SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Prof Muxiyadiin Cali Yuusuf" Maamulka Puntland waxa uu u baahanyahay Bad-Baado deg deg ah

Prof Muxiyadiin Cali Yuusuf oo ah musharax u taagan hogaaminta Puntland marka lagaadho sanadka 2009- ayaa maanta Nov,30,2008 Munaasiba qado sharaf ah Isimada Gobolka Sool ugu sameeyay Hotel New Waamo ee magaalada Garoowe ayaa kulankiisaas kaga hadlay dhibaatooyin badan oo soo food saaray Maamulka Puntland, Prof-ka ayaa sheegay inay Puntland dhiiliday isla markaana u baahan tahay Bad-baado deg deg ah.

Musharax Prof Muxiyadiin Cali Yuusuf waxa uu sheegay inuu ka mid yahay aqoonyahada Puntland isla markaana uu yahay Musharaxii ugu horeeyay ee daaha ka qaada inuu yahay Musharax u taagan Xilka Madaxtinimo ee Pl, Musharax ayaa intaasi ku daray in isu sharaxay markii uu Arkay Bad-Baada ay Puntland u Baahantahay iyo sida loo Rabo Hogaan sare, oo Bedel kan haatan jira, Profka ayaa ku ce celiyay inay Puntland haadaan ka sii dhacayso isla markaan Isimada iyo aqoonyahanada looga fadhiyo inay Bad-baadiyaan shacabka Puntland.

Prof Muxiyadiin Cali Yuusuf qada sharaftaasi uu u sameeyay Isimada Gobolka Sool waxa uu kaloo ku soo qaatay Gobolka Sool oo mudo sanad ah Gacanta Puntland ka maqnaan, waxa uu Yiri" Gobolka Sool lama qabsan ee waxa Bixiyay Maamulka Puntland, hadii la rabo in la soo celiyo Bil Gudaheed ayaa lagu soo celin karaa" Ayuu yiri Prof Muxiyadiin Cali Yuusuf.

Muxiyadiin Cali Yuusuf waxa kaloo uu sheegay in intii maamulka Puntland jiray ay ku fashlmeen Amaanka oo ay wax ka qaban waayeen iyo ka hortaga Budhcad badeeda. Prof-ka ayaa Farta ku fiiqay inay Hantidii Dawlada si Gaar ah ,loogu Tarki falay isla markaana loo baahanyahay in la Bad-Baadsho.

"Aniga u jeedkaygu maha in laydoorto e waxaan doonayaan in la doorto qof kasta oo keeni kara Is bedel dhaqaale iyo Mid siyaasadeed Inaan isa sharaxo waxa igu kalifay codsi ka yimi shacabka Puntland" ayuu Yiri Muxiyadiin Cali Yuusuf.

Muxiyadiin Cali Yuusuf oo ah Musharax u taagaan Hogaaminta Puntland waxa uu ku Nuux-Nuuxsaday in Maamulka Puntland ee haatan wakhtigiisii sii dhamaanayo ay shacabku ka daaleen iyaga oo kaga Cabanaya arimo badan oo ay ku Guul-daraysteen.

Kulankaasi ayaa waxa joogay Isimada Gobolka Sool kuwooda ugu Miiskaanka wayn iyada oo dhamaan Isimadu qireen in Maamulka Puntland uu dheeliyay.

Waxaa soo tebiyey:

 abdirzk@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | December 1, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS