SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xog-hayaha Warfaafinta Is-bahaysig Dibu-xoreynta Soomaaliya Axmed Cabdullaahi Sheekh oo Jawaabo Add Adag Ka Bixiyey Hadalkii Madaxweynaha DFKMG Cabdullaahi Yuusuf iyo Qaar Ka Mid ah Culimadii Dhex Dhexaadiyeyaasha ee Joogey Muqdisho
(shir jaraa’id Jabuuti)


Xog-hayaha warfaafinta Is-bahaysig dibu-xoreynta Soomaaliya Axmed Cabdullaahi Sheekh oo shir jaraa’id uu kaga hadlayo hadaladii ka soo yeerey Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf, qaar ka mid ah culimada jooga magaalada Muqdisho iyo hadalkii ka soo yeerey Dowlada Ethopia ee ahaa bixitaanka ciidamadeeda ee laysku haysto joogitaankooda Soomaaliya ayaa ku qabtey Hoteel Imperial ee caasimada dalka Jabuuti abaaro 12-kii duhurnimo 30/11/2008-da.


Axmed Cabdullaahi Sh, Maxamed

Xog-hayaha warfaafinta Axmed Cabdullaahi “natiijadii ka soo baxdey shirkii dibu-heshiisiinta Jabuuti, oo ay dhici karto in fahamkiisu cadaa, dad dano kale ka leh ayaa meelaha qaarkood, siyaabo u tilmaamey iyo guud ahaan marxaladaha cusub ee dalku, shirka jabuuti guulo fiican oo la taaban karo ayaa ka soo hoydey, waxaana ugu mahad celineynaa shacabka Jabuuti iyo mas’uuliyiintooda, intii uu socdey shirka muqaawamada Soomaaliyeed waxay ka heshey aqoonsi, sidoo kale shirka waxaa ka soo baxay in lala xisaabtamo, cidii geysatey tacadiyadii iyo dembiyadii dagaal ee dhacay, lana sameeyo gudiyo arintaas ka shaqeeya, si loo diyaariyo maxkamada, sidoo kale heshiiska waxaa lagu gaarey in Baarlamaan wadaag ah lawada dhisto, laguna dhaqaaqo sidii hogaanka sare loo soo wada dooran lahaa, Axdiga KMG-kuna, dib u eegis lagu sameeyo, taasoo saameyneysa arimaha diinta iyo danta shacabka soomaaliyeed” ayuu ku yiri Axmed Cabdullaahi shirkiisa jaraa’id.

Isagoo hadalka sii wata ayaa intaa ku darey Axmed Cabdullaahi “intii uu socdey shirka waxaa la xaqiijiyey in ciidamada Ethopia dalka ay ka baxaan, waxaana is leenahay in qodobadaasi ay hirgalaan, kuwo kale oo muhiim ahna ay dhiman yihiin, ma mudna in shacabka Soomaaliyeed, baaqyo, bayaano iyo fatwooyin lagu jahwareeriyo, halka dantu ay ku jirtana laga leexiyo, laguna mash-quuliyo wax dhaawici kara midnimada iyo wadajirka Ummada Soomaaliyeed, waxayna u baahan tahay in arimaha heshiiska la gaarey laysla qaado, lana xasuusto, wixii muqaawamada ay u istaagtey ay ahayd, in cadowga dalka laga saaro, loona hawlgalo sidii loo dhameystiri lahaa”.

Xog-hayaha warfaafinta waxaa kale oo uu shirkiisa jaraa’id ku xusey hadalkii ka soo yeerey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Ethopia waxaa uuna yiri “waxaanm soo dhaweyneynaa bixitaanka ciidamada Ethopia ee ay sheegeen, ilaahayna waxaan weydiisaneynaa sida heshiiska jabuuti uu ku cadaa in ay dhabowdo”.

Mar aan weydiiyey Axmed Cabdullaahi Madaxweynaha DFKMG waa uu ka soo horjeestey heshiiska, wuxuuna ku tilmaamey mid beeleed arinkaas maxaad kaga jawaabeysaa? Ayaa wuxuu yiri “Gogosha Jabuuti fidisey waxay ahayd gogol ARS iyo TFG ay ku wada hadlayeen, sharci ayey ahayd, ogaal iyo heshiis ayaa lagu wada gaarey, arimaha noocaas o kale waxay carqaladeynayaan arimaha nabada, ee shacabka soomaaliyeed iyo beesha caalamka kawada shaqeynayeen, mana filayo hadal munaasib ah oo meesha ku jira inuu yahay, arimahaasi mu’asaso ayaa looga jawaabi karaa, Madaxweynaha mu’asasad heshiis gashey ayuu mas’uul u yahay, iyadaana laga rabaa go’aankeeda si wadajir ah u qaadato, inta aaney majaalis ahayna, waxay noqoneysaa uun arin shekh-siyad ayaan is leeyahay”.

Ma la weydiiyey adinka waxaa laydinku eedeeyaa inaad tihiin xildoon ayaa wuxuu ku jawaabey Axmed Cabdullaahi “waxaan is leeyahay Xukunka in la doono hada ceeb ma ahan, waxay ku xiran tahay, shacabka soomaaliyeed dhib badan baa ka soo gaarey Xukunka, wuxuunaa ku dhibtoodey, hogaan sax ah inuusan helin, ceeb ma noqoneyso wax Ummda dan u ah, in loogu shaqeeyo Xukunkam waxa ceeb noqonayo waxay ahayd, in Xukunka lagu shaqeysto oo cadaalada looga fogaado, Xukun la doono Soomaaliya maanta ma yaalo, dalka midnimadiisa iyo sharaftiisa in la soo celiyo ayaa loo taagan yahay, dadkana laga bixiyo dhibka ay maanta ku jiraan”.

Xog-hayaha ARS mar uu ka hadlayey qaar ka mid ah culimadii joogtey muqdisho ee ka soo horjeesatey heshiiska Jabuuti, islamarkaana ka mid ahaa xubnihii ku hawlanaa dhex dhexaadinta khilaafka Midowgii Maxaakiimta oo markii dambe ARS isu bedelay ayaa wuxuu yiri “culimada waxay isu taageen iney xadeeyaan khilaafka ka jira gudaha soomaaliya ama qadisyada ay soo dhexgashey, waxay ahayd cida wax dhex dhexaadineysa inay marka hore cadeyso inta aysan eedeynin cida ogolaatey iyo cida diidey dhex dhexaadinta oo hore caanka ugu ahayd khilaafka jirey oo sabab u ahayd sii buun buuninta marka dambe, inay fatwo ku fiiqaan ayey ahayd oo shacabka u sheegaan,

Tan kale waxay isu taageen, inay wax dhex dhexaadiyaan, dhex dhexaadiyuhu shuruuduu leeyahay, waxaad moodaa mararka qarkood inay ku sii deg degeen walaallaha, inay xaliyaan khilaafka, hada ka hor waan ka hadalney, hadana waan ka hadleynaa, walaallaha codka culimada meesha ku habooon in la dhigo ayaa laga doonayaa, culimada waxa ay xambaarsan yihiin ayaa la ixitiraamayaa, culimada mararka qaarkood tilaabadooda hadii ay eegi waayaan xoogaa dhib ah ayaa ka soo gaaraya.

Culimada way yaqaanaan hogaanka iyo sida uu ku dhisan yahay, dadd ahlu cilmi ah, inay marinkaas maraan wax laga filayey ma ahayn, waxay su’aali ka taagan tahay, iyaga culimada Soomaaliyeed maxay ka yihiin, ma dooneyno inaan ku tilaabsano waxyaabo aan munaasib ahayn, waxaan dooneynaa, iyaga iyo walaallaha kale inaan shacabka lagu wareerin bayaano aan dan u ahayn, Su’aasha meesha imaaneysaa waxay tahay, iyaga ma dadd Fatwo bixinaya miyaa, mise dadd maxkamad fadhiya oo go’aan soo saaraya, ma koox cusub oo soo biirtey miyaa ooo hogaanka dalka dhinac ka haysata ooo in la arko iyo in la barto doonaya miyaa, waan ugu tureynaa culimad Soomaaliyeed arimaha noocaas ooo kale inay ku digtaan” ayuu shirkiisa Jaraa’id kusoo gebagebeeyey Xog-hayaha Warfaafinta Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya Axmed Cabdullaahi Sh. Maxamed.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | December 1, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS