SIDEE BAYNU CARURTEENA UGA DHIGI KARNAA DAD WAX ALIFA
Hal-abuurku waa qof kasoo dhexbaxay dadka uu la noolyahay kun soo shaac baxay
shay gaar ah waxayna kasoo unkantaa guriga, dugsiga, kadibna sidas bay dad
waynaha kusoo gadhaa iyo warfaafinta sidas ayey bulshada oo dhan ku gaadhaa.
Hal-abuurku maha sida ay somalidu u taqaan sida abwaanada iyo heesaaga balse waa
qof walboo aduunka wax kusoo kordhiya.
Sifadu hal- abuurnimada waxay kamid tahay nimcooyinka ilaahay bixiyo ee uu siiyo
caruurta laga bilaabo malintay dhashaan ilaa koritaankooda ilaa iyo hana
qadkooda. Hadaba sifadaas iyo nimcadaas waxay u bahan tahay horimarin,
dhirigalin, iyo taba barid si awoodooda aqooneed kor loogu qado si ay bari ugu
gudbiyaan jilka ka danbeeya.
Hadaba sifooyinka hal-aqoonimo waxa lagu garan kara qofka leh, inuu yahay qof
xor u ah fikirkiisa, kartina uleh kalsoonina kuqaba naftiisa lana janqadi kara
wax kasta ama daruuf kasta oo ka hor timadaada hamigiisuna uu fogyaha.
Hawsha hal-abuurnimo ama mufakarnimo waxay ka shidaal qadataa awooda uu qofku
awoodi karo inuu si deg dega uu wax usoo sari karo ama uu ku alifi karo fahamna
uu uleeyahay mawqifna uu ka qadan karo waxa hareerihiisa ka dhacaya, samaysana
kara xidhidh cusub oo ka dhexeya isaga iyo bulshada uu la nool yahay, dhalina
kara ama samayn kara fikrado cusub oo ah kuwa la alifay iyo kuwo aan la’alifin
ba.
Inuu leyahay diyaar garow nafsi ahaan iyo aqoon ahanba kuna wajihi karo ama
kusamayn karo hal abuur cusub isagoo ilalinaya asalka oo ah dinta iyo dhaqanka
kana tagayn asturada shayga.
Dhinaca kale waxa looga bahan yahay inuu uruuriyo wixi macluumada si uu uhoro
mariyo hawshiisa hal abuurnimo una noqdo ka ugu fican madi ahaan (waxsoosaar,
wax abuur,ama fikrad cilmia uu keno) macniwi ahaana (talintisa uu sii wato,
horimar shakhsi ahaaneed iyo xalinta dhibatooyinka) hadaba darasadaasi waxay ina
tusaysaa inuu guriga yahay hogoaamiyaha ugu horeya ee horimarku ka iman karo si
uu qofku ugadhi lahaa waxa uu higsanaayo.
Su’asha is waydiinta leh waxay tahay side caruurtiina ugu diyaarinaa inay
noqdaan dad mufakariina ama aqoon u leh inay wax alifikaraan? Jawabtuna waxay
noqon kartaa sidan hoos kuqoran: -
Ø In gurigooda ilmaha lagu soo baro diintiisa, dhaqankisa suban oo labadiisa
walid kusoo bar baariyaan bar barin toosan tasoo ilmaha ku hogaaminaysa
dagananshiyo naf ahaaneed iyo mid bulshoba.
Ø In labadooda walid ay ilmahooda siyaan wakhti ay kutarbiyadeeyaan una shegaan
waxa xun iyo waxa wanagsan kanala qayb qataan nashaadaadkooda fikrika ah iyo
kuwa alifaada ah si uu u helo xoriyad fikri ah iyo mid madba ah. Nagula jaheyo
asluubta wanagsan si loo xaqijiyo jiritankooda dad nimo,
Ø Inta uu ilmuhu yar yahay waxa looga bahan yahay labada walid inay baraan
waxkasta oo wanagsan oo ilmaha maskaxdiisa ku korayso haday noqoto shekooyinkiii
dadkii wanagsaanaa , asxabtii nabiga SCW iyo in labaro tignoolajiyada casriga ah
si uu ilmhu uu wax u akhristo uguna fududaato hal abuur ahaan iyadoo laga barayo
dhanka wanagsan .
Ø In laga ilaliyo inuu siba’an u cayilo ama unaaxo tasoo ka hor joogsan karta
hormarkisa dhaqdhaqaaq iyo mid fikri ahanaydba.
Ø Waa inaanay noqon waxyabaha guriga loo dhigo ee ay ku ciyaraan kuwo
kumaararoobaan oo kaliya balse ay noqdaan kuwo ka qayb qadanaya tarbiyadooda
,taclintooda, iyo aqoontoodaba tasoo wax kadhisaysa maskaxdooda
Ø Ciyartu waa inaanay noqon wax ka mashquuliya wajibaadkooda oo aan dalina waa
inay noqotaa mid hoos udhigta nacaybka ay uqadayaan guirga iyo dadka ay la nool
yihin. Waa inaynu ku dadaalnaa sidii aynu ugu doori lahayn wax wanagsan ay
kuciyaraan iyo meel wanagsan ay ku ciyaraan tasoo ku xidhan mar xalad kasta ama
da’ kasta oo ay marayaan iyo wax kasta oo u gara bulshadooda ama aqoontooda
korna uqadaysa xirfadooda .
RUNTA IYO KHIYAALKA
Waxa run ah oo jirta in ay caruurtu ku jirto caalam isugu jira dhab iyo khiyaal
ama waaqac ama khiyaal xor ah taas oo ay ka soo maaxanayso maskaxdooda su’aalo,
fikrado iyo mawduucyo tiro badan oo ay doonayaan wax ka ogadaan adunyadan ay
kunool yihiin waxayna xaq uleeyihiin in jawaabo munaasab ah laga siyo su’alahaas
faraha badan ee kasoo maaxanaya maskaxdooda.
Waa in aynu caruurta sinaa daruuf ku munaasib ah si aynu u ogaano waxa kujira
gudahooda iyo dibadoodaba sida xasuustooda, maskaxdooda, dareenkooda aqooneed,
iyo in aynu si aan toos ahayn waxyabaha malin walba dhaca waxna kawaydiino
aragtidooda.
In aynu barno nadaafada iyo quruxda maxa yelay (ilahay qurux badan yahay
waxanuna jecel yahay quruxda) inagoo ku cadaadinayn in sidaynu doonayno ay wax u
arkaan waa inaynu barnaa siday ugu fakari lahaayeen fakir wanaagsan.
QIIMAYNTA NAFTA
Waa inaynu ku dhiiri galino siday isku qimayn lahayeen haday noqoto dhex galka
guriga, malcamada, iskulka iyo asxaabta ay leeyihiin qiimayn macquul ah ama
munasib ah mid walbana aynu kudhiiri galino wixii uu kuwanagsan yahay barnona
khaladaadkooda si aanu bari ugu noqon.
Hana ilawina inaad hadiyado siisaan marka ay madarsada ama malcamada ama iskulka
horimar kasameyaan ama imitixaanka darajo wanagsan kenan. Ixtiraamana
mawhibooyinkooda, una korisaan siwanagsan,
Waxaad sifican ugu doortaan iskulaadkooda iyo manaahijta ay kubaranayaan tasoo
ka qayb qaadan karta hibooyinkooda iyo dadaalkooda si ay ula tartamaan ardayda
madaarista ama iskuulada kale iyo jamacadaha kale.
Waxaan kusoo gaba gabaynayaa maqaalkan in umada somaliyeen ee msulinka ah
ixtiramaan qadariyaana cilmiga iyo culimadaba siyaana fursad ay kusoo sari
karaan jiil aqoon leh dhan kastaba. Siyaana culimada abaalmarino yagoo
kusharfaaya kuna dhiiri galinayaa sida wanagsan ay ubadkooda wax ubareen.
Qore: - Mohamud Jama Ahmed (Naxiif)
naxiif@hotmail.com
Johannesburg S/Africa
Faafin: Somalitalk.com | Dec 27, 2008