GUUBAABO: Gabay Cusub - Dec 2008

Maxamed C. Cibaar
mohamed_ebar@hotmail.com
Gabayga oo Cod ah halkan ka dhagayso ama
soo
rogo (mp3)
Gabayga Guubaabo wuxuu soo baxay 27-11-2008, wuxuuna ku saabsanyahay
marxaladda cusub ee uu galay halgankii joogtada ahaa ee u dhaxeeyay dulmiga
duullaanka ah iyo xaqa difaaca ah.
Waxay ila tahay in aysan maanta jirin cid inkiri karta in dullaankii
gardarrada ahaa ee lagu soo qaaday dadka Soomaaliyeed, dalkooda iyo diintoodaba
uu ku dhamaaday jab iyo guuldarro. Waxaana Alle mahaddii ah in halgan qaraar ka
dib, ciidamadii cadowga maanta lagu hareereysanyahay oo ay la’yihiin si ay u
baxaan iyo meel ka baxaan.
Walow ciidan ahaan cadowga dhabarka looga jebiyay, haddana waxaa weli laysku
dayayaa in la badbaadiyo oo la bakhti-afuufo dulmiga fashilmay. Arrinkaas waxaa
lagu bixinayaa hanti iyo howl badan, iyadoo loo adeegsanayo shaqsiyaad iyo kooxo
aan xilkas aheyn. Ujeeddada dhalanteedka ahi waa in la qaybiyo oo waliba la iska
horgeeyo walaalihii halganka ku wada jiray.
Waxaan ku kalsoonahay Insha-Allaah, in sidii shalay aan u muujinay in aysan
cidina dadka Soomaaliyeed ku khasbi karin wax aysan ogoleyn aan maantana u
muujin doonno inaan nala khaldi Karin oo aan fiirodheer iyo feejignaan u yeelan
doonno, farsamooyinka cusub ee cadowgu la soo shirtagay ee ku saleysan qaybi oo
xukun iyo lafo aboodi iyagaa la isku jebiyaa. Waxaanan Rabbi weyne ka baryaynaa
inuu noogu hiilliyo sidii uu horayba noogu hiilliyay.
Gabayga guubaabo wuxuu ku bilaabanayaa:
- Cabdiyow1 guubaabaan tirshiyo murtida geeraarka
- Gaabsigaan ka doorbidi lahaa aniga oon gurine
- Waxse gama’ ii diiday iyo gogol inaan jiifto
- Gobonnimadii iney iib tahoo qaar gorgorinaayo
- Waa gaweetadaan talisa iyo garowga ceyriine
- Galabgalabta ii muuqatiyo guddiyo beenaadka
- Hoteellada gawaarida martida loogu kala gooshi
- Gableyshimbirta qaar tumaniyo cadale googaale
- Goldaloolladaan muuqda een cidi gufeyneynin
- Garabgarabka lagu faanayiyo goofaf kala deyrka
- Iyo maatidaan gabawaraney haaddu guraneyso
- Waa labaan is geyneyninoon la gadgaddoomaaye
- Gocashadu waxay tahay bal aan gabay ku faalleeyo:
- Qoom waliba waxa uu galuu gudo karaankiisa
- Taariikhda guunkaa xafiddoo laga gorfeeyaaye
- Xaqiiqana go’ lama saari karo gebi ahaanteede
- Gondhor tuugta laga keenayee gaajada la luudi
- Inkastoo libaax gaaddadii gucumo loo yeelo
- Ama gool yaxaas lagu matelo good wax baabi’iya
- Waa
Goroyocowshaan naqiin
Gergerkunooshiiye
- Kuwa guga shan iyo toban jiriyo geeljiraha dhaarsan
- Garaaceedna waxaa kuba filnaa gaban ul haystaaye
- Muslimiin inaan giddi nahoo Guulle nala doonay
-
Gaashaanbuurta ka hinaastay iyo gaalo soo duushay
- Dowladahan nagu goobtay baa reebay godobtaane.
- Gabboodfalidda daaquudyadiyo waxa na gaaraya
- Fasahaadka gaamuray Ilaah guudku ka arkaaye
- Gegsi buuse naga doonayaa Gurmadmawaayuhuye
- Samadaha diyaarado gugciyo miig galgalanaaya
- Tomas-howk makey nagu ganeen gujisyo quusaaya
- Foosfarka wax guba iyo markuu gaasku nagu hooray
- Markey ciiddu nagu gubatayuu ubad gamaaraayay
- Masaajidda markii galeen garacyo shaydaanku
-
Oy culumo ku dhex gowraceen goxoshka waayeela
-
Dambigaa gumaadka ah kuwii tacaddigaa geystay
- In garaaddo dallacsiina iyo gunno la sii siiyo
- Oo loo gurbaantumo dulmiga gardarro mooyaane
- Gole shiraya weli maanan maqal oo gef dhibayaaye
- Galladdii Raxmaaniyo markaan helnay gargaarkiisa
- Kuwan maanta gabgableynayee gogosha sheegaaya
- Gelinkaan miyey wada dhasheen galabta waa yaabe?
- Gal xareedi ay buuxdo oo lagu harraad gooyo
- Waa geed harweyn nabadduyoo lagu gam’aayaaye
- Qiimaheeda lama gaari karo waxa ay goysaaye
- Hayeeshee gabraarato aan nixin siriq ay kuu gunudday
- In aad nacabka dabinkiis gashaa waa garaad xuma’e
- Garbaduub ha loo xiro xaqiyo gooddintiyo tookha
- Guurtida shirqoolkeeda iyo geesiyada ciillan
- Gambocaabbud koolkoolintiyo gabbaldayaa soocan
- Gambarrada dabbaalku u muhdiyo guryaha miineysan
- Gaadmada mar kale nalala rabo gulufka heenseysan
-
Guceleyntooda fahamnoo wallaan layna gelineyne
- Kuwan maanta gabgableynayee gogosha sheegaaya
- Gelinkaan miyey wada dhasheen galabta waa yaabe?
-
Abasiinya haddey gari gashoy gelelef deyneyso
- In la gawiyo maahee haddey gacalley yeeleyso
- Gudaha
Hararta taariikhiga ah
Godey ma joogteene
- Gabdho iyo ma layseen
haween birimageydo ahe
-
Saqiirrada gasiin kama jarteen baahidow go'iye
-
Gafuurraxun haddaan leys hureyn gumuca baaruudda
- Oo ay Galbeed waajib tahay iney ka guureyso
- Galka seefta inaan kala baxnoon layna guuguulin
- Gurey taladiis inaan qaadannaa wey gudboontahaye
- Kuwa na leh gacmaha raaracshoo keena guradiinna
- Waa gurracni waxay doonayaan gacallayaaloowe
- Ka gaashaanta godin liqoo gabbanayaa jiraye.
- Weel hoostu ay go’antihiyo gorof aboor diirtay
- Oo guddaafad boqol sano dhex yiil qurun gufaaceysa
- Guntuu subag ka buuxaa kuwii nagu gariifaayay
- Mar haddeysan gobo’ iyo ka helin goror yar oo hoora
- Gidaarkii haddey soo herdiyeen goonna wada diismay
- Hadduu
Walad gas siyoo shirkii
Melles guddoominayo
- Dulligii
Gabre
Dellaa-na shirin gafaneyaashiisii
- Garaamaad hadduu qaybin iyo giniyo laaluush ah
- Kuwa gudaya weli leylkiyoo sii gurguuranaya
- Waa gurracni waxay doonayaan gacallayaaloowe
- Ka gaashaanta godin qaar liqoo gabbanayaa jiraye.
- Gaadiid in laga yeesho uu gorodda laalaadsho
- Geeri bey ka doorteen shacbigu iney gumoobaane
- Gantaal culus wixii aan gamuun uga jawaabeynay
- Garruun iyo wixii lagu diriray mindiyo gaalleef ah
- Gaangiistarradii markey jabeen gooste badankoodna
- Gegidii Muqdisho iyo markii goobo lagu owday
- Oo ay gabaabsiba yahiin godad ku hoos dhuunta
- Guushii mekey soo dhowdoy gacantu haabhaaban
- Inuu samuhu naga gaagaxoon seegno godolkeeda
- Gabbal baasna uu noo dumoo dhiiggu galacleeyo
- Gumeysigey bishaaro u tahoo waa gedduu rabaye
- Kuwa gambin dadaalkeenniyoo balada goobaaya
- Waa gurracni waxay doonayaan gacallayaaloowe
- Ka gaashaanta godin qaar liqoo gabbanayaa jiraye.
- Ciidankii midnimo giigsan loo aan la kala geynin
- Dadweynuhuna garabsiinayaa laga gariiraaye
- Haddii geeshku tafaraaruqoo hamigu soo gaabto
- Garwadeen hadduu waayo uu gabo hoggaankiisu
- Haddii gaasaskii qeybihiyo guuto kala yaacdo
- Ururkuna uu kala gaardiyoo horinba gees aaddo
- Haddey kooxdii sii googo’doo leysku geli waayo
- Oo unugga gow iyo gish ma leh garashadii siiso
- In sidii galley daadsan meel loo gurbiyo aayar
- Gumeysigey bishaaro u tahoo waa gedduu rabaye
- Kuwa wadajir ka gadoodayee goonni wax u raadin
- Waa gurracni waxay doonayaan gacallayaaloowe
- Ka gaashaanta godin qaar liqoo gabbanayaa jiraye.
- Soomaalaay gawaan aan wax maqal gadane yeelkiise
- Haddaan soo gunaanado waxaan hadal ku gooyay
- Garmaqaateyaal waashayoon abid garaabeynin
- Giiryaale fulayoo baqiyo guduri shaar qaatay
- Galti qooqay waan eednay iyo qaar gadaabo ahe
-
Kuwii gudcurka aan taagannahay ina gayeysiiyay
- Gebi dheerna nagu sii wadiyo goob halaag yaallo
- Geenyiyo iney naga dhigtaan guunyada u foofta
- Gumeysigey bishaaro u tahoo waa gedduu rabaye
- Inta aan shisheeyuhu gayiga sheegan gabigiisba
- Oo aanan gibir waa baryaba xoolo loo geynin
- Waa inaan gilgilannaa intey goori goor tahaye
- Guryankaan na daashaday inataan gununucaan deyno
- Oon diinta gaashaamannoon gowska ku adkeyno
- Badbaadada ha loo wada guntado goolku wuu dhalanne.
Gabayga halkan
ka dhagayso ama
soo rogo (mp3)
C/Qaadir Maxamed C. Cibaar
mohamed_ebar@hotmail.com
Halkaan ka akhriso/Maqal; gabaygii GO’AAN QARAN
Faafin: SomaliTalk.com |
December 1, 2008
|