SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Munaasabad Shahadooyin Lagu Gudoonsiinayey Arday ay Tababartay Oxfam Novib oo Boosaso ka Dhacday.

Munaasabada oo ahayd mid heer sare ah ayaa waxa shahaadooyin lagu gudoonsiinayey 12arday oo labaray la talinta Bulshada gaar ahaan shaqooyinka Bulshada sida Horumarka oo kale, sidoo kale Munaasabada waxa shahaadyin lagu gudoonsiiyay NGO’yo ka shaqeeya arrimaha Bulshada sida Aidska.

Hay’adda Oxfam Novib oo ah Hay’adda wax soo bartay ardada shahaadooyinka la siinayay ayaa soo qaban qaabisay Munaasabadaasi oo ay ka soo qaybgaleen Madax ka tirsan Oxfam Novib. Masuuliyiin ka socda Puntland iyo marti sharaf kale oo aad u badan.

Xaawo Cali Jaamac oo ah Gudoomiyaha Ururka Haweenka ee WAWA islamarkaasna wada shaqeyn ka dhexeyso Oxfam Novib ayaa ugu horeyn Munaasabada ka hadashay iyada oo u mahadcelisay Hay’adda aqoonta soo bartay ardada shahaadooyinka lagudoonsiiyay.

Xaawo Cali Jaamac ayaa si weyn u amaantay doorka Oxfam Novib ay ka qaadato adeegyada Bulshada ee Dalka soomaliya gaar ahaan waxay xustay sida dhiiran ee ay u gacan qabato Ururda Bulshada ee soomaliyeed kuna hawlan adeega Bulshada.

Maxamed Axmed Hiiraabe oo ah Wakiilka Oxfam Novib halkaasi u joogay oo munaasabada ka hadlay ayaa sharaxaad dheer ka bixiyay waxqabadkooda guud ahaan dalka soomaliya.

Mr. Hiraabe waxa uu sheegay in Degaanada Puntland iyo Gobolo kale oo soomaliya ah ay gacan ka geysteen inay soo saraan dad la baro La talinta Bulshada halka markii hore laga keeni jiray wadamada Dibada, waxana ugu baaqay cidii u baahan la talin gaar ahaan Hay’addaha , Ururada Caalamiga h iyo Dowlada in hada kadib ay adeegsadaan 12dhalinyaro ee ay tabo bareen.

Munaasabada waxa sidoo kale ka hadlay C/raxmaan Xasan Yuusuf oo ah Gudoomiyaha Ardada shahaada qaadatay islamarkaasna sameystay urur ay ku mideysan yihiin oo lagu Magacaabo Punka, C/raxmaan ayaa u mahadceliyay Oxfam Novib dadaalkii iyo waxarashadii mudada soo socotay ee ay qateen waxana uu ka codsaday qaybaha kala duwan ee Bulshada inay ku ixtiramaan aqoontooda oo ah mid sare.

Maxamed Ibraahim Qooboy oo ku hadlayay Magaca NGO’ska wada shaqeynta la leh Oxfam Novib islamarkaasna Tababarka dhameytay ayaa ku tilmaamay Oxfam Novib hay’ad hawl weyn ka haysa dalka gaar ahaan qoobey waxa uu ka hadlay kaalinta ay ka qaadato kor u qaadida aqoonta Ururada Bulshada rayidaka.

Mr. Qoobey oo ka tirsan Ururada Bulshada Rayidka eek u hawlan la dagaalnka Aidska ayaa sharaxaad dheer ka bixiyay cudurkaasi iyo gobolada xiligan sida uu ku yahay gaar ahaan waxa uu sheegay in aan la takorin dadka qaba cudurka oo wada shaqeyn iyo soo dhoweyn loo muujiyo markasta.

Munaasabada oo ahayd mid heer sare ah waxa sidoo kale ka hadlay Masuuliyiin ka socota Puntland oo ay ka mid ahayeen Wasiir kuxigeenka Dekedaha iyo Kaluumaysiga C/weli Maxamed Geysre, Taliyaha Ciidanka Boolisa Puntland Gen,Gaani iyo Wakiilka Ururka Aidsa Puntland Gobolka Bari Maxamed Khuurshe.

Ugu Danbeyntii waxa soo xiray Latilayaha Madaxweynaha Puntland Arrimaha Maamulka Barkhad Cali saalax oo shahaadooyinkii gudoonsiiyay 12arday ee waxbarashada dhameystay.

Hadaladii Barkhad Cali Saalax halkaasi ka jeediyay ayaa waxa ka mid ahaa Fariin ku socota Dadweynaha soomaliyeed iyo kuwa siyaasada ku shaqo leh oo ah in meesha laga saaro qabiilka siyaasada lagu wado oo loo bedelo aqoon in lagu xusho dadka Bulshada hogaaminaya.

Cawaale Jaamac
Boosaso

Faafin: SomaliTalk.com |  August 31, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS