannaanbax looga soo horjeedey Xasuuqa iyo Joogitaanka Itoobiya
London: Mudaharaadkan oo noqday kii ugu weynaa ay isugu yimaadaan Jaaliyada Geeska Africa.. Akhris/sawirro...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com