SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

War saxaafadeed: Musharax Adam Mohamed Esse (Gaadaale)

December 29, 2008

War saxaafadeed (Press Release)

SHAKI LAGA QABO HABSAMI U DHICIDDA DOORASHADA PUNTLAND

Waxaa dadweynaha reer Puntland aad uga shakisan yihiin in aysan dawladda maanta jirtaa marna daacad ka ahayn in doorashooyin xalaal ahi ka dhacaan ama la qabto waqtigii loogu tala galay oo ay ayaamo yari ka harsan yihiin. Waxaana keenay shakigaas arrimaha soo socda:

Dib u rididda soo dhejinta xubnaha baarlamaanka.

Maxkamadaynta dad loogu yeeray in ay dembi ka galeen dalka, loona diiddan yahay in la meel mariyo xildhibaan-nimada ay u soo sharrexeen Nabadoonnada iyo Isimmada beelohoodu.

Beelo si toos ah ay dawladdu uga diiddey xubnihii ay keensadeen iyada oo ay sabab ka dhiganayso; waa in ay beeshu keento gabar, meesha ay ka keentay wiil. Hadday beeshu gabar keentana lagu yiraahdo waxaa la rabaa wiil. Taas oo loo qaatay in ay tahay hab ay dawladdu wax ku khayaanayso.

Warar isa soo taraaya oo sheegaaya in ay dawladdu diyaarsanayso ciidammo-beeleed malleeshooyin ah oo lagu ururinaayo meelo kala duwan, taas oo loo qaatay in ay dawladdu dadka xoog ku cabburinayso, aysanna marna aqbalayn haddii si xaq iyo caddaalad ah looga guuleysto.

Doorashada oo ay tahay in la qabto bisha Jannaayo siddeedeeda (January 8, 2009), ayaa waxaa ka soo yeeraaya dawladda in haddii wax yaabaha ay rabto la fulin waayo, ay dib u dhigayso waqtigii loogu tala galay in ay doorashooyinku dhacaan.

Waxaan dowladda u soo jeedinayaa saddex arrimood oo doorashada iyo ololeheeda la xiriira isla markaana heshiiskii is-afgaradka ku jiray in ay wax ka qabato:

In xubnaha laysku khilaafsan yahay xildhibaanimadooda si deg deg ah gacanta looga geliyo Isimada toddobada ah ee soo jireenkana ah, lagana soo doortay Isimmo tiradoodu gaarayso ilaa iyo afartan (40 Isim). Isimadaas ayaana laga filayaa in ay si caddaalad ah u kala saaraan xubnahaas laysku khilaafsan yahay.

In aysan dawladdu fara gelin ku samayn xulitaanka xubnaha golaha wakiillada, ee ay u daayaan qabaa'ilku dhexdooda si ay si xor ah ugu soo xushaan.Waxaa hadda socota dadka xildhibaannada qabaa'ilku u soo doorteen ee aan raacsaneyn dowladda, in ay dawladdu dambi u sameyso dabadeedna dacwad ku oogto si ay u noqdaan dad dambiilayaal ah isla markaana aan u qalmin in ay xildhibaanna noqdaan,waxaa kale oo dowladda lagu eedaynayaa in xildhibaannada aan iyada taageersaneyn ee qabaa'ilku soo xushaan ay xubin ama xubno kale oo ay iyadu wadato ka doc sameyso, isla markaana laaluush ku bixiso si uu u soo boxo qofka iyada taageersan, ama buuq iyo is qabqabsi uga dhex sameysmo qabaa'ilka, arrimahaasina waxay abuuri karaan fidmo iyo isku dhac dadka dhexdiisa, waxaan dowladda u soo jeedinaynaa in ay arrimahaa faraha kala baxdo oo ka waantowdo.

Wixii khilaaf ah oo beeluhu dhexdooda xallin waayaan waa in loo daayo guddigii odayaasha dhaqanka ahaa ee lagu heshiiyay in ay xalliyaan.

Waxaan kaloo dowladda u soo jeedinayaa in ay arrinta amniga caasimadda sidii lagu heshiiyey wax uga qabato inta ololaha doorashadu socdo, waxaana heshiiska ka mid ahaa in la sameeyo ciidan ka kooban 300 oo qof oo ka kala socda 7-da gobol ee Puntland ka koobantahay oo qalabeysan, isla markaasna ay kormeeraan Isimmada reer Puntland.

Anigu waxaan awooddayda musharaxnimo iyo qof ahaanba ku ballan qaadayaa (My capacity as a candidate and personal level) in aan si xoog leh uga qayb qaadanayo wax kasta oo lagu sugaayo ammaanka dalka iyo hab sami u dhicidda doorashada, sidoo kale waxaan ka codsanayaa dowladda, isimada, murashaxiinta, ciidamada iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland ka koobantahay in ay iska kaashadaan sugidda nabadgelyada iyo sidii ay doorashadu ugu dhici lahayd caddaalad.

Waxaa warsaxafadeedkaan soo saaray:

Musharax Adam Maxamad Ciise (Gaadaale)
adamesseforpresident@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 30, 2008


yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilay Isniin Dec 29, 2008
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqay in uu iska casiley xilka DFKMG Akhri Warka oo dhan...

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS