SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

GOLAHA ISBEDEL-DOONKA PUNTLAND.

AASAASIDA GOLAHA:

Golahu wuxuu ku assaasmay talooyin iyo afkaar ay qeyb ka mid ah waxgaradka Puntland isku baheysteen. Waxgaradkaasi markii ay arkeen xaalada amni xumo, xasilooni darada baahday, sumcad xumada iyo karaama beelka laga dhaxlay tahriibayaasha iyo burcad badeedka, afduubka martida ajnabiga ah, dakhliga maamulka oo si bareer ah loo lunsado, ciidamadi iyo shaqaalihii maamulka oo ay mushaar la,aan ku dhacday, dhaqaalihii guud oo hoos u dhacay iyadoo ay soo fool ledahay doorashadii madaxweynaha iyo xulida xildhibaanada baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland.

Waxgaradka reer Puntland ka dib markii ay qiimeeyen arimaha kor ku xusan waxay garowsadeen in la gaarey xili loo baahan yahay in la baadi doono hannaan iyo hogaan lagu bedelo kan maanta jira oo Puntland oo ah dal qani ah ka dhigay dal sabool ah.

YOOLKA GOLAHA:

Hannaanka iyo hogaanka cusub waxa looga fadhiyaa iney bulshadeena gaarsiiyaan helitaan maamul lagu kalsoonaan karo oo ku dhisan caddaalad, sinnaan iyo garsoor, maamul ku fekera adkeynta nabad gelyada, sugida amniga, taasoo horseedi karta horumar iyo baraare, waana sababta keentay in la assaaso golaha isbedel-doonka Puntland.

BARNAAMIJKA GOLAHA ISBEDEL-DOONKA PUNTLAND:

Barnaamijka golaha Isbedel-doonka waxa ugu horeeya iyadoo la ilaaliyo qodobada axdiga dowlad goboleedka Puntland.

Golahu wuxuu qabaa in qeyb kasta oo bulshada ka mid ahi ay talada wax ku yeeshaan, lagana qeyb geliyo go,aan qaadashada, arintaasoo dadweynaha reer Puntland ku beeri karta, gaarsiin kartana in ay aaminaan barnamijka dowlad Goboleedka.

Golaha waxa ka go,an in la xurmeeyo qodobada axdiaga gaar ahaan kuwa ku aadan sidii looga guuri lahaa awood qaybsiga ku saleysan qabiilka loona guuri lahaa hannaanka axsaabta si loogu saan qaado nidaam doorasho.

Golahu wuxuu ka shaqeynayaa, u adeegayaa sidii dadweynahu u heli lahaa maamul u adeega xaliyana baahidooda assaasiga ah.

Golahu wuxuu u shaqeynayaa ilaalinta caddaalada, sinnaanta iyo garsoorka qof walba oo bulshada ka mid ah.

Golahu wuxuu aaminsan yahay in la helo maamul qadariya xoriyada qowlka, aragtida iyo figriga muwaadinka.

Golahu wuxuu qabaa in la helo maamul iyo hogaan dhowra sharafta iyo karaamada muwaadinka.

Golahu wuxuu aaminsan yahay in la helo maamul ku sifooba runta, ammaanada, garsoorka, hufnaanta ilaaliyana qiyamka iyo akhlaaqiyaadka suuban.

Golahu wuxuu qabaa in maamulku hagaajiyo qawaaniin ka tarjumeysa baahida dadka reer Puntland.

Golahu wuxuu qabaa in la helo maamul ilaaliya kuna fara adeyga nidaam garsoor oo madax banaan oo lagu kalsoonaan karo, iyadoo la difaacayo xuquuqda assaasiga ah ee muwaadinka.

Golahu wuxuu qabaa maamul hirgeliya qaab doorasho madax bannaan oo dammaanad qaadi kara in si rasmi ah dadweynahu codkooda u dhiiban karaan lagana ilaaliyo musuq-maasuq iyo qalin-daar.

Golahu wuxuu qabaa in la helo maamul balan qaadi in qorshaha horumarineed ee dowlad goboleedka lagu saleeyo baahida bulshadeena iyadoo la tixgelinayo talooyinka mas,uuliinta gobolada, degmooyinka iyo kuwa reer guuraaga.

Golahu wuxuu aaminsan yahay in la helo maamul maciishada dadweynaha kor u qaadi iyadoo laga faa,ideysanayo kheyraadka dabiiciga ah ee goboladeena ALLE ku maneystay.

Golahu wuxuu dhiiro gelinayaa in la abuuro maamul dhisa hey,ad madax bannaan ee hanti dhowr oo la socda qiimeeyana wixii horumar ah oo la gaaray, hey,adasoo u xilsaaran sixitaanka iyo toosinta qorshaha dhaqaale ee dowlad Goboleedka.

Golahu wuxuu daneynayaa maamul qorsheeya daryeel caafimaad oo baahsan si dadkoo dhan ay uga faa,ideystaan miyi iyo magaalaba.

Golahu wuxuu taageerayaa maamul abuura jawi isfaham iyo is afgarad bulshada dhexdeeda, wixii khilaafaad ahna in lagu xaliyo wada hadal iyo isfaham.

Golahu wuxuu daneynayaa maamul diyaariya mujtamaca uu qof kasta xaq u leeyahay inuu ku barwaaqoobo, dhanka kalena laga digtoonaado in la abuuro bulsho ay in yari ku naaxdo, dadka badankiisuna ku dolman yihiin, taasoo astaan u aheyd maamuladeenii hore.

XAQIIJINTA HIMILOOYINKA GOLAHA:

Hadaba si loo xaqiijiyo himilooyinkaas golahu wuxuu la kaashanayaa Isimada, Aqoonyahanada iyo Cuqaasha.

Sidoo kale Golahu wuxuu tixgelin gaar ah siinayaa dhalinyarada iyo ururada bulshada iyo cid kasta oo daneyneysa maamul dadweynaha aragtidooda xurmeeya.

Golahu wuxuu dhiiri gelinayaa hal abuur kasta oo ku aadan daabacaada kutubta, kuwa diinta Islaamka, culuunta iyo suugaanta.

Golahu wuxuu dhiiri gelinayaa in shaqaalaha maamulka iyo ciidamadaba la siiyo tababar si aqoontooda kor loogu qaado.

Xubinimada Golaha:

XUBINIMADA GOLAHA:

Assaasayaasha golahu waa 41 xubnood, Hogaanka ku-meel gaarka wuxuu ka kooban yahay:

  • 1. Guddoomiye.
  • 2. Guddoomiye ku xigeen.
  • 3. Xoghaye.
  • 4. Afhayeen.
  • 5. Khasnaji.
  • 6. Agaasimaha Abaabulka.

Golahu wuxuu u furan yahay soona dhoweynayaa qof kasta oo reer Puntland ah, dibada iyo gudaha dalka ku nool oo ay dhibeyso xaalada maantay lagu sugan yahay, aaminsana in loo baahan yahay isbedel.

Qof aaminsan fikirka iyo mabaadiida golaha kuwaasoo ah in bulshadeenu u saan qaado in la gaaro mujtamac uu astaan u yahay caddaalad , sinnaan, garsoor oo xurmeynaya xuquuqda iyo xoriyada ra,yiga, figriga iyo qowlka ee ILLAHEY aadamaha ugu deeqey, qof aaminsan in runta, caddaalada, hufnaan maamul lagu gaari karo bulsho ku noolaata jawi nabad ah, degenaansho, higsan kartana horumar dhinac kasta ah.

Xubinta ka tirsan golaha wuxuu bixinayaa bil walba lacag dhan $5.

Golahu wuxuu soo dhoweynayaa, aqbalayaana deeq kasta oo laga helo ganacsatada iyo hey,adaha ka howl gala dibadda iyo gudaha dalka, deeqdaasoo lagu dhiiri gelinayo golaha si uu u gaaro ahdaaftiisa.

Dakhliga golaha waxa lagu fulinayaa howlaha iyo barnaamijka golaha iyadoo la muujinayo habka loo isticmaalay deeqdaas si loo arko hufnaan maamul iyo xisaab celin oo astaan u ah golaha.

Golahu wuxuu soo saari doonaa warbixino joogto ah oo ku saabsan hirgilinta barnaamijka si loo ogaado intii qabsoontay iyo inta aan qabsoomin.

ALLAA MAHAD LEH.

Guddoomiyaha Golaha Isbedel-doonka Puntland.

C/risaaq Xuseen Gaceyte.

tel 002525721509

Faafin: Somalitalk.com | Dec 28, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS