War Nagadaaya waa Ciyaal Casiire!!!
W/D : C/qadir Farax Diriye {Carab}
Department of Public Administration,
University of Karachi,
Karachi, Pakistan
Email: awdirie4@hotmail.com
Waxaa jira mah-maahyooyin soomaalidu ay caan ku tahay ,markii
aad si qotto dheer ugu kuur gashidna aad dareeemi kartid in
soomaalidu ugu dhaqmaan islamarkaasna u fuliyaan si’aan
kawaabasho lahayn
Tusaale ahaan waxaa kamid ah maah-maahyooyinkaas caanka baxay ee
soomalidu kudhaqanto “meel waliba sideey u taal ayaaa loolayaal” iyo
midaan kale ee aan kayarysanin, kana dhicin macno ahaan ee ah “meel il
laga la’yahay hadii aad tagtid isha ayaa la is ka tuuraa”, taa
waxa aan oga goleeyahay kadib burburkii kuyimid xukuumadii dhaxe ee
soomaliya , kumaanan muwaadiniin soomali ah ayaa waxaa ay ukala
firxadeen caalmakaan aanu maantay kunoolnhay daafihiisa kala
duwan ,wallow intoodabadan ay markii hore si qoxootinimo ah ay kusoo
gaareen wadamada soomaliya la’ah daris ka , kadibna looga sii
daad gureeyay wadamada maraykana iyo yurub.
Marka laga soo tago raacaan waxa jira raac kaleeto oo leh
miizaan iyo culays aan ladhayalsan Kareynin , qoysas aad u
farabadan oo soomali ah ayaa waxaa ay kunool yihiin wadamada carbta
sida, wadanaka sa’udi Arabia , wadamada hoos yimaada khaliijka
carabta iyo kuwo kaleeto , waxaana soo dagista wadamada carabta ah
ay somalidu bilaabeen xoogeedu kadib dhicitaankii dowladii
soomaliya , waxaana ay isgu jireen dad markii hore dhaqaalo ahaan
ladnaa iyo kuwo kashaqaysan jiray wadamani ,tiiyoo ay sii dheertahay
in xilliyadii danbe ay sii xoogaysanayeen islamarkaasna sii kob
cayeen dhalinyarada rabta inay gaaraan wadamada carabta aygoo
xanbaarsan lehna ujeedooyin kala duwan, sida:shaqo , wax barasho iyo
kuwa hamigoodu uu yahay inay uga sii talabaan wadamada rer
galbeedka iyo maraykanaka iyagoo maraaya hawada ,birriga iyo
badda inataba.
Sikasataba , annaga oo og in bani-aadamku dhaqan ahaan iyo caado
aahan intaba ay samayn xoog leh kuleedahay deegaaanka ama bii’ada
uu markaaas ku dhax nool yahay taasi ay marag madoonto u tahay
xigamadii laheed “insaanku waa jir jiroole lafal gala hadba
deegaankiisa” ayaa waxaa jira dhalinyaro aad ufarabadan oo soomali ah
kuwaas oo kunool wadamada carabta ee aan kor kusoo xusanay ,
waxaana ay isugu jiraan dhalintaani kuwo lageeyay wadamadaani
iyagoo da’doodu tahay mid aad u yar halka kuwa kaleetana ay yihiin
kuwo kudhashay,
Dhalinyaradaan somalida ah ee kusoo barbaaray, wax na ku bartay
islamarkaasina kuhanaqaaday wadamadaani carabta ayaa, qaar kamid ah
waxaa ay helaan fursado waxabarsho oo ay u aadaan isla wadamo
kuyaala qaarada Asia ,sida : Pakistan ,India ,Malaysia Indonesia
,China ,Bangladesh iyo kuwo kale,
markii ardaydaan ay tagaan oo ay soo cago dhigtaan wadamadaan ay wax
kabaranayaan ayaa waxaa ay intooda badan noqdaan kuwo naftooda
go’doon kagaliya dhamaan ardayda kale ee soomaliyeed, kuwaas oo ka
yimid gudaha wadanka , waxaana taasi ugu wacan ayaa ladhihi karaa
labo arimood oo kala ah :
1-Dhaqanka: dhaqanku waa horseedka iyo hogaanka ruux waliba uu
leeyahay , kuna uu faano xilli waliba iyo meelkasta oo uu dunida ka
joogo , waa hagaha waxa u qofku uu aminsan yahay iyo hab
dhaqameed kiisa , waxaana uu leeyahay samaan iyo xumaan intabada ,
waxaa uu ka tarjumaa hadba meesha uu qofku ka yimid dhaqanka looga
dhaqmo ,waana astaan u taagaaan ama muujisa rugta ruuxaani uu ka soo
ruuqaan saday ama uu kasoo jeedo , ayadoona taasi laga duulaayo ayaa
waxaa guud ahaan ardaydaani somalida ah badalay dhaqankii ay kala
yimaadeen wadamada carabta , waxaana aad u adag inaad intooda badan
ku aragtid dhaqankii suubanaa ee soomaali gaarka u ahaa laguna
yaqaanay , islamarkaasna ay ku faani jireen ,waana taa midda keenatay
in ey ka go’doomaan ardaydii kale ee somaliyeed lana wadaagi
waayaan howlaha guud, sida :
1- iskaashi dhaxmara ardayda
2-wax wada qabsi
3- iyo in la iska garabsiiyo guud ahaan howlaha joogtada ah ee
ardayda kadhaxeeya .
