Xukuumaydu Waxay Noqonaysaa Mid Loo Bogo Waxaan xooga saarayaa
Waxbasrahada iyo Amaanka" Musharax Siciid Maxamed Raage"Musharax
Eng Siciid Maxamed Raage oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan Hogaaminta
Pl ayaa waxa uu wali Ku sugan Yahayhay Gudaha Caasimada Puntland ee
Garoowe, isaga oo Kulamo Wali la leh, qaar ka mid ah Isimada Puntland
iyo waliba Aqoonyahanada Gobolka Nugaal, waxana la sheegay inay ka wada
hadlayaan sidii Puntland uga dhici lahayd Doorasho Xalaal ah loona Heli
lahaa Is Bedel dhab, Musharax Siciid Maxamd Raage ayaa waxa kaloo uu
Isimada kala Xaajoonayaa sidii Amaanka PL xooga loo saari lahaa.
Musharax Siciid Maxamed Raage oo mudo Olalihii doorashada ka waday
gudaha Puntland ayaa waxa uu intii uu Gudaha Bosaaso Joogay la Kulmay
Odayaasha Gobolka iyo waliba Culamada Gobolka kuwaasi oo isla Korfeeyay
sidii Loo xejin lahaa Amaanka Puntland isla markaana looga qayb qaadan
lahaa Doorasho xalaal ah oo dhamaan ay dadka Puntland Kalsooni buuxda ka
Qabaan, siciid Maxamed Raage ayaa dadka yaqaanaa waxay ku Tilmaamaan
inuu Yahay Nin Jecel Hormarka dadka iyo Dalka isla markaana la Dagaalama
Musuq Maasuqa.
Dhawaan Mar uu SHir Jaraaid ku Qabtay Hotelka uu ka Deganyahay
magaalada Bosaaso ayuu waxa uu soo Bandhigay Hadafkiisa ku aadan
Doorashada Pl isla markaana waxa uu si Faah Faahsan uga hadlay hadii la
doorto waxa uu xooga saaridoono, Musharaxa ayaa sheegay inuu Talaabo Cad
ka qaadayo Budhca badeeda Ragaadisay Xeebaha Puntland, waxa uu kaloo si
adag uga hadlay Amaanka Pl oo sheegay inuu xooga saarayo dhanka,
Waxbarashada ayaa uu Tilmaamay inuu Macalimiinta Iskuulada siinayo
Mushaharo si ay Ardayda aan Woodin Lacagta ay ugu dhigtaan Bilaash.
Musharax Siciid Maxamed Raage ayaa ahaa siyaasi aad Looga yaqaan Pl
isaga oo Mar Noqday Wasiirka Dekeda ah iyo Kallumaysiga PL in kastoo uu
Markii danbe Iska casilay sababa uu ku Tilmaamay Wada shaqayn la"aan
dhanka Maamulka sare ah, isla markaana uu door biday inuu xilka iska
Casilo, Siciid Maxamed Raage ayaa Markii uu Is casilay Waxay Shacabka
Puntland aad uga xumaadeen Casilaadaasi iyaga oo ku sheegay inuu ahaa
Muwaadin.
Jaamac Feyte.