SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK

Waa sidee Xaaladda Nolosha Soomaalida Leicester - UK. 
 

Marka hore mahad idilkeed waxa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana rasuulkeenii Muxammed ahaa ayeey korkiisa ahaatay. Kadibna akhristayaasha sharafta lahow waxaan idiin leeyahay iga gudooma salaanta Islaamka (A.C.W.W). 

Leicester oo ah magaalo ka mid ah magaalooyinka ugu caansan dalkan ingiriiska, kana tirsan  gobolada leysku yiraahdo East Midland. Xagga weyninka waxey ku jirtaa Kaalinta 11aad magaalooyinka ingiriiska. Tirada dadka ku nool waa 280,000 oo qofood, Leicester oo kaliya, marka lagu daro magaalooyinka kale oo ay xukunto oo leysku yiraahdo Leicestershire, waa illaa 570,000 oo qofood. Waa magaalo ku caan ah dhaqamada kala duwan iyo soo dhaweynta dadka ajaanibka ( Multicultural & Integration City ). Waa magaalo aad iyo aad ugu horeysa xagga Waxbarashada, shaqada, ammaanka, iyo weliba waa magaalo aad iyo ugu wanaagsan xagga xaasaska iyo caa’iladahaba. Xagga waxbarashada waxaa ku yaala illaa iyo labo jaamacadood oo waaweyn iyo collegyo aad iyo u tiro baddan, oo level kastaba leh. 

Soomaalida ku nool magaalada Leicester waxa ay badankoodu magaaladan soo degeen wixii ka danbeeyay sanadkii 1998di. Soomaalida ugu baddan magaaladan soo degtay, waxey baddankoodu ka yimaadaan waddamada yurubta kale, oo waa dadka heysta jinsiyadaha waddamada kala ah, Netherland, Denmark, Sweden, Norway  iyo Finland. Wey jiraan Soomaali kale oo toos ugu yimid Soomaaliya, oo waddankan ingiriiska sharciyo ka qaatay, laakiin waxa ka tiro baddan Soomaalida kale ee kasoo guurtay Yurubta kale. Soomaalida degan magaaladan waa dad aad iyo aad uga dhex muuqda magaalada Leicester, marka laga eego qeybaha kala duwn ee noloshu magaalada.  Qeyb walba si gooni gooni aha ayaan xagga hoose uga faaloonayaa. 

Xagga Waxbarashada:- Soomaalida Leicester waad ka heleysaa qeybaha waxbarasha min biloow illa iyo heer jaamacadeed. Aad iyo aad ayeey uga dhex muuqdaan goobaha waxabarashada iyagoo aad ku arkeyso inay sanada walba ku jiraan ardada ka qalin jabisa jaamacadaha. Sidoo kale ardada ka baxda waxbarashada dugsiyada sare ayaa Soomaalidu waxey sanad walba soo galaan ardeyda tusaalaha loosoo qaato oo ku baasa kaalimaha wanaagsan. Sanadihii lasoo dhaafay waxaa xitaa ay gaareen heer ay Abaalmarin u helaan collegyada waddanka kuwooda ugu sumcada sareysa sida Eaton college oo ku yaala magaalada London. Ardeyda Soomaaliyeed ayaa xitaa waxa ay jebiyeen fikirki laga heystay ardeyda madow, ee aheyd inaanay ku wanaagsaneyn waxbarashada. Wey jiraan arday baddan oo ku liita waxbarashada, qaarkoodna ku saaqiday, laakiin inta wanaagsan ayaa ka baddan. 

Xagga Diinta:- Soomaalida Leicester waxa ay u baddan yihiin dad aad iyo aad ugu dhegan diintooda iyo dhaqankooda. Waxaa magaalada ku yaala illaa iyo saddex masaajid oo ay Soomaalidu gooni u leedahay. Waxaa kaloo jira dugsi quraano  baddan, oo ku yaala magaaladan, oo ay Soomaalidu maamusho iyagana wax ka dhigan. Muuqaalka guud ee dhaqanka iyo asturaada, aad iyo aad ayeey ugu wanaagsan yihiin.  

Xagga Shaqada:- Soomaalida Leicester sanadahan danbe aad iyo aad ayeey uga dhex muuqdaan goobaha shaqada, oo shirkadaha waaweyn sida Royal Mail, Parcel Force, Walkers, TNT, Tesco,Asda, waxaad arkeysaa Soomaali aad u tiro badda oo u shaqeeya. Waxey kaloo aad iyo aad uga dhex muuqdan shirkada Busaska magaalada sida First, Arriva, iyo shirkadaha kale ee yar yarba, oo ay aad u waddaan basaska. Waxaa intaas dheer iyagoo hadda u xuubsiibtay inay tiro muuqata ka yihiin wadida tagaasida loo yaqaan Black Cab iyo weliba Mini Cabyadaba. Goobaha waxbarashada ayeey aad uga shaqeeyaan, iyadoo aad ku arkeyso Macalimiin baddan oo wax ka dhigta iskuulada Leicester, waxa kaloo ay ka shaqeeyaan Leicester city Council, oo aad ku arkeyso qeybaheeda kala duwan, haddey noqoto xasgga Guryaha, waxbarashada iyo  weliba waxey ka shaqeeyaan hay’adda caafimaadka ee NHS. 

