Ahlusunnah oo Afhayeenkooda Dalka UK u dooratay Max'ed Xuseen owliyo
iyo Shir Jaraa'id oo uu qabtay.
Max'ed Xuseen "Owliyo" oo ka mid
ah Siyaasiyiinta ku dhaqan Dalka UK aya kulan ay isugu yimaadeen Culimada
Ahlusuuna waxaa ay u doorteen in uu noqdaa Afhayeenka UK uga hadla isuna keena
Ahlusunna meel walba oo ay ka joogan Dalka.
Kulanka oo ka dhacay Magaalada London ayaa waxaa ka qeybgalay boqolaal qof oo
reer UK kana kala yimid Gobolada Dalka Ingiriiska isuguna jiray Haween iyo Rag.
Siyaasiga Max'ed Xuseen Owliyo oo xilkaas markii loo dhiibay kadib Warbaahinta u
qabtay Shir Jaraa'id ayaa balanqaaday Horumar in uu gaarsiin doonaa Ahlusuuna
iyo Midnimo , waxaana uu isla doorshadiisa kadib si kuluil u weerarary
Siyaasadaha Shababka ee ku wajahan Qabuura faagida , waxaana uu ku tilmaamay
taas talaabo ay ka dambeyso Dowlada kale uuna yahay Qandaraas la soo qaatay ,
waxaana uu shababka uga digay in la sii wadaa Dagaalka lagu hayo Qabuuraha
Mashaa'ikhda hadii kale ay kala kulmi doonaan cawaaqib xumo aanay ka soo kaban.
Mar uu ka hadlayey Dagaalada ka socda Gurei Ceel iyo Dhuusamareeb waxa uu
"Owliyo" Sheegay in uu yahay Dagaal Wahaabiyada looga xureynayo Gobolka
Galguduud kadib markii ay Shacabka Deeganadaa gudan waayeen Waajibaadka
Cibaadada iyo Ziyaarooyinka oo uu sheegay in Shababka ay is hortaageen Dhaw
jeer.
"Shabab hadii uu tabar hayaa 48-saac loogama soo saareen Guri Ceel ,
Dhuusamareeb, iyo Galinsoor oo aan ku dagaalanay , waxa ay yaqaanaan oo kaliya
Dilka Gaadmada ee Dadka waxgalka ah Bam tuurida Shacabka Dhexdiisa , Anaga
waxaan u dhignay Cashar lama ilaawaan ah anagoo alle kaashaneyna waana wadi
doonaan ilaa Nasriga Alle dartii aan meel walbaa ka saarno" Ayu yiri Siyaasiga
Owliyo Dadweyne .
Ugu dambeyn isagoo sii ambaqaadaya Shirkiisa Jaraa'id ayuu sheegay uu mideyn
doono Ahlusuuna meel walba oo ay ka joogaan Yurub iyo W/Ameerica , waxaana uu ku
nuuxnuuxsaday in dhaqaale iyo Gaashandhiga sida ugu dhaqsaha badan la kobcin
doono .
Ololaha lagu kicinayo Shacabka Somaliyed ee Taagersan Ahlusuna ayaa waxaa hada
ay ka bilaabatay UK , waxaana muuqata in ay Dalal badan Gaari doonaan Abaabulada
Bilawday
Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
Faafin: Somalitalk.com | Dec 30, 2008