Birimageyday dileen

Kutubta samaawiga ah iyo qawaaniinta aadanuhu degsaday midkoodna ma
ogola dilka ruux waxtar u leh aadanaha ama bulshada. Shareecada
islaamkuna si cad waxay u qeexday oo cidda fulinaysana tilmaantay dilka
bannaan. Xayndaabkaa shareecadu dhigtay si ka baxsan dilkii ku dhaca waa
jariimad aan cafin lahayn oo aadanaha iyo bulshada laga galay, waana
gaboodfal ruux loo gaystay. Dilka jaantaa rogan u dhaca oo midka
barayahan la hadal hayay uu ku tirsan yahay, wuxuu la mid yahay
bukaankii oo qaniinay gacantii dhayaysay ama ruuxii dhibta taagan
bulshada caalamka gaarsiinayay oo carrabka maqas looga jaray.
Hoogaha, guul u yaqaan laynta birimagaydada, waa kuma?.
Waa kaa ma oran karo, tilmaantiisase, waa wada naqaan oo waa fulay
saqdhexe la guureeyay dhagar uu ku laynayo dad birimagaydo ah oo
bulshada u adeega. Waa kuwo uur-ka-gaalo ah oo dadka isu ekaysiiyay,
isla markaana, bulshada dhibkeeda u tafo xaydan. Shaqaalaha MSF Holland,
ma hayb bay u dileen?, ma siyaasad bay u dileen?, ma ilo dhaqaale ayay
ka awdeen?, ma waxaa loo gargaaray Diinta islaamka?. Itaa middood shanta
lama aysan gali shaqaalaha (takhaatiirta) MSF Holland iyo Marxuum wariye
Xasan–kaafi Xareed Axmed, sababta oo ah hawsha ay degmada Kismaayo u
joogeen intaa midkoodnna ma ahayn. Isbitaalka iyo guriga meel dhaafsan
waqit haba yaraadee uma aysan hayn, hawlina kagama xirrayn. Sidoo kale
wariye Xasan-kaafi 24 saac wuxuu daba joogay, warka runta ah in uu helo
oo tabiyo?!. Run, biyo kama dhibcaan ah, waxaa ah; dhagar-qabayaal mugdi
ku guday in ay maleegeen shirqoolka taakhtiirta iyo wariyaha lagu dilay,
ujeedaduna tahay; dadka Kismaayo ku nool, cudur iyo dhiig bax ha u
dhammaadaan, warkooduna dhagaha bulshada caalamka yuusan gaarin!.
Maxaan nagala gudboon dhagarta caynkaa ah?.
Hor iyo horraan waxaan lee nahay koox shaydaan [meel xun] u kala
qaaday ma aha in la iswaydiiyo maxay sidaas u yeeleen?, islamarkaa ma
aha in loo jaanqaado dhanka ay rabaan fidnnadu in ay ka curato.
Dhacdooyinka caynkaa oo kale ah waa kuwa dhaliya isgarabsiga iyo
iswalaalaysiga bulshadii wada taal. Mujrimiintu waxay fali lahaayeen
fale waxaase dhimman wixii lagu fali lahaa iyo sidii far iyo suul looga
soo dhexqaban lahaa bulshada caafimaadka qabta oo xasilloonida u baahan.
Haaddaba, dad caleentoodu samada ka soo go’oday cid baajisa lama arag,
balse, waa in aysan gacan ku dhiiglayaashu gaarin muraadkoodi ahaa;
bulshada wada daggan in ay madaxa isugu dhuftaan, muwaadin nadiif ahna
laga harag-harag siiyo oo qaskaa ay ka kalluumaysta, (qaraabtaan).
Baaritaanka oo kan qabo, kanna soo qabo loo maro waa sida ay doonayaan
oo ah in la kala shakiyo, hoosaasinna ay u helaan qorsheyaal soo
aaddan.
Ugu dambayn:
Qorbajoogta ka soo jeedda Goolka Jubbada hoose si gaar ah degmada
Kismaayo meel ay joogaanba aniga oo magacooda ku hadllay; Ha’adda MSF
Hoolland, bahda Gedonet, bulshada Gobolka Jubbada Hoose degmada Kismaayo
si gaar ah bukaanka Isbitaalka kismaayo waxaan la qaybsanaynaa dareenka
murugada leh oo shirqoolku sabab u noqday. Dhib waa dhacaa, waase in
aysan nabad carrada ku joogin ruuxa ama cidda dhibta gaysatay. waxa
kaliya oo lugu illoobi karo dhiilladaa oo lagu kala shaki bixi karo waa
ruuxii ama ciddii falka ka dambaysay oo garsoor caaddil ah la hor geeyo
oo uu eedaysane ama eedaysana yaal yaashaa falkaa bulshada wadnaheeda
gilgilay, islamarkaana hindisaha gurracan oo ay jeexdeen uusan meel
marin.
Wariye British Broadcasting Corporation laanta afsoomaaliga ka
tirsan; Nasteex Daahir, ayaa 29/01/2008 migroofanka la dhexmaray
isbitaalka Kismaayo oo taakhaatiirta la laayay ka howl gali jirtay, si
uu dareenka bukaanka u qiyaaso, sidatan ayuuna dareenkii bukaanku ku soo
uruuray: Maryan Yuusuf Faarax; “kii iqabay waaye kan dhintay (xagga
dawaynta ayaan u qaatay), waa u baahannahay waa u baahannahay waa u
baahannahay”. Haweenay kale waxay tiri: “dhiigbaxaa ihaya, murugaan inta
la fadhiyaa”. Mukhtaar, oo isna bukaan ah, wuxuu yiri: waa habaarray
kuwaas”.
Si le’eg, annaguna waa u habaarray; “bukaankaa habaarkoodu idin soo
qabay, Ilaahay idanki”. Dad birimagaydo ah baad layseen, bukaan aan laga
oohinna baad ka oohiseene; calaamo idinka iftay idam Alle, hangool gano
qaabanna la idinku soo qabay, dhawaan”. Aamiin, Aamiin, Aamiin.
Daka reer Kismaayoow, waxa la idinka damcay yaan la idinka heline,
diida, diida.
Cabdiwali Sh. Maxamed
ifaqoon@hotmail.com
29/01/2008