Xagga Ganacsiga:- Soomaalida Leicester waxaa ay magaaladan ku leeyihiin goobo baddan oo ganacsi, haddey noqoto goobaha loo yaqaan Internet Coffee, xawaaladaha kal duwan ee Soomaalida, maqaayado, dukaamada cuntada, dharka iyo weliba kuw loo yaqaan One Pound shop, Agensiyooyin jara Tigidhada Diyaaradaha. Waxaa kaloo aad u baddan Soomaalida Jeeblayaasha ah ee iyagu leh ganacsiga wareega. Waxaad kaloo arkeysaa Soomaali furatay dukaamo waaweyn, kuwa loo yaqaan Super market. Runti Soomaalida aad ayaa loogu amaanay ganacsiga, Inkastoo ay ciladoodu tahay iyagoo aan baddankoodu ganacsigoodu soo dhaafin Stage one. 

Xagga Communitiyada:- Leicester waxaa ka furan Komuunitiyo baddan oo u adeega Soomaalida, oo ay maamulaan Soomaali, kaalin muuqatana ka qaata sare u qaadida adeegyada ay Soomaalida u baahan yihiin. Koomuunitiyada Soomaalida dhibta kaliya heysata waa midow la’aanta, taasoo baddankeeda loo aaneynayo dhibaatada ka jirta waddankeena. Wey jiraan iskudayo baddan oo lagu mideynayo, sida dallada Somali Service Providers Forum, oo runti ay isugu tageen komuunitiyo baddan, haddana weli waxa jira kuwa kaloo kasoo horjeeda. 

Xagga Sumcadda:- Soomaalidu waa dad aad iyo aad u ilaashada sumcadooda, oo ku faana Soomaalinimada. Wey ku yar yihiin gelitaanka denbiyada waaweyn. Inkastoo ay jiraan dhalinyaro yar yar oo waayaha danbe soo yara badanaya, oo ku jira isticmaalka waxyaalaha muqaadaraadka ah. Caam ahaan sumcada magaaladu aad ayeey u sareysa, xitaa Soomaalida waxaa aad loogu amaanaa sidi ay u qaadeen sumcadda Xaafadda St.Matthews, oo runtii Soomaalida ka hor aheyd xaafad ay nolosheedu aad u liidato, oo ay ku baddan yihiin danbiyada. Haddana noqotay xaafad ay cid walba ku hamido inay soo degaan. Soomaalida Leicester waxey kaloo caan ku yihiin sida ay isagala qeyb qaataan munaasabadhood sida  Xafladaha Aroosyada, oo aan loo kala herin iyo weliba haddii ay dhib dhacdo sida aasida. meydka oo kale. 

Waxaan Qormadeydan ku soo gabagabeynayaa runtii maaha noloshu Soomaalida Leicester mid hal qoraal kaliya lagu soo koobi karo, oo waxa daraaseyn kara kaliya qofka soo booqday ama daraasad dheer ku sameeya. Wey jiraan dhibaatooyin saameyn ballaaran ku leh noloshu Soomaalida Leicester, sida mafrishyada ama goobaha Qayilaada, iyo weliba dhalinyarada ku saaqiday waxbarashada oo ku soo badanaya Waddooyinka magaalada, sidaas oo ay tahay haddana mar walba waxaa ka baddan inta wanaagsan ee diyarka u ah inay la jaanqaadan horumarka magaalada Leicester. 

Qoraalkeygi waa iga intaas, wixii wanaag ah oo aan sheegay waxey ka sugnaatay Allaah, wixi xumaan iyo khalad ahna waa nafteyda iyo sheydaan. 
 

Qalinkii

Cabdixakiim Jaamac jooje
saicentadv@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 3, 2008

macalinGuddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax macallin, oo waraysi siiyey Idaacadda Australia ee SBS halkan ka dhegeyso ama halkan (mp3)

Dagaal ka Dhacay Balli-Doogle
Kulan ka dhacay Gobolka shabeelaadda Hoose
iyo Olole nadaafadeed oo ka soconaya isbitaalka hooyada iyo dhalaanka degamad guriceel ee goblka Galgaduud
Akhri Jan 25

sakariyeZakariye Xaaji: Nuur Cadde Waa Nin Odey ah Waxase uu Saaran yahay Gaarigii Dalka Lagu Qabsaday (Waraysi)... Akhri...

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland.
Warbixinta ka akhri halkan...

norwayMu'tamaradii Norway-Sweden oo khayr kudhamaaday.. mu’tamarkii “Horumarinta Samafalka iyo Iskaashiga”... Sawiradii mutamarka...

ukBannaanbax looga soo horjeedey Xasuuqa iyo Joogitaanka Itoobiya
London: Mudaharaadkan oo noqday kii ugu weynaa ay isugu yimaadaan Jaaliyada Geeska Africa.. Akhris/sawirro...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com