SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

KHATAR KU SOO FOOL LEH SOOMAALIDA MINNESOTA

"Haddii aad war maqashid durbadiiba hala boodin ee hubi inuu il sax ah ka soo baxay oo yahay run." Hassan Mohamud

  • Waxaa isku so dubaridey:
    Ustaad Abdiwali Bashir Dalboon
    Minneapolis, Minnesota
    cdalboon@hotmail.com

Dhibaatooyin Haysta Muslimiinta Minnesota iyo Khatar ku soo Fool leh...

Garan maayo si aan war-bixintaan u qaado dhigo ayada oo ay arintaan tahay mid xaasaasi ah oo Khatar teeda wadata hadana waa dhibaato saxaafaddu ka hadashay oo war ahaan loo sheegi karo ayada oo laga hadlayo xaaladda dhabta ah ay muslimiintu ku sugan yihiin gaar ahaan somalida Minnesota xiligaan ku jiraan waxaad moodaa xili kala guura, xushmadda iyo xishood kuna sii yaraanayo xaasinimaduna sii badanayso amay tahay waxaad rag iskaga riixayso ayaad rabi oga fogaataa allayle waa musiibo haysata Somalida Waqooyiga America oo aan lala wadaagin.

Inta aana war-bixintaydaan guda galin, waxaan u cudur daaranayaa qof kii jeclaa in aan war bixintaan u dhigo sida asagu jecel yahay waayo saxaafadda mar kii aad matalayso oo aad rabto dad kaaga in aad dareen ku abuurto ama aad war gaarsiiso sida war baahinta reer galbeedka ama TV yada Local ka ah ee Arintaan ka hadlay si ka gadisan ayaa loo arki karaa ayada oo la fiirinayo Reer ka aad ka dhalatay ama waxa aad aamisan tahay.

Caalim kii weynaa ee Sheikh Mohamud Samashqari ayaa waxaa la weydiiyey Su'aal ahayd sheikh "Mad habtee haysataa taas" oo laga wado Mashaafiyo ayaad tahay oo mad habka iimaamu shaafici miyaad haysataa mase Malikiyo ayaad tahay oo Mad habka iimaamu Malik ayaad haysataa mase Xanafiya ayaad tahay oo Mad habka imaamu Xaniifa ayaad haysataa Mase Xanaabilo ayaad tahay oo Imaamu ahmed Binu Xanbal miyaad haysataa. Sh Mohamud Inta qoslay ayuu Gabay afarlayda aad tiraahdaan ayuu tiriyey Waxuuna yiri: Haddii aan iraahdo shaaficiyo ayaan ahay waxaad ileedihiin war waa kuwii baneen jiray gabadha sinada aad ku dhashay waa la guursan karaa niman kii oran jiray weeye haddii aan dhaho Maliki ayaan ahayna War waa waray waa niman kii oran jiray Hilib ka eyga waa la cuni karaa.

Waxaan soo xasuustay gabaygaas markii aan arkay sheeko oday Soomaliyeed la iiga sheegay xiligii leegada iyo SYL ay siyaasad Soomaliya ku tartamijireen ayuu gaari gacanta u taagay, gaari la'aana barigaas waa jirtay, war maandhow i qaada yuu dhahay mar kaas ayey dheheen waa tahay'e leego iyo SYL kee taageersan tahay, talaa ku cadaatay odaygii waase ka dabaashay ilaa waa nin weyn oo khibrad leh mana uusan garanaynin nimanku in ay Leego ama SYL mid kii ay yihiin. Qosal ayuu intuu la dhacay yiri: Adeer labaduba waa ragaygii laakiin hadda arinta aan ka hadlayo sitaas ma ahan ee rageenu iyo gacal keenu iyo kuwa aan jeclaanayno waa kuwa iimaanka leh ee Diinta u adeega Sida Sh Abdirahman Sheikh Omar iyo Abdirizaq Hashi iyo Dhammaan intii u shaqaysa diinta islaam ka.


VIDEO: MN: Somalis leaving US for Holy War back home

VIDEO: KSTP-TV: Twin Cities man behind suicide bombing in Somalia

Omar Jamal (Madaxa Somali Justice Advocacy Center) oo u waramayey telefishanaka FoX9-TV: ayaa yiri: Waxay u muuqataa in uu yiro olole dadka lagu diiwaangelinayo (recruit) si ay ugu biiraan Jihaadka Soomaaliya, laakiin ma ogin....
Daawo

Sh. C/qani Qardhaawi: ayaa yiri: Waxaa jira waalidiin badan oo noo imanaya oo na weydiinaya meesha ay carruurtoodu adeen, waxaan isku deyeynaa in aan ogaano yaa dadkan maalgelinaya sabatoo ah 17-jir iyo 18-jir oo ka dhoofaya Minneapolis oo u duulaya Soomaaliya ama Kenya, 1,700$US, badandooku ma shaqeeyan Daawo


Fox9 news: Akhri Halkan/daawo sidoo kale Akhri halkan



Qardhaawi: Difaaca Masaajida iyo Talo ku adan Dhalinta Suaalo iyo Jawaabo.. (VIDEO)

Waxaanse soo gudbinayaa waa warbixin waxaana lagama maar maan ah in aan si cadaalada u qaadaa dhigo shacuurta shacab keena dareen kooda iyo sida ay u arkaan Dhibaatadaan saamayn ku yeelan karta mustaqbal keena. diinteena, danaheena, xoriyadeena, dad keena, taas oo dad badan aysan dareensanayn bal aan birta ugu dhufto arartii ayaan ku dheeraadaye yaan la is oran wadaadku waa baqay waase loo badan.

Qaylo iyo sawaxan ayaa cirka is qabsatay waxaa qayliyey idaacadihii TV-yada ahaa waxaana ka soo dhex baxay Soomaali dalkii dib ugu laabtay oo is qarxiyey walow war bixitaan TV-yadu ay sii daysay Shirwa Ahmed sawir kiisa iyo in uu is qarxiyey - Halkaan ka daawo - waxaa kaloo la sheegay ilaa 20 dhalin yaraa in ay labadii bilood ee la soo dhaafay ay somalia aadeen sida ay idaacada Fox9 iyo kare11 iyo KSTP ay sheegeen halkaan ka daawo.

TV-ga waxaa Warbixintaan laga waraystay laba nin oo Soomaali ah oo aad looga yaqaan gobalkaan minnesota Omar Jamal iyo Sheikh Abdiqani Qardhawi waxay sheegeen labaduba in ay caruurtaas jiraan oo waalid-kood aad ugu dhiban yahay. Fox9 ayaa sheegay in Abdiqani rumaysan yahay in ay jiraan dad maal galiya. Isaga oo sheegay (in 17-jirro iyo 18-jiro) badankoodu aysan shaqayn - oo sidaas awood uma lahan in uu lacagta diyaarada bixiyo taas oo dhan 1,700$ sidaas darteed dad ayaa lagayaa in ay ka danbeeyaan; waanse isku deyeynaa in aan ogaanno.


Sh. Abdirahman


Sheikh Omar


Jawaabta Masaajidda...

Masaajidii socod koodii ayaa yaraaday asbuucyadii la soo dhaafay walow ilaa shalay masaajidku uu aad u buuxay ka dib Sh. Mohamed Kariye markuu safar noogu yimid walina nala joogo asaga oo khudbadii maantayna kaga hadlay in diinta islaam ka lagu dhinto oo lagu dhago oo aan la baqin .

Sheikh Abdirahman Sheikh Omar ee masjidka Abubakar ayaa asna kaga hadlay asbuucyadii hore asaga oo sheegay in masaajidka abubakar uu bari ka yahay dhalin yaradaas, oo aan loo baahnayn in sharciga wadan kaan la jabiyo. Waxuuna yiri sheikh abdirahman: Dhalinyaradu meel kasta waa aadaan goobaha xun xun ee lagu tunto waa aadan anaga miyaa u dirnay waa ishaacaad waa dagaal waligiis soo jiray oo diinta lagu duminayo ka digtoonaada rabigiina ka cabsada.

Maamulaha Masaajidka Sheikh Omar ayaa asna aad oga hadlay oo sheegay in Masaajidka iyo Gudigu ay bari ka yihiin oo aysan waxba arintaan kala socon sidaas darteedna Dowladdu og tahay Cidii danbi ka gashay ayna tahay howl ayada u taala.

Dhallinyaro ka caararay gaangiistarnimada....

TV-ga Fox9 waxa uu sheegay in dhallinyarada la sheegay in ay maqan yihiin (ee aadey Soomaaliya) in qaarkood loo malaynayo in ay hore uga tirsnaan jireen Gaangiistarada oo ay iskaga carareen dariiqyada (Minneapolis) ee galaaftay 7 dhallinyaro Soomaaliyeed ah sannadkaan dhintay (2008).

Waxaa kaloo jira warar tibaaxaya in waaalidiinta ilmaha dhalay qaar kood in ay xariir la sameeyeen Sirdoonka maraykanka ee loo yaqaabo FBI. Waxaa yaraatay aaminaadii qof ka haddii uusan ku aqoonna waxaa adag in aad waraysato ama aad saxaafadda la hadal aad tiraahdo dad kii is yaqaanay ayaa kala cararayo waxaa jira dad guryaha loogu yimid oo ay is yaqaaneen dhalin yaradii baxday qaar kood sida igu maqaala ah. E.K. Wilson oo ah afhayeenka FBI ee Minneapolis ayaa arbacadii sheegay in uu socdo wadahadal ay jaaliyadda Soomaaliyeed kala yeelanayaan (wiilasha) la waayey, sida ay qortay jariidada StarTribune.

Warbixinta Jariidada StarTribune


Osman Ahmed

Osman Ahmed oo ah Madaxa Guddiga dadka deggan guryaha Riverside plaza oo u waramay Jariidadda StarTribune ee ka soo baxda Minneapolis caddadkii November 26, 2008 ayaa yiri: wiil aan abti ama adeer (nephew) u ahay oo jira 17 ayaa la waayey Nov 4. Hooyadiis ayuu ka soo wacay Muqdisho Caasumada dalka Soomalia waxuuna u sheegay in uu nabad qabo oo soo wici doono, laakiin dib dambena uma soo wicin.

Osman Ahmed waxuu intaas ku daray in uu wiilka uu abtiga u yahay uu dhigan jirey Dugsi sare uu ku yaal Minneapolis, oo waqtigiisa ku bixin jirey iskoolka, guriga iyo masaajidka.


Saeed Fahiya

Osman Ahmed oo hadalkiisii sii watay waxa uu yiri, wiilkaasi waxa uu ahaa wiil wanaagsan, "waxana uu ku taxnaa Masaajidka." Hadalkaas oo dadka Soomaaliyeed ee akhriyey ay u fasirteen in masjidka farta lagu godayo.

Sidoo kale waxa kale oo jariidada waraysi siiyey Saed Fahiya oo ah Madaxa Confederation of the Somali Community ee Minnesota waxuuna yiri waxaan arintaa wada hadal iyo shirar kale jaaliyada iyo FBI-da.

Hubsiimada Wararka....

Waxaa kaloo warbixinta StarTribune lagu sheegay in wiil Abdul Abdullahi la yiraahdo oo 23-jir ah in la yiri waxa uu ku jiraa liiska wiilasha maqan (ee aadey Soomaaliya), arrintaas marka uu maqlay Ahmed Abdullahi oo ay wiilkaas ay walaalo yihiin waa QOSLAY, oo la yaabay arrintaas, waayo walaalkiis waxaa loo geeyey somalia xanuun madaxa ah waxaana xitaa aarintaas la socda dhakhtarkiisa, laakiin somalida ayaa buun buunisay warka Abdul Abdullahi.


Sh. Hassan Mohamud

Sidoo kale waxaa war bixinta Jariidada StarTribune ku jira Imaamka Masjidu Da'wa ee St. Paul, Hassan Mohamud, oo xusay sida ay islaamka uga soo horjeedo in la qaad-qaado war aan la hubsan ee la isla dhex marayo, isagoo arrintaas jaaliyadda xusuusinaya. Waxana uu yiri: "Haddii aad war maqashid durbadiiba hala boodin ee hubi inuu il sax ah ka soo baxay oo yahay run."

Waxaad arkaysaa oo qoraalada sare kaaga muuqda dadka Warbaahinta u warama ama saxaafada in ay kala aragti gadisan yihiin kala mowqif yihiin.

Somalida badankeedu marumaynin in dad laabteen oo Soomaaliya tageen ayuu StarTribune war bixintiisa ku muujiyey waxuuna soo qaatay dhawr qof oo uu kamid yahay wiil magaciisa la yiraahdo Muhamed Muhamed oo 22-jir ah oo 1995 kii yimid America waxuuna yiri: Ma rumayn karo in qof Soomaaliya dagaal u aaday ilaa aan anigu xaqiiqo ahaan indhahayga ugu arko in ay dhacday.

Abdulkadir Said, oo 47-jir ah ma rumaysan warka la isla dhex marayey markii uu maqlay laba toddobaad ka hor.

Mahad Isse, oo 28-jir ah, waxa uu yiri dagaalku waxa uu qoyskiisa ku sababay inay ka soo cararaan Soomaaliya, sababtee ayaa qof hadda halistaas u raadsanayaa.

Warka Wiilasha oo dhaliyey Jaahwareer...

Waxaa jira wareer, saxmad, dhibaato iyo baqdin xiligaan oo waliba ah xili qabow ah shacuurta dad weynaha aan maantay la kulmay ayaa ahayd sidaan nin dhalin yaraa ayaa igu yiri inta ii soo dhawaaday salaatu khowf ayaa rag badan ku maqan yihiin guryaha ayey iskaga dhex tukadaan.

Dadweynaha qaar kood ayaa eed dusha kaga tuuraya Soomaalida idaacadaha u warantay qaarkood. Nin dhalin yaraa ayaa yiri raggaa qaar maradii ayaa ka dhacday waayo dadka ay sheegayaan ee dhalin yaradaan caawiyey xaggee joogaan mey sheegaan, asaga oo xanaaqsan ayuu sii raaciyey: ma ahan dadkii haddii ay xataa shaki cid ka galay hadalkaan warbaahinta ka dhihi lahaa waxaase laga yaaba wax aanan ogayn in ay ka dhawaajiyeen.

Nin kale ayaa soo booday oo yiri: dad ayaa loo socdaa rag ayaa jaaniskaan helay waana la is qab qabanayaa farta ayaa la isku fiiqayaa ama hala cararo ama sharciga yaan la jabin america hala yiraahdo waxaad moodaa in la isku hayo saddex waji (1) Qabiil (2) Aragti kala duwan ee diimeed (3) Dano shakhsiyeed ama rag xiniin iskugu dhacay oo meel aysan garanaynin ka dirirsan waxaase shaki ku jirin si kasta oo ay tahayba in ay tahay dhibaato musiibo wiiqi karta sharafta muslimiinta taas oo ay ka dhalan karto in Culumada iyo dadka diinta u shaqeeya iyo Goobaha lagu cibaadaysto ay noqdaan goobo laga cararo halka ay ahaan jireen meelihii la yiri haloo cararo. Nin baa laga sheegay masaajidka haddii ay qayladu ka yeertay xaggee loo cararaa.



Soomaalida Minnesota

Waxaa xasuus mudan oo Sh Mohamed kaariye uu dadka u sheegay in Sharciga Dustuurka America dhigayo in Aad Diintaada ku dhaqanto cidna kuuma diidi karto laakiin sharciga hala ilaaliyo iyo axdigii aad saxiixdeen kaas oo idinka oo qaxootiya magan galyo la idin siiyey. Sidaas oo kale ayuu Sh Abdirahman laba khudbo kaga hadlay in aanan sharciga la jabin America oo aanan diinta islaamka magaceeda la xumayn.

Lama dareemi karo meesha ay wax ka khaldan yihiin iyo cida hurinaysa ayada oo sawaxan kaan iyo qayladaan ay tahay hal mar mid idaacaduhu la soo boodeen waana arin aad ugu soo noq noqotay Warbaahinta Maxalliga ah ee Gobalkaan Minnesota.

Midnimada Jaaliyadda.....

Habeen hore ayey ahayd markii TV ga Kare11 uu ka hadlay Xaashi Shaafi oo ka tirsan Somali Action Alliance.

Laakiin ilaa hadda ma arag Jaaliyadda Soomaalida oo midaysan oo warbaahinta ka hadlay iyagoo arrinta wajahaya.

Sidoo kale aaway dhallin yarada la shaqaysa Senotor Norm Coleman ama Senator Amy Klobuchar ama ka ag dhow Keith Elison (oo ah nin muslim ah oo ku jira Congreska maaraykanka) - arintaan ayaa ah mid xal u baahan waxaana waa jib ah sidii loo difaaci lahaa Culumadeena, masaajidda Muslimiinta oo ah guryihii ilaahay iyo Sharafta muslimiinta maantay oo kale waxaa loo baxsadaa Qof Khibro leh, Aqoon leh, Wax garad ah, Siyaasi ah, waana filayaa in dad badan ay garab is taagi doonaan siday Khatartaan oga hor tagi lahaayeen ilaa balaayo dhago la qabto ayey leedahay ee ma lahan Dabo la qabto.


Sen. Norm Coleman, Sen. Amy Klobuchar, congressman Keith Elison

Talada Waxgaradka waa loo baahan yahay....

Talo Waxaa Looga Baahan yahay Aqoon yahanada, Odayaasha iyo Haween Somaliyeed oo ka naxariis badan Ragga (1) Ma tahay mid jecel Diinta Midnimada Muslimiinta mahaysaa talo Ma gabaydaa . Taariikh ma haystaa maantaa Somali Musiibo ayaa haysee ma haystaa dhibkaa sidii looga bixi lahaa waa maxay xal ku (2) Ma ka damqanaysaa oohinta Culumada oo ah Awliyada ilaahay ilaahay Jano ma kaga Raadsanaysaa in aan Muslimiinta islaaxiso (3) Diyaar ma u tahay Maantay In Khibradaada iyo Caqligaaga iyo Cilmigaa loo baxsado (4) Dad ka aan la nool nahay Sida Culumadu noo sheegtay wanaag in aan kula noolaano maxaad ka qabtaa (5) Yaad eeda Saaraysaa?

Xigasho: StarTribune, Kare11-TV, Fox9-TV, KSTP-TV, WCCO-TV

Qoraalkii StarTribune: Ka akhri halkan....

Waxaa isku soo dubariday:


Ustaad Abdiwali Bashir Dalboon
North America Minnesota
cdalboon@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 29, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS