SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

warmurtiyeed ku aadan hadalada ka soo yeeray taliska dhiigyacabka ah ee Adis Ababa

Isbahaysiga dibu xoreynta Soomaaliya wuxuu u arkaa sheegashada taliska dhiigyacabka Adis Ababa in uu maleeshiyaadkiisa kala bixi doono dalkeena dhamaadka bishan hadal laqwi ah, oo aan runta laga sheegin, isla markaana culeys lagu saarayo reer galbeedka si ay taageero dhaqaale iyo mid milatariba u siiyaan mashruucii qabsashada Soomaaliya ee aan wali laga tanasulin, Itoobiya xiligan waxay ku tala jirtaa inay hesho maaleshiyaad ka fududeeya weerarada isdaba jooga ah ee kaga imaanaya maalin iyo habeen mujaahidiinta geesiyaasha ah ee naftooda qaaliga ah u huray diintooda, dalkooda iyo dadkooda, waxaana mahad leh Allihii suuragaliyay in maanta 95% laga xoreeyo cadowga madow dhamaan goobihii uu heystay, hadaba dhacdooyinkan soo kordhay waxaa uu isbahaysigu ka soo saaray warmurtiyeed u qoran sidan:-

  1. Dowlada Itoobiya ee sheegtay in Ciidamadeedu ka baxayaan dalkeenaiyagoo gacmahoodii ay ka qubanayaan dhiigii daahirka ahaa ee ay kadaadiyeen shacabka aanan waxba galabsan, burburintii ay u geesteendhismayaashii qaranka iyo kuwii dadweynaha, bililiqadii ay kula kaceengoobihii waxbarashada, Caafimaadka, Ganacsiga iyo guryihii lagabarakacay, bixitaankani (haduu jiro) waa qorshe la doonayo in lagu laabo bogii madoobaa ee ay ka buuxeen xadgudubyada iyadoo aan la horkeenin maxkamad caadil ah ciddii ka dambeysay waana in la baaraa arinkaas laguna hubsada Makamad, Taliska Dhiigyacabka ah ee Melez iyo qolyihii garabka ku siiyay oo dhami. Kolhadii xaalku uu sidaa yahay waxaanu ka digeynaa qorshe kale oo lagu keeno dalka ciidamo lagu sheegay inay dhalin doonaan nabad (DAGAALAMA) inagoo isla markaana ka dalbaneyna wadamada Ugandha iyo Burundi inay si deg deg ah ciidamadooda dalka ugala baxaan.
     
  2. waxaanu ka digaynaa dhibaatada ka dhalan karta xasuuq iyo barakac markale loo geysto shacakeena kagana yimaada wax loogu yeeray ciidamo nabad dhaliyeyaal ah iyadoo aan wax la iska weydiinin kuwii hore u dhacay iyo kuwa haatan taaganba. Waxaana diyaar u nahay inaan ka hortagno cid waliba oo ku soo duusha dalkeena inshaa'allaah waana ka guuleysan doonaa (Ninkii dhoof ku yimidbaa geeridu dhibeysaa)
     
  3. waxaan ugu baaqaynaa dalalka caalamka ee nabadda jecel, urur goboleedyada iyo kuwa dawliga ah inay dib u eegaan qorshayaasha aan ku saleysneyn waaqica dhulka ka jira, guttaana masuuliyadda ka saaran badbaadinta shacbka Soomaaliyeed, kana daayaan faragalinta horseeday qala laasaha labaatan jirsaday, waxaana cadeyneynaa in Umadda Soomaaliyeed awood u leedahay inay hanato nabadeeda, dhexdeeda ka heshiiso wixii soo kala dhexgalay sidii dhacday waqtigii dahabi ahaa ee ay dalka maamulayeen Golihii Maxkamada Islaamka.
     
  4. Sidoo kale waxaan ku boorinayaa bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan inay iscaawiyaan una gargaaraan walaalahooda tabaaleysan. Waxaan kaloon ugu baaqayaa hay'adaha samafalka kuwa maxaliga ah iyo kuwa dawliga ahba inay taakuleeyaan shacabiga soomaaliyeed ee sida joogtada ah loogala dagaalamayo nolosha iyo jiritaanka.
     
  5. waxaan bulshada Soomaaliyeed uga digaynaa colaadaha qorsheysan ee lala damacsan yahay in laga dhex hurinayo ee ay ka dambeeyaan ciidamada soo duuley iyo dabadhilifyadooda kuwaas ooujeedada ka dambeysa ay tahay in la muujiyo baahida loo qabo joogitaanka ciidamo shisheeye iyo in indhaha caalamka lagaga sii jeediyo dambiyada lagula kacayo shacabka Soomaaliyeed. Wuxuuna Isbahaysigu Culumaa'udiinka, Ugaasyada, Boqorada, Wabarada iyo Odayaasha dhaqanka ugu baaqayaa inay kaalintoodii hormuudnimo ka qaataan ka hortaga qorshayaashaas, bulshadana uga digaan colaadda iyo dagaalada sokeeye kuwaas oo cidda keliya ee ka faa'iideysa ay tahay cadwga soo jireenka ah ee ummadda Soomaaliyeed.
     
  6. geba gabadii wuxaan bulshada Soomaaliyeed ugu yeeraynaa inay midnimadooda adkeeyaan, cadawga ku soo duulayna meel uga soo wada jeestaan naf iyo maalna uga qeybqaataan muqaawamada barakeysan si ay u difaadaan diintooda, dadkooda iyo dalkoodaba.

Xafiiska warfaafinta ARS

Asmara, 25/12/2008


Itoobiya waa ka baxaysaa Soomaaliya?

Afhayeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Wahide Belay, ayaa manta Arbaca (Dec 24, 2008) waxa uu sheegay in go'aankii ay Itoobiya ku gaartey in ay ciidankeeda kala baxayaan Soomaaliya uu yahay lagama noqdaan, waxana go'aankaasi ogolaansho ka helay Aqalka Golaha Wakiiladda Itoobiya, sida ay qortay wakaaladda wararka u faafisa xukuumadda Itoobiya ee loo soo gaabiyo ENA.Waxana uu Afhayeenku intaas ku daray "Ciidanka Itoobiya oo ku guuleysey hawlgalkoodii waa ka baxcayaan Soomaaliya." Laakiin, waxaa warkaasi intaas raaciyey: "Itoobiya keliya garabka uma dhigan karto masuuliyad ay ahayd in ay la qaybsadaan Beesha Caalamku." Waxa kale oo uu sheegay in Itoobiya ay suulisey halis kusoo fool lahayd. Waxa kale oo uu xusay in halista hadda ee caalamka kaga soo fool leh Soomaaliya ay tahay Burcad Badeedka ee Badda Cas iyo Khaliijka Cadmeed, taas oo uu sheegay in dawadeedu ay tahay xalinta dhibaatooyinka dhulka (berriga)..  (Laakiin Akhri Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya..)

Faafin: Somalitalk.com | Dec 24, 2008

yuusufC/Laahi Yuusuf oo Is Casilaya Sabtida
Madaxweyanaha DFKMG ayaa ku dhawaaqi doona is casilaadiisa, sida laga soo xigtey afhayeenkiisa... Akhri Warka oo dhan... Dec 24

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS