SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Baaq ay soo saareen nabadoono ka kooban 55 xubnood kana kala yimid gobolada

Sawirada Shirka Halkan ka daawo

 Puntland ayaa maanta shir jaraa'id oo ay ku qabteen magalada garowe ku soo bandhigay baaqoodii waxaana shirkaas ka soo qayb galay Madaxweyne Maxamud Muuse Xirsi (Cade Muse), Musharax Nuradiin Aadan Diiriye, Musharax Cali Cabdi Awaare, Issimo, Dhalinyaro, Aqoon yahano iyo Culumaa'udiin.

Baaqaan ay soo saareen nabadoonadu ayaa waxay ku soo bandhigeen qodobo muhiima sida ku dhaqanka shareecada islaamka,Nabadgelyadda, ka hortaga Burcadbadeeda , Isqarxinta, iyo kuwo kale oo badan.

Ayaamihii ugu danbeeyey ayey nabadoonadu ku hawlanaayeen sidii ay ugu shaqayn lahaayeen nabad gelyadda, ololaha doorashada, waxayna ku guuleysteen inay isu keenaan Isiadda, Musharixiinta, Maamulka Dowladda Waxayna u gogol dhigeen sidii ay dhamaan ugu shaqayn lahaayeen Amniga Puntland loona ilaalin lahaa in doorashada ay ku dhacdo si nabadda.

Nabadoono Yaasiin Cabdisamad ayaa ka hor akhriyey baaq ay soosaareen nabadoonada masuuliyiintii iyo dadkii halkaas ka soo qayb galay una soo bandhigay qodobo muhiima oo maanta looga baahan yahay in ay ku dhaqmaan shacbiyada reer Puntland iyo Maamulka,Mushiriixinta iyo Isimaddaba.

Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay Musharax Nuuradiin Aadan Diiriye oo tilmaamay in hadii la doorto uu isbadel weyn ku sameyn doono Puntland hadii laga guuleystana uu soo dhaweenayo cidii ku guuleysata loona baahan yahay in maanta ay Puntland ka dhacdo doorosho xor ah oo loo wada dhan yahay goob joogna ka ahaadaan nabadoonada iyo isimadda.

Musharax Nuuradiin Aadan Diiriye ayaa sheegay in maanta wax lagu raadiyo Xul oo aan la raacin sidii ahayd waxaan bidnay Xal, Musharaxa ayaa taabtay qodobo ka mida nabada, Miisaaniyadda Dowladda oo lagu dhaqo si xaq ah, In doowlada lagu dhaqo sharciga islaamka, Badbaadinta Dowlada Puntland oo maanta goboladeeda qaar kamida ay maqan yihiin iyo kuwo kale oo badan.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Madaxweynaha Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde Muuse) madaxweynah ayaa soo dhaweeyey Baaqa ay soo saareen Nabadoonada ka kala yimid gobolada Puntland taageersan yahayna sida habsimadaa ee ay u shaqeenayaan una gudanayaan waa jibaad kooda wuxuuna madaxweynuhu shaaca ka qaaday in ay ku talo jiraan isaga iyo xukumadiisu in si nabad ku jirto ay u dhacdo doorashada shaqsi kasta oo musharaxana looga baahan yahay in hadii la doortana uu si fiican u guto waajibkiisa hadii qof kale la doortana uu la shaqeeyo.

Waxaa sidoo kale meeshaas ka hadlay Dhalinyarada, Ururada Haweenka iyo Musharixiinta oo uu ka mid yahay Musharax Cali Cabdi Awaare mushaxa ayaa hadaladiisii ay ka mid ahaayeen "Aniga hadii la I doorto Waxaan sameenayaa isbadel hadii la iga guuleystana waan la shaqeen cidii ku guuleysata awalba waxaan ahaa odeyjecel in cid kasta oo ku guuleysata xilka madaxtinimada jecel in uu la shaqeeyo".

Isku soo wada duuboo shirkaan ay soo qaban qaabiyeen nabadoono ka kooban 55 xubnood oo kala kala socda gobolada Puntland ayaa ku soo dhamaaday jawi wanaagsan iyadoo ay soo dhaweeyeen shirkaan ayna taageereen masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Puntland, Mushariixinta, Isimadda, Nabadoonada, Aqoon Yahanadda, Iyo Ururada Bulshada.

Faafin: Somalitalk.com | Dec 18, 2008

BAARID | SEARCH


caashaDhakhtaradii Ku Guulaysatey Abaalmarinta "Haweenka Sannadka 2008-da" oo Somalitalk Wareysi siisey...
Drs. Caasho Cumar Axmed (Kablow) oo hadda ku sugan Jabuuti ayaa... Akhri...

unicefBadbaadada Carruurta: Arrin Muhiim u ah Caalamka oo Dhan: Gacan ka gey-sashada Badbaadinta Nolosha Caruurta.... Warbixin UNICEF oo ka kooban 7 bog Akhri... (pdf)


Soomaaliya: Dambiyada Dagaal ee Halakeeyey Dadweynaha (Warbixintii Human Rights Watch)
Siyaasadaha Dhicisoobay ee Quwadaha shisheeye oo sii xumeeyay qalalaasaha Qoraal kooban... (pdf)
Guudmar(Somali) 16 bog ama Report(English) 107 pages

::Maraakiibta La Afduubo ee Soomaaliya & Faahfaahin Burcad Badeeda

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS