SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Duran Faarax ''Inaan calanka Soomaaliya Olampikada Aduunka Peiking 2008 China gayno waxay ahayd waajib laakiinse waa inaan Olampikada 2012 London si ka wanaagsan uga qayb galno insho Allah’’.

Sawirada ka daawo halkan....

Waxaan magaalada London kula kulmay Gudoomiye ku xigeenka Gudiga Olampikada Soomaaliyeed ee xiriirka caalamiga mudane Duran Axmed Faarax, isla markaana ahaa madaxii hogaaminayey ergada Soomaaliya ( Chief of Mission) ee ka qayb gashay tartankii ciyaaraha Olampikada Aduunka ee dhawaan lagu soo gabagabeeyay dalka China..

Mudane Duran ayaa iga warbixiyay safarkoodii iyo sidii dowlada China u marti galisay cayaaraha Olampikada aduunka 2008.
Dowlada China sidii ay u martigalisay ma ahan wax laga sheekayn karo hadii ay ahaan lahayd, martigalinta, soo dhawaynta , mehrijaanada , goobaha loogu talagalay inay ka dhacaan tartamada, degaanada la dajiyay ka soo qayb galayaasha iyo sida loo adkeeyay xaga nabadgalyada, taas oo run ahaantii dunida dhan laga qirey in China sida ay u samaysay martigalinta Olampikada 2008 looga samayn dunida loogana samayn doonin, iyadoo wax walbana ay ka dhacayeen xaafad loo bixiyay Olampic Village oo ku taal duleedka magaalada Peiking

Waxaan sii su’aalay inuu iga warbixiyo sida Soomaaliya uga qayb gashay Olampikada sanadkaan,?
Duran : waxaa kaga qayb galnay cayaaraha Olampikada sida sharciga dhigaayo labo ciyaaryahan oo matalaya dalka Soomaaliya oo aan ka soo qayb galin is reeb reebyadii hore sida loo ilaaliyo sharciga u dagsan IOC-da, kaas oo qeexaya in dalalka caalamka oo dhan ay ka soo qayb galaan Olampikada iyo Gudiga Olampikada Soomaaliyeed oo isna casumaad ka helay IOC & NOC.
Waxaan kaga qayb galnay wafdi u hogaaminaayo mudane Ibraahim Gacal Abkow. Gudoomiyaha Olampikada Soomaaliyeed ayna wehliyaan
Mudane Adan Xaaji Yabarow ‘’ Wiish’’ gudoomiye ku xigeenka G.O.S
Mudane Eenow Gudoomiyaha xiriirka kubadda gacanta Soomaaliyeed.
Mudane Prof Caddow. Xubin ka tirsan GOS
Drs Khadiijo Dahir Gudoomiye ku xigeenka cayaaraha fudud Soomaaliya.

Waxaa kale oo cayaaraha fudud olampikada nooga qayb galaayey labo ciyaaryahan, kuwaas oo kala ahaa
Cabdi Naasir Siciid oo ka qayb galayay tartanka oradka 5 KM.
Saamiya Yuusuf oo ka qayb gashay oradka 200 M tartanka gabdhaha.

Waxaan su’aalay dad kale oo ka mid ahaa wafdiga Soomaalida oo aan Soomaali u dhalan oo ka qayb galay cayaaraha inay jireen iyo sida ay ku dhacday?

Duran Farah waxa uu kaga jawaabay sidatan : waxaa kale oo nagu wehliyay marti kale oo isugu jirey Soomaali iyo Ajanabi oo dhamaantood ku yimid sida sharciga dhigaayo kadib markii aan ku casunay inay nagala qayb galaan waayo IOC & NOC ayaa ugu tala gasha inay soo raaci karaan wafdiga dhawr qof oo saaxiibo la ah ama dad ay iyaga u gartaan inay ku casumaan inay kala qayb galaan tartanka, marka sidaas ayay ku yimaadeen, laakiinse ninka u dhashay dalka South Africa waxa u ahaa nin wax badan naga caawiyay ama noo sameeyay qalab aan aad ugu baahnayn kuwaas qiimo aad u badan noogu kici lahaa hadii uusan noogu caawin, waxa uu si lacag la’aan ah noogu sameeyay biinanka calanka Soomaaliya kan xiriirka GOS iyo jaakado, garabaatiyo kuligeen aan ku joogno China, tusaale ahaan Binanka calanka waxaan gudoonsiinay dowlado badan oo kulamo aan la yeelanay intaan joognay China, marka qof kaas oo kale inaa ku casunto inuu kala qayb galo madaama uu iska bixin karo qarashka deegaanka, cuntada iyo Ticket waa wajib inaa ku casuno madaama uu noo qabtey wax weyn, qof kasta oo waxtara dal ama dad waa lagu casumi karaa si loogu abaalgudo waxa uu noo qabtey.

Waxa kale oo nagu wehliyay caruur Soomaaliyeed oo labo ah oo iyagana ka qayb galay Youth Camp, iyagana waxay ka mid noqdeen caruurta dalalka 205 wadan ee ka qayb galay Olampikada.

Yaa la kulanteen intii aad joogteen Peking China ayaan sii suaalay mudane Duran?
Waxaan la kulanay IOC, NOC iyo dalal aad u badan oo aan wada daganeen Olampic Village, dhamaantoodna waxaan ka wada hadalnay sidii aan iskaga kaashan lahayn horumarinta cayaaraha noocyadiisa kala duwan, run ahaantiina dadka oo dhan aad bay ula dhacsanaayeen in Soomaaliya oo dhibaato dheer ku jira inay hadana ay ka qayb galayaan, isla markaana labada ciyaaryahan ee matalaysay dalka Soomaaliya aad baa loola dhacsanaa loona xushmaynaayay, taasina waxay ku cadahay wareysiyada laga qaaday intii ay joogeen China.


Kulankii Dowlada China & GOS Soomaaliya


Waxaan kulan muhiim ahaa la yeelanay Wasaarada Isboortiga China Republic , oo run ahaantii nagu soo dhaweeyay si weyn xafiiskooda, kadibna waxaan uga mahad celinay sidii dowlada China ay gacanta uga gaysteen dhisidii Staduim Muqadisho, National Theatherka iyo martigalinta cayaaraha Olampikada.

Wasiirada Isboortiga China ayaa noo sheegtey in u arkaan labada dal Shiinaha iyo Soomaaliya inay yihiin labo shacab oo walaalo ah isla markaana China aysan waligeed hilmaameen sidii geesinimada lahayd ee dowladii Soomaaliyeed sanadihii 1970 –yeedii ay hormoodka uga ahayd difaacida ama garab siinta dowlada Shiinaha.
China ayaa xiligaas dhibaato ka haysatey UNITED NATION-ka, waxayna kale u sheegtey inay la socdaan in garoonkii Staduim Muqadisho ay xaruun ka dhigteen ciidamada Ethopia si sharci daro ah, ayna ka xun yihiin dowlada iyo shacabka Shiinaha dhibaatada haysata dadka Soomaaliyeed ayna ka murugoonayaan madaama labada dal ay yihiin saaxiib wadaaga taariikh dheer.
Wasaarada Isboortiga dowlada China ayaa u balan qaaday inay gacan siin doonta GOS iyo Soomaaliya waqti kasto oo munaasab ah.
Kulankii GOS & Xidigaha Soomaaliya China

Waxaan Peiking China kula kulanay ciyaartooy iyo macalimiin Soomaaliyeed, kuwaas oo matalayey wadamada kala duwan
Halyeey Cabdi Bile Cabdi ayaa macalin u ahaa ciyaartooyda oradada dalka Sacuudiga.
Jaamac Karaaciin oo macalin u ahaa ciyaartooyda oradada dalka Sudan.
Maxamed Saleebaan oo u qaabilsan horumarinta ciyaaraha fudud dalka Qatar
Maxamed Faarax 5000M u ordayay dalka Britian.
Mustafe Maxamed 3000M u ordayay dalka Sweden.
Cabdi Cabdiraxman 10.000M u ordayay dalka USA.

Kulankaas oo dhaxmarey Gudiga Olampikada Soomaaliyeed iyo Cabdi Bile, Jaamac Karaciin, Mohamed Sulaymaan, Maxamed Faarax, Mustafe Maxamed & Cabdi Cabdiraxman ayaa looga hadlay sidii loo horumarin lahaa cayaaraha fudud Soomaaliya iyo sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa la isku af gartey in 6 xero oo lagu tababarto ciyaaraha fudud laga furo Soomaaliya lix gobal oo ka mid ah sida Banaadir, SH.dhaxe, Hiiraan, Bay, Sool iyo Togdheer, ugu horeyntiina waxaa laga furey xeradii ugu horeysay magaalada Laascaanood, waxaana maalgalinaayo ciyaaryahankii orada 800 & 1500 M dalka Qatar u ordi jirey, haatana ah madaxa horumarinta cayaaraha fudud dalka Qatar Mudane Maxamed Saleebaan.

Waxaa xusid mudan in Macalin Jaamac Karaciin iyo Maxamed Saleebaan ay balan qaadeen inay ku tababaraan si lacag la’aan ah xeryaha ay ku tababaraan ciyaartooyda dalalka Qatar iyo Suudan kuwaaas oo xeryo tababar ku leh dalalka Kenya, Tansania, Yemen iyo Sudan


Mudane Duran Farah ayaa hadalkiisii ku soo gunaanuday inay u qiiroodeen dalka Soomaaliya intii ay joogeen China , waxana u yiri waxaa arkaysaa qiimaha ay leeyihiin dadka iyo dalalka kale marka ay joogaan Olampikada isla markaana wadan walbo ay ka socdaan boqolaal ka qayb galaysa ciyaaraha noocyadiisa kala duwan halka anagana 2 qof noolugu ogalaaday inaan ka qayb galno un sida sharciga dhigaayo balse hada kadib loo baahan yahay inaan si weyn uga qayb galno iskuna diyaarino 2012 hadii Eebe idmo,

Waxaana taas suurtagalinteeda looga fadhiyaa dhamaanteen, marka qofkii wax qaban karo ama ka qayb gali tartamada waxaan ugu baaqaynaa inaa u soo istago sidii dalka Soomaaliya sumcad darada ka haysata caalamka ugu badi lahayn xushmad iyo wanaag iyo in Soomaaliya aanu ku soo celino caalamka ayuu hadalkiisii ku soo gunaanaday Duran Faarax oo ka mid ahaa ergadii Soomaaliyeed ee ka qayb gashay ciyaaraha Olampikada aduunka ee dhawaan lagu soo gunaanaday dalka Shiinaha.

W/D: Yusuf Yusuf
Secretary General of SSPA & Sports Editor
mrsomalia@hotmail.com
London

Faafin: SomaliTalk.com |  August 31, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS