SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Minneapolis: Iimaamka Masjidka Abuubakar, Sh. C/Raxmaan, oo Laga Hor Istaagey Safarkii Xajka, Isagoo ka dhoofi lahaa Garoonka Diyaaradaha ee Minneapolis....

Waraysi:  Sh. C/raxmaan Halkan ka Dhegeyso ama Soo rogo (mp3) ama Halkan (ram)

  • Waraysiga waxaa qaaday Ustaad Abdiwali Bashir Dalboon | December 1, 2008

Sh. C/raxmaan, iimaamka Masjidka Abuubakar Sidiiq ee magaalada Minneapolis ayaa Sabtidii laga hor istaagey safakii uu ugu socdey Sacuudi Careebiya si uu uga qayb galo Xajka sannadkan, waxaa sidaad Axadi xaqiijiyey Qareenka Masaajidka sida ay qortay Jariidada StarTribune ee ka soo baxda Minneapolis.

Jariidadu waxay sheegtay in Sheikh Cabdiraxmaan oo ah iimaamka Masjidka Abuubakar iyo nin kale (oo ah youth coordinator) oo aan dooneyn in magaciisa la sheego ayaa loo diidey in ay diyaarad ka raacaan garoonka caalamiga ah ee Minneapolis, laakiin looma sheegin sababta. Ninka (la socdey Sheikha) waxa uu sheegay in ay jireen dad kale oo u socdey Xajka (Maka iyo Madiina) oo sidoo kale loo diidey inay diyaarada raacaan, laakiin ma uusan ogeyn inta tiradoodu tahay, sida ay qortay Jariidaddu.

Qareenka Masjidka Abuubakar oo magaciisa la yiraahdo Mahir Sherif, oo ah qareen reer California ah, isla markaasna qareen u ah masaajidada Soomaalidu maamusho ee ku yalaal Maraykanka ayaa sheegay in uu u malaynayo in sababo dhawr ah ay noqon karto sababta diyaaraadda loogu diidey raggaas. Waxana uu sheegay in uu danniyayo in sababtu ay tahay mid ku xiriirsan sheekooyinka la isla dhex marayo Jaaliyaadda Soomaalida oo ah in Masjidku uu dhallinyaro tababaray si ay ugu laabtaan Soomaaliya - Wararkaas oo qareenku uu si xoog leh u beeniyey.

Qoraalka dheer oo Jariiddu ka qortay arrintaas ayaa waxaa ka mid ahaa in Osman Ahmed uu yiri 17-jir uu u yahay Adeer (ama abti) oo la waayey Nov 4 in "uu si xoog leh ugu taxnaa" Abuubakar (masjidka). Qoysku ma doonayaan in wiilka adeerka loo yahay la magacaabo iyagoo u baqaya ammaankiisa, ayey tiri Jariidadu.

Osman Ahmed waxa uu sheegay in uu la hadlay waalidiinta shan (5) kale oo dhallinyaro ah oo la waayey kuwaas oo sidoo kale waqti ku bixiyey masaajidka.

"Ma dheheyno Abubakar ayaa masuul ka ah carruurtaas," ayuu yiri Osman Ahmed isagoo intaas ku daray "kama shakisanin masaajidka, laakiin waxaan ka welwelsanahay sida ay arrintan u wajaheen."

wiil maqanKHATAR KU SOO FOOL LEH SOOMAALIDA MINNESOTA
iyo Wararka wiilal ku laabtay Soomaaliya oo dhaliyey jaahwareen iyo jawaabta masaasjidda. Akhri..

Osman Ahmed waxa kale oo uu yiri in qoysaskii (dhallinyarada maqan) ay dareemayaan in hoggaanku uu yaraaysanayo arrinta socota halkii ay arrinta ka cambaarayn lahaayeen.

Qareenka Masjidka Abuubakar, Mahir Sherif, waxa uu sheeegay in uu fahamsan yahay in qaar kamid ah Jaaliyaddu ay ku qanciyeen dhawr ka mid ah hooyooyinka wiilasha maqan in ay u tagaan FBI una sheegaan in Masaajidku uu lug ku leeyahay. Laakiin taasi run ma aha ayuu yiri qareenku.

Dhallinyarada maqan dhammaantood kuma taxnayn Masaajidka, ayuu yiri Mahir Sherif. Masaajiddu ma aha sida Kaniisadaha oo xubin laga noqdo. Dadku waxay xor u yihiin in ay tagaan Masaajidkii ay doonaan waqtigii ay doonaan. Qaar waxay tagaan dhawr Masaajid asbuuca gudihiis, ayuu yiri. Waxana uu intaas ku daray in uusan jirin masjid ragga ku dhiiri geliya in ay laabtaan si ay u dagaalaan.

Qareenku waxa uu intaas ku daray in uu u malaynayo in warkaas la isla dhexmarayo ee ku saabsan Masjidka in ay tahay isku day qaar kamid ah jaaliyadda oo isku deyaya in ay magac dilaan Masjidka.

Omar Jamal, oo ah madaxa Somali Justice Advocacy Center, ayaa sheegay Isniintii in ururkiisu uu warqad u qori doono FBI oo uu ku weydiinayo akhbaar dheeraad oo ku saabsan sababta ragga loogu diidey in ay diyaarad raacaan. Waxa kale oo uu sheegay in uu fahamsan yahay warar badan oo la isla dhexmarayo, laakiin waxa uu yiri "ma hayno wax caddaynaya carruurtaas ku xiriirneysa masjidka. Sababtaas weeye tan aan u welwelsanahay."

Waraysiga Sh. C/raxmaan Halkan ka Dhegeyso ama Soo rogo (mp3) Ama Halkan (ram)

Waraysiga waxaa qaaday Ustaad Abdiwali Bashir Dalboon


Ustaad Abdiwali Bashir Dalboon
North America Minnesota
cdalboon@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | December 2, 2008

wiil maqanKHATAR KU SOO FOOL LEH SOOMAALIDA MINNESOTA
iyo Wararka wiilal ku laabtay Soomaaliya oo dhaliyey jaahwareen iyo jawaabta masaasjidda. Akhri..

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS