SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WADANKA GINI EE INQILAABKU KA DHACAY (WARBIXIN)


Conakry : - Wadanka GINI wuxu ku yaal xeebaha galbeedka qaaradda Afrika , dhanka Koonfureed waxa xuduud kala leh Laybeeriya iyo Siralyoon, dhanka Waqooyina Ginibisow iyo Sinigaal, dhanka Barina Maali iyo Avercoast, Galbeedkana badweynta Atlaantiga . Bedka waddankaas ayaa gaadhaya 245،857 km2 .

Tirada dadkaas ayaa tiro koobtii ugu danbeysey gaadhaya 9.6 milyan qof . oo kala ah : 85% muslim sunni, 10% kiristaan, 5% cawaam. Luqadda rasmiga ah ee bulshada reer Gini ku hadlaan ayaa ah luqadda Faransiiska , sidoo kalena waxa jira luqado maxalli ah oo ay ugu muhiimsan yihiin luqadda ANKO iyo FULANI.

Dhaqaalaha wadankaas ayaa ku tiirsan beeraha oo dadkuna inta badan ka shaqeeyaan, waxana hanti fiicani kasoo gashaa dalagyada kala ah : Kookaha , Bunka iyo Qumbaha. Wuxu wadankaasi hodon ku yahay macdanta, Dahabka, birta(xadiid) iyo dheemanta, inkastoo aan sidii la rabey looga faa’iideysan oo faqri ba’ani jiro,waxana deris la ah gacanka Gini ee hodonka ku ah saliidda ee keentay in reer galbeedku si weyn u daneeyaan wadamada deriska la ah gacankaas.

Wadanka GINI waxa uu 2dii Oktoobar 1958 kii xornimada ka qaatay dalka Faransiiska oo gumaysan jirey. Caasimadda wadankaas oo la yidhaahdo Konakari (CONAKRY) ayaa ugu weyn magaalooyinka. Wuxuna maamul ahaan u qaybsan yahay todoba gobol oo midi caasimadda tahay kuwaas oo kala ah : Boke, Labe, Mamou, Kindia, Kankan, Faranah, Nzerekore iyo Conakry.

Nidaamka siyaasadeed ee wadankaas oo Jamhuuri ah ayaa waxa tan iyo sanadkii 1984kii ka talinayey madaxweyne Lansana Conte oo kasoo jeeda aqlabiyadda muslimka ah sidoo kalena gaadhey derejada Jeneraal ee ciidamada , oo inqilaab millateri ku qabsaday wadankaas , kadib markii uu dhintay madaxweynihii Xornimada hoggaaminayey Axmed Sikotori .

Sanadihii 1990, 1993 iyo 1998kii ayaa loo doortay inuu madaxweyne sii ahaado , hase yeeshee sanadkii 2001 ayaa mucaaradku qaadaceen doorashadii , kadib markii isbedel lagu sameeyey dastuurka laguna daray qodob qeexaya in Conte inta uu nool yahay madaxweyne ka ahaado wadanka GINI.

Qulqulatooyin lagaga soo horjeedo madaxnimada Conte ayaa horraantii sanadkan 2008 galaafatay nolosha dad gaadhay 186 qof , halka 1200 oo klaena ay ku dhaawacmeen . Waxana hay’adda International Crisis Group ka qortay qoraal dheer oo ay ku eedaysay in madaxweyne Conte iyo qabiilkiisa 20% bulshada ka ah ay sal u yihiin dhibaatada wadankaa ka aloosan.

Subaxnimadii bisha disember ahayd 23-ka 2008 ayaa idaacadda la iska arko ee wadankaasi baahisay dhimashada madaxweyne Conte oo tan iyo 2002 la il-daraa xanuun ku raagey, da’diisuna ay gaadhey 74 sano , oo 24 ka mid ah uu wadankaas madaxweynaha ka ahaa.

Saacado kadib shaacinta dhimashada madaxweynaha ayaa waxa wadanka inqilaab millateri kula wareegey taliyihii ciidamada Muossa Dadis Camara, wuxuna ku dhawaaqay inuu xukuumadda kala diray , sidoo kalena ay mamnuuc tahay dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed . Caalamka ayaa canbaareeyey inqilaabkaasi, waxayna ugu baaqeen iney ka noqdaan waxa ay ku dhawaaqeen. Dad fara badan oo reer Gini ah ayaa bilaabay iney qaxayaan , baqdin laga qabo in dagaallo ka bilaabmaan wadankaas. .


Maxamuud Ciyoon / Badhan

Faafin: Somalitalk.com | Dec 27, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS