Dhibaatooyinka Tahriibayaasha Soomaalida ah
Kadib burburkii dowladii MAXAMED SIYAD BARRE ayaa dalka soomaaliya
wuxuu isku badalay meel ay ku hardamaan kooxo iska soo
horjeeda kuwaas oo ku salaysan qabiilka soomaalida ragaadsaday.
Mudadaas kadib waxaa soo baxay hoogaamiye kooxeedyo mid
waliba dan gooni ah leeyahay ,hadaba shacabka soomaalida ayaa
waxay noqdeen dhibanayaasha mar walba uu soo gaaro qasaaraha ka
dhasha dagaalada u dhexeeya kooxahan ku hardamayay dalka
soomaaliya gaar ahaan caasimada Muqdisho taasoo noqotay meelaha
ay ka dhacaan qalalaasaha ama rabshadaha ugu badan .
Dhibaatooyinkan ka dhacay dalka walina ka soconaya ayaa waxaa
la aaminsanyahay in ay ka danbeeyaan dalal shisheeye kuwaas oo
ay kamidyihiin Maraykanka,Yurub iyo waliba qaar ka tirsan
dowladaha Afrika.
Hadaba nolosha dalka ayaa waxay noqotay mid aad u adag ayna
ku noolaan Karin dadka danyarta ah gar ahaan kuwa aan laga
biilin dalka dibadiisa kanacsatana aan ahayn.
Hadaba in badan oo soomaali ah haba u badnaadaan dhalinyaro
ayaa waxay go'aan sadeen in ay ka hayaamaan dalka si ay u
heleen meel nolol iyo ammaanba ka fiican soomaaliya,hadaba
meelihii ugu horeeyay ee ay soomaalidu bilaabeen in ay u
haajiraan ayaa waxaa ka mid ah dalka sucuudiga kasoo loo
siimaroy magaalada dakada ah ee Boosaaso ayadoo laga gudbayo
Gacanka Cadan.
Inta badan tahriibayaasha ayaa waxay la kulmaan dhibaatooyin
iyo caqabado aan la qiyaasi Karin gaar ahan dadka ku safra
Badaha .
Inta badan dadka u tahriiba Sucuudiga ee ka dhoofa magaalada
Boosaaso ayaa waxaa dhacda inay doomuhu laqaliman ama si ula
kac ah looga daadiyo waasida dadka qaarkii ay aaminsanyihiin
taasoo ay ku nafwaayeen kumanaan soomaali ah .
Sida ay sheegayaan Warbixinnadu tan iyo bilowgii Dagallada
Sokeeye iyo wixii ka dambeeyay 1991-kii, waxaa sannadkiiba Badda
u dhaxaysa labada dal ku halligma tiro 5000-Tahriibayaal u badan
Soomaali, kuwaas oo uu hilibkooda iyo dhiiggoodu ka dhergo
Libaax-badeedka aadka ugu badan halkaas.
Mudooyinkan danbe waxaa bilowday in ay soomaalidu utahriibaan
dhinaca Turkiga si ay ugu sii gudbaan dalalka yurub ,dadkan
intooda badan ayaa waxay ka yimaadaan dalalka carabta gaar ahaan
Sucuudiga iyo Imaaraadka (UAE) waxayna soo maraan Jordan oo ay
si dhuumaalaysi ah ugu gudbaan Siriya.
Hadaba mudo laga joogo isbuuc waxaa xuduudka wadanka Jordan
lagu qabtay gabdho soomaaliyeed oo si qaldan uga gudbayay
xuduudka . Gabdhahaas ayaa waxaa tiradooda lagu sheegay illaa 4
gabdhood,gabdhahan ayan cadayn illaa hada meesha lageeyay iyo
waliba inay badqabaan iyo inkale .
Sidoo kale waxaa jira dad badan oo lagu qabtay ayagoo kasii
baxaya xuduudka Siriya .
Dadka inta badan la qabto ayaa waxaan jirin hay'ad ama cid u
dooda inta badana aan war laga qabin halka ay ku danbeeyeen .
Ugu danbaystii dhamaan marka la isku soo duubo dhibaatooyinka
dadka ku dhacaya ayaa waxay tahay daganaansha la'aanta ka jirta
wadankeena hooyo ayadoo aan ognahay in soomaaliya ay tahay dal
qani ku ah xaga khayraadka dabiiciga ah iyo xoolaha nool.

Ahmed-dayib moh'ed abdi.
Email:
saalim20@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan