Musharaxa Saleebaan Axmed Ciise Oo Maanta si weyn loogu soo dhaweeyey
Magaalada Boosaaso.+Sawiro
Sawirada Soo Dhaweynta Daawo....
Boosaaso:-Dr Saleebaan Ciise Axmed ayaa saaka abaaro 10:30 subaxnimo ka soo
dagay garoonka magaalada ganacsiga puntlnad ee Boosaaso,iyada oo si heer
madaxweyne ah loo dhigay Roog cas,taasi oo noqtey markii ugu horaysey ee
musharax loo sameeyo.
Kadib markii uu musharaxu Salaan iyo mahadnaq u soo jeediyay Dadwaynihii ku soo
dhaweeyay garoonka magaalada boosaaso ayaa waxaa safar dheer oo laga soo anba
qaaday garaanka diyaaradaha lagu soo maray wadooyinka iyo xaafadaha magaalada
boosaaso,waxaana goobkasta oo uu marayey ku salaamayey dadweyne faraxsan Mudo gaaban kadib markii uu Musharaxu ku nastey Hutel Filij oo ka mid ah
Huteelada Puntlnad ugu waa weyn,ayaa waxaa uu hadal dheer u jeediyey kumanaan
dadweyne ah oo iskugu yimi banaanka hore ee Huteelka,waxaanu musharaxu u sheegay
dadweynihii in xiligan la gaadhay waqtigii ay Punt land la jaanqaadi lahayd
caalamka.la?na raadin lahaa isbadal horumar u horseeda bulshada. Sidoo kale musharaxo wuxuu hoolka huteelka shirar kula yeeshay Isimo,cuqaal iyo
waxgarad reer Puntland ah,waxaana halkaasi ugu horayn ka hadlay Musharax
saleebaan Ciise Axmed. Obama Off Punt land waxaa uu ku dheeraaday sida xiligan Puntlnad ay ugu baahan
tahay is badal badhaadhe u horseedabulshada reer Puntland,wuxuuna intaas ku
daray in uu maanta u taagan yahay xilkan dhibka badan,ayna ku dhalisay kadib
markii uu arkay baahida loo qabo in la helo hogaan tayo leh. Aw Daahir Xaaji Xasan oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Beelaha SSC
ay yihiin kuwii dhidibada u taagay Puntland,ayna sadex jeer oo isku xiga
hogaanka Puntlnad u doorteen Beesha Majeerteen,sadaxdiina midhahoodii la arkay. Wuxuu intaas ku daray in xiligan Punt land ay meel adag marayso,qaylo dhaan
badanna ay u timi beesha ssc oo lagaga codsanayo in la badbaadiyo
Puntland,waxaanu intaas raaciyey in maanta Puntlnad lagu dabo qaban karro,
Kursiga oo Beesha Majeerteen ay meel iska dhigaan, Beelaha sscna hogaanka loo
dhiibo,taas ayaa ah ayuu yidhi aw daahir xalka kaliya ee lagu ilaalin karo
midnimada Puntland. Suldaan Maxuud Axmed xooyti oo ka mid ah Isimada Gobolka Bari oo kulan kaasi oo
xidhay ayaa si qiimo badan uga garaabay una qiray Hadalkii Aw-daahir Xaaji
Xasan,waxaanu sheegay in Beelaha Majeerteen ay kurisga iyo hogaanka Puntlnad ku
fashilmeen,sidaa darteena loo baahan yahay in Beelaha kale fursan la siiyo. Musharax Saleebaan Ciise Axmed (Obama Off Puntland) ayaa la filayaa in uu si
dhaqso ah ugu gudbo magaalada Garoowe oo ay haatan ku sugan yihiin dhamaan
Isimada SSC,iyo musharaxiinta u loolamaya hogaanka Puntlnad.
--
Maxamuud Maxamed
Ololaha Doorashada Dr Saleeban Ciise Axmed
www.Changeforpuntland.com
changeforpuntland@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com |
December 2, 2008
|