La Dagaalanka Bucad Badeeda oo Maanta Bilaamaya (Dec 8, 2008).
Maanta oo Isniin ah waxaa magaalada Brussles ku shiraya Wasiirada arrimaha
dibada ee dalalka Yurub kuwaas oo ansixin doona xeerarka ay ku hawl gali doonaan
ciidamada badda ee Midawga Yurub, kuwaas oo ilaalin doona maraakiibta hay,adaha
Qaramada Midoobay ee gargaarka sida.
Biyaha Somaliya hore waxaa u joogay maraakiib ay leeyihiin ururka NATO,
maraakibtaas oo iyagu si rasmi ah barito uga bixi doona biyaha Somaliya,
shaqadana ku wareejin doona maraakiib laga leeyahay wadamo ka tirsan midawga
Yurub.
Wadamada France, Britian, Germany, Belgium, Sweden, Spain, Holland iyo wadanka
Greece ayaa iyagu galbin doona maraakiibta sida gargaarka bani aadannimo, sidoo
kale maraakiibtaasi waxay dagaal wayn la gali doonan burcad badeeda wax ka
qafaashta biyah aSomaliya.
Hawlgaladan oo bilaami doona
maalinta barito ah ee ciida, ayaa si rasmi ah waxa shaqada ula wareegi doona
maraakibtan cusub ee loo soo diray biyaha Somaliya si ay u badbaadiyaan
maraakiibta deeqaha ee gargaarka sida.
Maxamed
Dashishle waa nin 24-jir ah, wuxuu ka mid yahay sarkaalada ugu waaweyn ee
burcad badeeda, wuxuuna ka hawl galaa degaano ku dhaw dhaw Xarardheere.
Wargayska Time ayaa waydiiyay sida ay afduubka ugu gaystaan maraakibta
shisheeyaha ah ee mara biyaha Somaliya, Maxamed Dashishle wuxu ku jawaab celiyay
( Doonta ama markabka aanu afduubayno xaga danbe ayaanu kaga nimaana, ka dibna
waanu joojina anagoo ku waabinayna in aanu rasaas ku furi doono, in kayar 30
daqiiqo ka dib waanu afduubna, ka dibna waxaanu u tilmaana dhinaca ay u socod
siin lahaayeen markabka, anagoo isticmaalayna hubkayaga).
Xeeb u dhaw wadanka Tanzania ayaa isla shalay oo Axad ahayd (Dec 7, 2008) waxaa
ka dhacay weerar ay gaysteen burcad badeed Soomaali ah, burcad badeedu waxay
isku dayeen inay afduubaan doon laga leeyahay wadanka Holland, burcadu waxay
ahaayeen sideed qof, waxayna saarnaayeen laba doomood oo kuwa yar yar ee
dheeraya ah, burcadu doomaha yaryar waxay kasoo iibsadaan wadamada Imaraatka ee
Dubia iyo wadanka Kenya.
Wargayska Associated Press mar uu la xidhiidhay afdubayaasha haysta markabka
MV-Faina ee laga leeyahay Ukrine, ayaa waxa ay sheegeen afdubayaashu in ay
markabkaas dajinayaan hadii lasoo weeraro ( Ciidamada NATO hadii ay isku dayaan
in ay weerar nagu soo qaadan, waanu iska difaacaynaa, markabkana waanu
dajinaynaa, waxa aanu sugnaaba waa lacagta madax furashada ah ee dhan 8-Milyan
$). Sidaa waxa yiri Sugule Ali oo ah afhayeenka afdubayaasha markabka MV-Faina.
Mr.Ali oo ka mid ah afdubayaasha markabka MV-Faina ayaa yidhi (Anagu hadaan
Soomaali nahay, qof gaajaysan hortiisa waxba kuma cuno, maxabista markabka
saaran waxaanu siina cunto).
Raga haysta markabka MV-Faina waxa ka mid ah Axmed Gel-Qonaf oo 30-jir ah,
waxaa kaloo ka mid ah Said Ahmed iyo nin magaciisa ku sheegay James Aden oo
isaguna ku sugan markabka dhexdiisa.
Burcad badeedu waxay weeraro u gaysteen ku dhawaad boqol markab sanadkan
gudihiisa, afartan ka mid ah way qabteen oo qaarkood madax furasho ayaa lagu sii
daayay, ku dhawaad labaatan markabna gacanta ayeey ku hayaan wali. Wasiirada
arrimaha dibada ee Yurub oo iyagu ku shiraya Brussles ee wadanka Belguim, ayaa
shaki wayn ka qaba in hawlgaladani noqdaan kuwa lagu guulaysto iyo inkale.
Abdikarim Ahmed Huseen
skyword268@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com |
December 8, 2008
|