Taa badalkeedana waxaa ay ka doorbideen iney wax waliba iyo xaajjo
kastastaba laqayb sadaan dhalinta kale ee ajaanibtaa ee raad ahaan
kasoo jeeda qowmiyadaha carabta ah , maadama ay dhaqan ahaan iyo
luuqad ahaan intaba is fahmaayan , sheekooyinkooduna yihiin kuwo isku
dhan u wada jeeda.
2-luuqada : wa xirririyaha tiir dhexaad ka u ah inay is fahmaan
shan farood luhu ,ama qowmiyadaha kala gadisan ee aduunka ku nool .
Maadaama dhalinyarada soomalida ah ee ka timaada wadamada carabta
intooda badan aysan ku hadlin af-somaliga, qaar kale oo kamid ah na
ay ku adagatahay , ku hadalka ,aqrinta iyo wax ku qorista af soomaaliga
,lakin ay fahmaan markii lagu sheekaynaayo ayaa waxaa ay door bideen
, inay widaayaal iyo saaxiibo kadhigtaa dhalinta kale carabtaa ee ay
isku afka yihiin .waxaana taas ugu riyaaqay dad badan waxaana ugu
wacan bay leeyhiin inay guud ahaan a dagatahay inaad isla sheeko
keentaan ruux aadnaan isku af ahayn.
magacayada ciyaal casiirka .
Ardayda kale ee ka imaatay gudaha wadanka ayaa waxaa ay ugu
yeeraan dhalinyaradaan magacyo kala duwan sida :
ama
mana ahan magacayadaani kuwo loola jeedo ama loola danleeyahay
aflagaado iyo in lagu jaa’ifeeyo ,waxana lagu yeelo sumcadooda ,
ee waa magacyo ay ku faanaan, ayagoo qoraalo sharaxaad ah ku
xardha darbiyada qolalka ay jamacadaha kadaganyihiin ,waxana ay
sidoo kale ku muujiyaan fanaanadaha ay ku dheelaan kubbada cagta
iyo cayaaraha kale .
Dhanka kale markii ay timaado xaaajo ama umuur laga fursan
waayo in salka dhulka loo dhigo loona wada yeero guud ahaan
aradayda soomaalida ah ee joogta markaas goobta barnaamijku uu
kadhacaayo, hadii uu aagga uu soomaro arday kamid ah kuwo ka
imaaday wadamada carabta durbadiiba isha ayaa inta lala raaco
deedna layiraahdaa “war naga daaya waa ciyaal casiire” ama
“waa ciyaal carabtiiye” taaasina waxa ay kutusinaysaa sida uusan
habayaraatee u jirin wax wada shaqayn ah oo u dhaxeeya labadaan
garab .
Casiir: waa eray carabbi ah, af soomali ahaan waa “miirid”sida
markii liinta lamiiro oo kale , wadamada carabta ayaa waxaa aad
looga cabaa cabitaanada mushalkaa ee fud fud ,lagana heli karo
dukaamada sida supper market-yada , dhan dhankiisa ayaa ah mid aad u
macaan
Maadama ay kusoo koreen cabitaan noocaan ah , aadna ay u
jecelyihiin waa sababta keentay in loogu waqlalo “ciyaal casiir”
Dhaqamaada ciyaal casiirka.
Dhaqano farabadan oo aan halkaan lagu soo koobi Karin ayay
leeyihiin ciyaal casiirku
Laakin haddii aan soo qaadano qaar kamid ah dhaqamada ay caanka
kuyihiin ardaydaani ka imaata wadamada carabta ayaa waxaa
kamid ah :
1-mukhaadaraadka:{Drugs}
intooda badan waxaa ay soo baxaan kana yimaadan wadamada carabta
ayaga oo aan lahayn wax balwad ah ama aan is ticmaalin
maandooriyaasha , waxaa ay eheladooda iyo waalidkood soo
macsalaameeyaan ayagoo leh oogo ama jir qurxoon , wax yar kadib
markii ay joogaan dhowr bilood waxaa ay bilaabaan noocyada
kala gadisan ee maandooriyaasha , waxaana si dhaqso ah is
badal ugu dhacaa , muuqaalkooda dhimirkooda , wajiigooda iyo
caqligooda intaba ,waxaana ay u is ticmaalaan daroogada sidii
ruux kasoo baxay xabsi ,oo aan haysanin waqti ku filan .
Tusaale ahaan : waxaad arkaysaa arday yimid markii ay
jamacadu bilaabanaysay, sanadaka qaybtiisa hore , waxa u ahaa
arday ay kamuuqato ardaynimadu , sida uu udadaalaayo iyo hammiga uu
uhaayo wax barashada, waxaa uu muujinaya dadaal iyo fir fircooni
dheeraad ah , markii ay bilaabato sanad dugsiyeedka qaybtiisa
2-aad waxad arkaysaa ardaygii oo ay kamuuqdo is badal xoogleh ,
islamarkaasna 70% gabay ama dhumiyay dadaalkii wax barasho ee uu
haayay , asagii oo noqday dub iyo maqaar caatana latiicaaya ,
shakina uu kaaga jiro inuu yahay “hebel” iyo in kale , hana
layaabin hadii aad aragtid xilliyada habeenkii markii ardayda ay
soo xaroonayaan asagoo banaanada ku dhac-dhacaaya ,
2-ayaga iyo cibaado kala dheer :
waxaa aad u adag inaad ku aragtid ama ay yimaadan goobaha
cibaadada sida masaajidyada , marka laga reebo xilliyada ay jiraan
ama ay soconayaan imtixaanadu maahine , markaas oo ay indhahaagu
qabanayaan ayaga oo soo buux dhaafiyay soona camiray maasjidka
,kuna dadaalaya inay soo haleelaaya jamaacada intabadan 5 waqti ee
saaladaha ,waxana dhaqankaaan ay lawagaan guud ahaan ardayda
katimaada wadamada carabta , ha ahaadeen soomali ama ajaanib kale ,
sidoo kale waxaa dhif iyo nadir ah inay soo xadiraan oo ay
yimaadaan kana soo qayb galaan xilliyada ay dhacaayan
muxaadarooyinka diiniga ah .
3-sawaxan saqdii dhaxe ah :
tanni waa dhaqan cajiib ah oo ay leeyihiin caana ay kuyihiin
ciyaal casiirku , waxaana dhibaato xoogleh ku qaba oo ay ku hayaan
ardayda kale ee la dagan jamacadaha gudahooda ama hosteelada .
Tusaale ahaan : saqbarkii habeenkii adoo hurdu macaan mel fiican
kuumaree , lagana yaabo inaad sidhib leh kuheshay hurdadaas ,
ayaa waxa aad maqalaysaa sawaxan,iyo qaylo circa isku
shareertay taasi oo ay sii dheertahay dad is cayrsanaaya ,
intaad si hal haleel ah sariirta uga soo booday, bisinka boobtay
,adoo leh tallow caawa ma dhul giriir baa dhacay ,goortaada
albaabka furtay , mise waxaa taagan 2-kamid ah ciyaal casiirka ,
markaad waydiisay waxa dhacayna makuu jawaabeen “hebel iyo
hebel ayaa waxaa ay isku haystaan yaa cod macaan labada fanaan
ee kala ah naazi cajram iyo fathia umma khalduum , annaguna ayagaan
lakala jirnaye ee adigu yaa kula sax san ”adoo ciil margiyaha ku
kala go’anyahay inta albaabka iska soo xiratay ma ku
ganuuncaday “war nagadaaya waa ciyaal casiiire”
Tanni waxaa ay katarjumaysaa oo aan illaa iyo hada kala saari
la’ahay in markii ay da’da yaraayeen aysan habayaaratee sooqaadan
waqtigii cayaarta , oo ay hadda u arkaan inay haystaan fursad ay
ku dheeli karaan xilligii ay rabaan iyo in kale .
Dabeecada noocaan ah waxaa ciyaal carabta soomalida ah lawadaaga
oo ku wehliya dhalinyarada suudanta ah , waana dhaqan iyo dabeecad
joogtaa in saqda dhaxe habeenkii ay is burbursadaan ayagoo waliba
qaylinaaya xoogna u ordaaya iskuna haysta wax aan macno dhaaxaa
lahyn.
3-sheekooyin maan gaabnimo ah :
Intabadan Ciyaal casiirku waxaa ay is kula socdaan una
sheekaysataan koox koox ,sidii dagiirantii oo kale , buuq iyo
sawaxan ayaa ku dhax laran markii ay sheekaysanayaan, lakin kan waa uu maqala waxa mid ka kale uu
yiri .
mamuddo dheer hadii aan u kuur gallay waxaan ogaaday in ciyaal
casiirku sheekooyinkooda ay san wax raad ah ku lahayn arimahan soo
soca :
1-waxbarasho
2-siyaasad
3-cayaaraha……………. “kan waa ay ku kala qaybsan yihiin”
4-shukaansi. iyo wixii lahal maala
Laakiin muwduucayadaan badalkooda ciyaal casiirku waxaa ay
isla faaqidaan mowduucyo kale, kuwaas oo ay u arkaan inay ka xiiso
badanyihiin ,mowduucyada aan kor kusoo xusnay , waxana ay isla qaada
dhigana arimahaan :
Lasocoshada al-bumyada cusub “heesaha carabta”
inay ku taxnaadaan ,iskuna howlaan lasocashada guud ahaan
al-bumyada cusub ee ay soo saaraan faaniinta kaheesta
,isalmarkaasna ah kuwo ugu caansan wadamada carabta , si iskumid ah
ayay uga wada faaloodaan heesaha , midkasta oo ayaga kamid ahna
waxa u xilgooniya iska saaraa sidii dusha uga kaxafidi lahaa al-bum
waliba heesaha cusub ee kujira , lkin illa iyo hadda ma arkin
ciyaal casiir fanaan noqday.
musal salaadaka carabta ee aan dhamaadaka lahyn
Arimaha kale ee ay ciyaal casiirku intabadan waqtigooda
qaaliga ku lumiyan waxa kamida ah soo
iibsashada DV-yada iyo lasocoshada musal salaadka carabata ee aan
dhamaadka lahayn ,waxaa yar inay fiirsadaan aflaanta kale sida :
hindiga, maraykan IWM
isku cel celis ardayga ciyaal casiirkaa inta uu kubixiyo kuna
dhumiyay fiirsashada aflaanta ama Tv-ga uu horfadhiyo sanadkii
waxaa ay dhantahay 65%.
Dharka iyo telefonada gacanta oo la isugu faano
Si aan kafatan ahayn ayay isugu faanan waxaana dhacda in mararka
qaar ay ku galaan , tartan dharka gaaar ahaan saraawiisha jeeniska ah
, iyo teleefonada gacanta lagu qaato waana muwduuc ciyaal casiirka
agtooda ah arin kulul
Maalin anigoo kasoo baxay imtixaan , islamarkaasna uu jiro kuleyl
zaaid ah ayaan waxaan kusoo leexday katiin ama cafateriyo
“biibito”qofba sida uu u yaqaan , waxana aan kaqaatay xabad cabitaan
ah , waxaa goobta fadhiya ayagoo koox ah ciyaal casiir, dood aad u
kulul ayaa kadhax socota , waa la ii yeeray marki aan waydiiyay waxa
la iga rabana , waxa la iyiri “2 jawaaz ayahumaa xilwah” , taasi oo
micanheedu yahay 2-daan mobile keeba fiican , waxase cajiib leh in
labadaan telefon ay yihiin kuwo isku mid ah shirkaddu waa NOKIA,
mudolkuna waa N75.
gunaanad
Ugu danbeytii Soomaali aduunka oo dhan ayay ku kala
faaftay inta u dhaxaysa qorax kasoo baxa illaa iyo qorax u dhax
,dhaqamo kala duwan ayaa lala kulmay, waxaana shaki kujirin in
qaar badan oo kamid ah dhaqamadaas lasoo min guuriyay .
kudhawaad muddo 20-tan sanno ah ayaa wadankeenii hooyo xabadi
kaqarxaysaa , taasina waxaa ay sii ragaadisay rajadaii waalidiin
farabadan oo soomali ah , ahna qurbo jog ay kutaamayeen in ubbad
kooda ay dib ugu celiyaan somaliya ,si loo badbadiyo dhalaanka
dhaqan ahaan iyo diiniyanba u gadoomay , su’aashuse waxa ay tahay
maalin uun wadankii dib waa loo noqon ee maxaa lala noqon doonaa???
W/D : C/qadir Farax Diriye{Carab}
Department of Public Administration,
University of Karachi,
Karachi, Pakistan
Email: awdirie4@hotmail.com