SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

Minneapolis Somali community facing dark web of murders
They came to escape civil war, so why are they killing each other in the streets? Read More..


Minneapolis (CITYPAGES): Saeed Osman Fahia, the unofficial historian of Somalis in Minnesota, understands the social factors that have led to violence among Somali youth..  Read here...


Xaflada Lacag Loogu uruurinayay Dekada Lasqoray oo Kadhacday magaalada London

Xafladan oo ay ujeedadeedu ahayd in lacag loogu uruuriyo Dekada Laasqoray oo ay soo qabanqaabiyeen Dhalinyarada somaliyeed ee Uk.

Xafladan oo uu xiriiriye ka aha ibraahim abtiile aya ugu horayntii waxa aayado qur'aan ah ku faray Xaaji siciid sanbal.

intaas kadib Waxa Mikrafoonka Laku soo Dhaweeyay Xasan Somali oo ka hadlay taariikhda Magaalada Laasqoray iyo waliba meesha ay marayso Dhismihi Dekada laasqoray iyo in qalabki ugu horeeyay hada laga dajiyay Dekada magaalada Bosaso.

waxa isna meesha kahadlay DR Maxamed C/raxmaan oo sheegay Faa idada Ay Dekadu laasqoray leedahay isaga oo shegay in ay kutaal Meel istaraatiiji ah.

Waxa isna halkaas kahadlay Dr Cabdilahi guuleed ayaa isna balan Qaatay in uu ka qaybqatanayo Dhisida dekada laasqoray sheegayna ahmiyada iyo faida ay leedahay.

intaas kadib waxa mikrofoonka laku soo dhaweeyay ninka Xukuma Xaafada Southall oo layiraahdo MR Virendra Sharma iyo Mr Julian Bell waxayna balan qaateen in ay arintaas wax kaqabanayaan una gudbin doonaan Dowlada inkiriiska.

Prof Cali garowe oo ah Aqoonyahan Somaliyeed ayaa isna Kahadlay Xaflada sheegayna in ay Muhiim tahay Dhisida Dekada Laasqoray , Shaqooyin badana dadka Somaliyeed u abuurayso.

Waxa iyana Meesha kahadashay Faadumo Cali Nuur oo katirsan hay'ada Horn Relief iyada oo soo bandhigtay waxyaabo fara badan oo ay qabteen sida Solar Cooking si ay ujoojiyaan Dhirta lajarayo oo dhuxusha lagadhigayo iyo Arintan ay hada wadan oo ah in ay dhisitaanka qaar kamid ah Dekadaha Somalia Hadana ay gacanta kuhayaan dekada laasqoray markay tan dhameeyaana ay samayndoona dekadaha Saylac, Hobyo, Garacad iyo kuwo kale.

Dr Saacid Cali Shire oo ah Managing Director of Dahabshiil ayaa sheegay in arintaas ay tahay mid muhiim ah arinta dhaqaalaha ahna loosameeyo gudi gobolada dalka inkiriiska oo ay jaaliyada somaliyeed ka qaybqaataan dib udhiska dekada laasqoray.

Waxa Kaloo meesha kahadlay Axmed Daahir Shell oo ka tirsana Bahda Sportiga Ahna odaysomaliyeed wuxu halkaas ku balan qaday bahdooda sportiga inay diyaar uyihiin inay ka qaybqataan dib uhdiska dekada shirna ay uqabnayan fadumo cali nuur oo katirsan Hay'ada Horn Relief.

Cabdiqadir shire oo qayb laxaad leh uga qaatay inuu ku soo saaro kasmo cadadkeeda wiig walba wuxuuna balan qaday inuu diyaar uyahay mashruucan inuu uga qayb qato dhinaca saxaafada ayna tahay arin muhiima oo dadka soomalida anfacaya.

Maxamuud maxamed Xasan Shire
London Uk
Boocame@hotmail.com

Sawiro badan halkan Riix

Faafin: Somalitalk.com | Dec 24, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS