SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Baaq lagu Taageerayo Nabada Somalia

Baaq lagu taageerayo nabadeynta Somaliya ayaa manta waxaa magaalada Nairobi kasoo saaray Culumau’diin, Waxgarad, Aqoonyanaho, Siyaasiyiin, Ugaasyo ee ku dhaqan dalkan Kenya.

Baaqaan ayaa waxa ay kula hadlayeen Jaaliyada Soomalida ee ku dhaqan dalka iyaga ka dhaadhicinayay in la taageero hesshiiskii Jabuti ee dowlada KMG iyo Isbahaysiga Garabka Jabuti waxa ayna dhaliileen qilaafaadka soo kala dhex galay Maxaakiimta Islaamiga kuna sheegeen mid aanan loo baahnayn.

Sheikh Nuur Baaruud oo ka mid ahaa Culumaaudiinkii kasoo qaybgalay ayaa waxauu yidhi “waxaa loo baahanyahay heshiis waara colaada dalka Somaliyana way labataan jirsatay waxa uuna ugu duceeynayaa soomalida in sanadka soo socda aynan sida tan ku gaarin”

Odayaal dhaqamadeeyda kale ayaa iyagana ka hadlay shirkan waxayna shacabka u sheegayaan in ay ka cabsanayaan in khilaafaadka kale ay mar kale bilawdaan marka ay ciidamada EThopia baxaa oo dhibaato hor leh dalka sii galo

Waxgaradkaan ayaa baaq ay soo saareen ku sheegeen in Soomaaliya ay dhibaatooyin ka socdaan oo ay sabab u yihiin ciidamda Ethopia, waxa ayna ku eedeeyeen in ciidamada Ethopia ay xasuuq, Barakac, bururin iyo dagaalada soconaya ay sabab u yihii.

Baaqaan ayaa sidoo kale waxa ay ku sheegeen inay soo dhawaynayaan dadaala nadabada iyo midnimada, iyo in iska daayo dilalka micno darada ah ee sii kordhaya waxa ayna ugu dambeyntii u mahad celiyeen dowlada Kenya.


Isku soo duuboo waxaa arinku dhamaan ku soo biya shubanayaa in la taageero nabada Somalia lana joojiyo dagaalda soconaya ee aanan dhamaadka lahayn.

Cabdikariin Muxsin
Nairobi - Kenya
Muxsin55@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 31, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS