SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xildhibaan Maxamed Sheikh Yusuf " Dastuurka Waxaa Noogu Qoran Inaan Dalka Ku Dhaqno Shareecada Islaamka"shir jaraa’id oo uu Johannesburg ku qabtey.

Xildhibaan Maxamed Sheikh Yusuf oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka DFKMG ahna Wasiir ku xigeenka arrimaha Diinta iyo Cadaaladda ayaa habeenimadii Xalay shir jaraa;id ku qabtay Magaaladatan Johannesburg.

Maxamed Sheekh Yuusuf oo socdaal booqasho gaar ah ku yimid Wadanka Koofur Afrika ayaa waxa uu shirkiisa jaraa'id inta badan uga hadlay Xaalada Wadanka iyo halka uu marayo shirka dib u heshiisiinta ee u dhexeeya isbahaysiga dib u xoraynta garabka Djibouti iyo DFKMG, isagoo wasiirku aad ugu dheeraaday arimaha khilaafka u dhexeeyo Dowlada kumeel garka ah,Xildhibaanka ayaa si ba’an oga deeyriyey xaalada nololeed ee malaayiinta Soomaalida ah ku haysato guda Soomaaliya , wuxuuna intaasi ku daray in dalkii ay ka jirto dhibaato bini’aadanimo oo aan la qiyaasi karin.

Xildhibaan Maxamed Sheikh Yusuf oo si weyn u qiireysnaa marka uu shirka jaraa’id ka hadlayay ayaa sheegey in dhibaatada Soomaalida heysata ay iyadu isu keentey, wuxuu tusaale usoo qaatay in awood darrada iyo kala daad-sanaanta Soomaalida ay tahay tan keentey in lasoo damaaciyo in la qabsado Soomaaliya sida uu mar ka shanqariyey qoraa Kenyan ah oo sheegey in Soomaaliya loo kala qeybinayo Kenya iyo Ethiopia.

Waxa uu Soomaalida ugu baaqay in ay nabbada qaadato kana shaqayso xasilinta nabbada, “inaga ka wasiir ahaan ama baarlamaan ahaan waxaa noogu qoran dastuurka in dalka lagu dhaqo shareecada islaamka, laakiin waa goorma, waa marka dalka uu xasilo oo la nabdiyo, laakiin suurogal ma ahan in shacabkii hoobiyeyaal laga soo dhex rido, iyagiina madaafiic loogu jawaabo, shacabkana ay yihiin kuwa ku dhamaanaya meesha” ayuu yiri

Mar wax aan ka waydiiyey arimaha burcad badeeda ayaa waxaa uu xildhibaanku yiri "burcad badeeda la sheegayo, burcad badeed ayaa ka horeysey, waana kuwii baddaha ka kalluumeysan jirrey sida sharci darada ah, suntana ku qubi jirrey, hadda ayaa waxaa kaloo bilowdey burcad badeed caalami ah oo kaashanaysa kuwa Soomaali ah” waxaa kale oo uu hadalkiisa ku darey in dhibaatada xeebta Soomaaliya uu mas’uul ka yahay aduunka oo wax ka qaban waayay kol hore dhibaatadii 20 sanno lagu hayay, iminkana ka cabanaya.

Mar uu ka hadlay xaalada Soomaalida dalkani Koofur Afrika ayuu sheegey in uu la kulmay Jaaliyadaha soomaalida ee wadankaan iyo dhalinyara waxaa uuna kula dar daraamey inay mid noqdaan kana tashadaan ayahooda wuxuuna Soomaalida dalkani ugu baaqay in ay noloshooda wax ka badalaan isna illaaliyaan.

Mar wax laga weeydiiyey in ay mas’uul ka yihiin gabood falada ay xabashidu dalka ka geysatay iyo in kale maadaama iyagu ay ansixiyeen imaanshaha xabashida ayuu yiri, "annagu ka baarlamaan ahaan maanan ansixin imaanshaha Ethiopia, kaliya baarlamaanku waxaa uu ansixiyey qodob ku saabsanaa in ay dalka u iman karaan arrin degdeg ah, balse ay ahaayeen Cabdullaahi Yuusuf iyo Ra'iisul wasare hore ee soomaaliya Cali Geedi kuwa ka jawaabaya su’aasha ku saabsan cidda leh mas’uuliyada gabool falada la sheegey, ayna cadayn karto maxkamad caalami ah cida ka danbayso xasuuqyada ka dhacay Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa waxa uu aad uga hadlay khilaafyada soo jireenka ahaa ee dhex maray Dawladda gudaheeda iyo Soomaalida guud ahaan iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray "Anaga hadaan nahay Dawladda waan is khilaafnay, khilaafna wuu na dhextaagnaa tan iyo xiligii la aas-aasay sidaas oo ay tahayna waxaan wada matelnaa Dawladda hadase waxaa wanaagsan in iyadoo khilaaf gudaha ah jiraa in danta guud la isku raaco ee ah tan Soomaalinimo"

Mar wasiir xigeenka wax laga waydiiyay heshiisyadii ay wada gaareen Dawladda iyo Mucaaradka ayaa waxa uu aad u taageeray heshiiskaas Jabuuti iyo in Soomaalidu ay iyadu xal wada gaari karto, khilaafka dhex-deeda ahna xalin karto "Anagoo dhan waxaa nahay Soomaali Soomaaliduna ayada ayaa isku filan, hishiiskana waa in labada dhinac ay u fuliyaan sidii loo gaaray” ayuu ku jawaabay Xildhibaan Maxamed Sheekh Yuusuf .

“Waxaa fiicnaan lahayd in heshiiska qaybta lagu qaybsado qaab xisbiyeed oo laga gudbo tan qabiilika maadaama uu yahay midka dib noo dhigay, taasna waa waxa aan mustaqbalka ku raja waynahay hadiisa qabiil lagu wado waligeed khilaafku ma dhamaan doono" ayuu mar kale yiri Wasiir ku xigeenka arimaha diinta iyo cadaaladda ahna Xildhibaan ka mid ah DFKMG Maxamed Sheekh Yuusuf.

Si kastaba ha ahaatee Shirka jaraa’id waxaa fadhiyey inta baddan wakiilada warbaahinta waaweyn ee Soomaaliya kuna mideysan urur saxafiyiinta laguna magacaabo SOJASA. sidoo Xildhibaan Maxamed Sheikh Yuusuf waxaa uu ka mid yahay Wasiir ku xigeenadii uu dhawaan magacaabay Ra'iisul Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ee uusan weli ansixinin Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Mohamed Ismail

mismacil@live.co.za

Faafin: SomaliTalk.com | December 2, 2008

jawabXog-hayaha Warfaafinta Is-bahaysig Dibu-xoreynta Soomaaliya oo Jawaabo Add Adag Ka Bixiyey Hadalkii Madaxweynaha DFKMG Akhri... Dec 1

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS