SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Duqayn Iyo Dagaalo Dad Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Gudaha Suuqa Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho

Kadib markii tiro madaafiic ah lagu weeraray xarunta villa soomaaliya oo iminka ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM iyo Ethiopia ayaa jawaabtii ay soo bixiyeen waxay saamaysay inay ku waxyeeloobaan ugu yaraan dhimashada inta la og yahay 10-qof oo ay labo haween tahay halka dhaawacuna uu kor u dhaafay 20-tameeyo qof oo rayid ah oo loola cararay isbitaalada magaalada muqdisho .

Duqayntan ayaa timid kadib markii saaka barqanimadii uu iska hor imaad ka dhacay Ex-wershedii hore ee baastada oo fariisin u ah ciidamada Ethiopia iyo kuwa loo yaqaano copy-ga ee dalka Ethiopia lagu soo tababaray oo isku dhinac ah iyo xoogaga islaamiyiinta islamrkaana waxyar kadib hoobiyeyaal lagu weeraray xaruta madaxtooyada islamrkaana ay ciidamada shisheeye ee halkaasi ku suganai ay mafdaafiic tiro badan kusoo garaaceen suuqa bakaaraha oo ay bar tilmaameed ka dhigteen .

Sidoo kale duqayntan oo ahayd mid loo adeegsaday madaafiicda wax gumaada ayaa saamayn ku yeelatay ganacsiga suuqa oo noqday mid ay iridaha isugu dhufteen ganacsatada suuqaasi iyagoo qof kastaaba uu naftiisa ula baxsaday halka uu is lahaa waad ku badbaadaysaa islamrkaana sidaas uu suuqa bakaarugu mudo kooban uu ku noqday mid faaruq ah .

Maaha marki ugu horaysay oo duqayn noocan oo kala ah loo gaysto suuqa bakaaraha oo mudooyinkii dambaba uu hoy u noqday in lagu garaaco madaafiicda wax gumaadda islamrkaana ay bar tilmaameed ka dhigtaan ciidamada dowlada kuwa shisheeye kadib markii ay dagaalo kusoo qaadaan xoogaga kasoo hojeeda.

Iskusoo wada duuboo duqayntan ayaa kusoo begantay xili la sheegay inay dowlada Ethiopia ay ciidamadeeda kala baxayso dalka soomaaliya gaar ahaan magaalada muqdisho iyo baydhabo islamrkaana uu xilka iska casiley madaxweynihii hore ee dowlada KMG ah c/laahi yuusuf axmed .

faytin yaasiin

Faafin: Somalitalk.com | Dec 30, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS