Xaggee
ayuu ku Dambeeyey Madhoodhow
Maarso 27, 2006
Sannadkii 2004 waxaan akhirtayaasha uu soo
tebiney arrin ku saabsan dhibaatada haysata mid ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee
ku tabaalaysan magaalada Muqdisho. Ninkaas oo magaciisa la yiraahdo Xasan Abeyle
oo ku magac dheer "Madhoodhow".
Xasan Abeyle (Madhoodhow) xilligaas waxa uu
caan ka ahaa isgoyska Black Sea iyo Al Baraka, isaga oo intaa feera-qaawanaa, oo
garaabada jaadka cuni jirey had iyo gooraale, ciidana cantuugi jirey isaga oo
marka la weydiiyo sheegan jirey in uu ciida ku qadeeyo , ciida ku quraacdo,
hadana ciida ku casheeya, oogadisana ama korkiisana waxa uu marin jirey olyoyada
laga daadiyo baabuurta, kuna faani jirey in aan dushiisha la taaban karin.
Hadaba waxaa laga yaabaa in dad badani is
weydiiyaan, Xagee ayuu ku dambeeyey Madhoodhow.
Nasiib wanaag Madhoodhow aad ayuu hadda uga
wanaagsan yahay sidii uu ahaa xilligaas. Sida ka muuqata sawirada hoose.
Xasan Abeyle (Madhoodhow) dadka ayuu hadda
wacdiyaa....
Xilligaan la joogo Xasan Abeyle waxa uu xirtaa
dhar, kumana qubeysto Oolyada, ciidana ma cuno. Waxaa lagu xananeeyey
xarunta Sh. Cabdiraxman Macow Xaaji (ahlu kheyr ) oo ah xarun lagu xanaaneeyo
dadka wax uga dhimian yihiin "Dhimirka".
Arintu si kastaba ha ahaatee waxaad arkeysaa Madhoodhow oo
sita magarafoon oo dadka wacdinaya, in kasta oo marka aad aragtid aad
dareemeysid in weli wax ku danbeeyaan in kasta oo uusan sidiisii hore eheyn ama
aad uga wanaagsan yahay.
Xarunta dhimirka waxaa ku jirta 30 qof, halka sadax ka mid
ah ay yihiin kuwo xirxiran oo aan lagu dhexdayn Karin bulshada, 27 ka kale ayaa
ah dad hada ka soo reynayo sidii hore ay u ahaayeen.
Xasan Abeyle waxa uu sanadihii 80-tamaadkii ahaa Askari u shaqeynayay
Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee qaybta 21-aad, wuxuuna ahaa Cunto Kariye
(Cook) u shaqeynayay taliyihii ciidammada qaybtaasi General Maxamed Siciid Xirsi
Moorgan, waxa uu ahaa nin aad u fir-fircoonaa, balse dadweynaha deegaanka ayaa
si aad ah ula yaabay ninkaasi fir-fircoonidiisa iyo qaabka uu u shaqeeyo,
waxayna markiiba u bixiyeen (Madhoodhow).
AKhri Halkan....
GUJI...
Qore: Muuse Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho Somalia
Faafin: SomaliTalk.com | Marso 27, 2006
Wuxuu ku Qadeeyaa
Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa!!!
Nolosha
wiil Aabihiis Ingiriis ahaa oo kirishbooy ka ah Hargeysa:
Magaciisu waa
Nimcaan Ibraahiim Bowdan, waxa uu ku dhashay....
Akhri halkan...
Guji...
|