Shuruudaha horyaal qaran soomaaliyeed oo dib u dhisma mustaqbalka:
Waxaa soomaaliya ilaa markii nidaamkeedii dawladnimo uu burburay ay ku waalatay
dadaalo iyo shirar dib u heshiisiineed oo isdabajoog ah oo aan dhammaan.waxayna
shirarkaas iyo dadaaladaasi dhammaantood ay ku wajahnaayeen samaynta dawlad
soomaaliyeed.waxay tijaabooyinkaasi dhamaantood ku akhirteen fashilaad iyo
guuldarro. Haddaba su’aasha halkaas ka abuurmaysa ee cid walbaa iswaydiinayso
ayaa noqonaya:maxaa qaldan oo waxii la sameeyaba u fashilmayaan.waxay ila tahay
in rajada xal laga gaaro dhibaatadaas soo noqnoqonaysa ee dadka daashatay loo
helo ay ku xirantahay ayna udub-dhexaad u tahay sida hadba su’aashaas jawaab
loogu helo si cilmiyan oo mowduuci ah oo aan ahayn sida hadda dhacda ee la
caadaystay iyo jawaabo mala-awaal iyo odoros aan jirin ku salaysan,kuna wareegta
jawaabo diyaarsan oo ah hebel baa maqan iyo shirarka ayaa dibadda lagu qabtay
iyo soomaalida la iskuma dayn oo haddii soomaalida la isku daayo xal bay
gaaraysaa ama diintii baa laga tagay ee haloo noqdo iyo jawaabo igagee ah oo aan
cilmiyaysnayn.waxay dhabta in marka su’aashaas jawaabteeda oo waaafi ah oo
cilmiyaysan la helo in xalkii loo dhowaaday oo la gaari karo waayo waxaa iska
cad oo aan muran lahayn in marka baadi la goobayo ay tahay waxa ugu horreeya in
la helo ama la famo marka koowaad baadida la goobayo haybteeda iyo astaanta lagu
garanayo in ay iyadii tahay.
Waxaa soomaalidu aysan wali islafahmin ama aysan garanayn waa maxay soomaaliyada
aynu rabnaa? waase maxay noocadda iyo qaabka aynu u rabno in ay soomaaliya
noqoto? Waa maxay horta nidaamka siyaasadeed ee soomaalidu u baahan tahay ee
naasibaya? Waxaa haddaba soomaalida horyaal oo loo baahan yahay in ay kala
doorato laba nidaam oo xukunka siyaasadeed ama dawladeed leeyahay iyo kan
naasibaya bulshada iyo mujtamaca soomaaliyeed ee ay qaadi karto amaba u
cuntamaya kuna habboon marka la fiiriyo samayskeeda ijtimaaciga ah iyo
qaab-dhismeedkeeda bulsho-siyaasadeed ee ay u samaysan tahay kuna qaabaysan
tahay ummaddu. Waxay labada nidaam ee aan ka hadlayno ay yihiin nidaamka xukunka
dimuquraadiyadda tawaafuqiyeed ama is-waafajineed ee loo yaqaan(consesual
democracy) iyo nidaamka kale ee isna ku dhisan dimuquraadiyadda aqlabiyeed ee
loo yaqaan(majority democracy).
Hadaba nidaamka hore eek u dhisan habka nidaamka is-waafajineed ee muwaafaqo
waxuu xambaarsan yahay oo leeyahay macne iyo falsafad xukun oo ka duwan nidaamka
kale ee loo yaqaan habka dimuquraadiyadda aqlabiyeed oo ku dhisan tartanka furan
kaas nidaamkan tartanka ku dhisan looga dhaqmo oo laga isticmaalo waddamada
dadkoodu ku sifoobay ilbaxnimo sare lehna bisayl wacyi siyaasadeed oo horumarsan
isalamarkaana bulshadoodu iswaafaqsan tahay oo ay aad isku leedahay isna
ogoshahay oo aysan ka dhex jirin khilaaf qotodheer iyo kaladuwanaansho weyn oo
ballaaran sida mujtamaca soomaaliyeed ka jirta oo kale.waxaa nidaamka kale ee
isagu ah kan is-waafajineed ee muwaafaqo uu yahay kan ay ku dhaqmaan oo u
cuntamaya islamarkaana naasibiya waddamada ay bulshadu kala duwan tahay oo leh
bulshooyin iyo beelo kaladuwan ama ha noqoto kaladuwanaansho qabaliyeed ama mid
kooxeed ama mid madhabeed iyo dariiqooyin.
Waxaa si weyn la isugu raacsan yahay ayna qabaan oo ay rumaysan yihiin
qolooyinka ku dooda ama qaba oo taageersan nidaamka dimuquraadiyadda muwaafaqo
ee is-waafajineed in ku dabiqidda iyo ku dayidda ku tijaabinta nidaamka
aqlabiyeed lagu holliyo oo lagu dayo nidaamkaas bulshooyinka kala duwan uusan
keenayn ama horseedayn sida badanaa dhacda ee la arko in la helo dimuquraadityad
aqlabiyeed oo guulaysata balse waxaa natiijadu ay noqotaa oo nidaamkaas iyo
tijaabintiisu ay keenaan uuna horseedaa nidaam kalitalisnimo aqlabiyeed(majority
dictatorship)
Waxaa taas dhiirigaliya oo sahlaya in kalaqaybsanaanta bulsho ee ay bulshadu u
kala qaybsan tahay si qotodheer kooxo iyo beelo kaladuwan u saamaxdaa taasi in
qolada markaa xukunka haysataa ee madaxda ka ahi ay xukunka iyo awoodda sida ay
rabto ugu tagrifasho kuna caburiso inta kale sida soomaaliya ka dhacaysay ilaa
markii dawladnimada la qaatay ilaa maantadaas la joogo oo ay arrimahaas aan soo
sheegnay ay muuqato ayna caddahay in hadba ay qolada xukunka iyo awoodda
haysataa ay inta kale ku maquuniso kuna caburiso oo ay ku cadaadiso. Waxaana
taas wehelisa in qolooyinka iyo reeraha aan xukunka iyo awoodda aaan haysan ay
la soo daristo ayna soo waajahdo in dibadda loo tuuro lana tukhaantukhiyo oo la
yaraysto(marginalised) si joogto ahna loogu tacadiyo lana duudsiyo oo la
maquuniyo.
Waxaa xadgudubkaan iyo ku tacadiga noocan ah ee fooshaxuni uu lid ku yahay uuna
burinaya kana horjeedaa halkudhaggii ahaa xukunka shacabka iyo bulshaweynta
soomaaliyeed iyo in shacabku talada iyo awoodda leeyahay ee la naadinayay
dadkuna lagu maalayay ee la horwaday. Waxuu iyana sidoo kale keenayaa in ay
lunto oo ay meesha ka baxdo degenaanshihii iyo xasiloonidii nidaamka
dimuquraadiyadeed laga filanayay ee uu yeelan lahaa iyo jiritaankii midnimada
waddaniyeed iyo dhuleed ee ummadda iyo qaranka iyo dawladdu ay lahaayeen.
Haddaba nidaamka dimuquraadiyadda tawaafuqiyeed ee is-waafajin ayaa la oran
karaa in uu yahay mid ku sifoobay una dhow oo lagu magacaabi karo ifafaalaha
hoyga iyo dugsiga dimuquraadiyadda kala-guurka ahi ay leedahay ee lagu
tilmaansado.waxaana dhab ah oo jira in nidaamkan is-waafajineed uu leeyahay
astaamo iyo tilmaamo u gaar ah oo uu kaga duwan yahay loogana garto nidaamka
kale ee aqlabiyeed. Waxaana xusid mudan in u guuridda ay xilliga kala-guurka ah
u guurayaan mujtamacyada bulshooyinka kaladuwani ay leedahay guuridaasi sifooyin
iyo tilmaamo gaar ahaaneed oo ay ugu muhiimsan tahay in la helo naamuunad iyo
qiyaas hal-beeg lagu qiyaaso lagulana socdo oo laga ogaado hadba sida ay uga
dhab tahay ama ay u awoodaan uguna guulaystaan bulshooyinka kaladuwani
hirgalinta iyo samaynta iyo ku tallaabsiga isbaddal dimuquraadiyadeed oo dhab ah
oo guulaysta.
Haddaba iyagoo taas ka duulaya waxa ay si taasi u hirgasho oo loogu guulaysto
waxa ay qolooyinka iyo kooxaha dimuquraadiyiinta iswaafajineed rumaysani eek u
tilmaamani looga baahan yahay in ay xoogga saaraan kuna tuuntuunsadaan si
nidaamkaas loo gaaro loogana miradhaliyo in la hubiyo lana helo sifooyinka iyo
astaamaha soo socda ee nidaamkaasi leeyahay laguna yaqaan ee astaanta iyo
tilmaantaba u ah oo ah sidatan:
1)helidda isbahaysi weyn oo federal lagu yahay .waxaa isbahaysiga noocan ah laga
rabaa in uu yahay mid kulminaya oo ka mid yihiin wakiilada qaybaha iyo kooxaha
beelaha waaweyn ee ka kooban yahay ama ah tiirarka asaaska mujtamaca
soomaaliyeed ee ugu tunka weyn marka la yiraahdo juquraafi ahaan iyo siyaasad
iyo cudud ahaanba(geoplotical).waxayna yihiin beelahaas isbahaysiga federalka ah
asaaska u noqonaya beelaha
galgaduud-mudug(SNA),puntland(SSDF),banadir-jawhar(SSA),bay(RRA),gedo(SNF),hiiraan(USC/PM).waxaa
samaynta isbahaysiga federalka noocan ahi ujeedadiisu tahay uuna dhiirigalinayaa
in uu xaqiijiyo isbahaysigani suuranagaliyo gaaridda iyo ka dhabaynta in xukunka
iyo talada uu shacabka iyo beelaha maxaliga ahi ay yeeshaan oo ay qaraarka iyo
taladaba iyagu leeyihiin ayna qayb ka yihiin oo ka tirsan yihiin si dhab ah oo
muuqata oo aan maqaarsaar ahayn sida hadda jirta ee muuqata ee la leeyahay afar
iyo bar baa wax lagu qaybsaday oo maqarsaarka ah waxna aysan beelaha iyo
shacabka faro ugu jirin oo talada wax ku lahayn ee ay daawade ka yihiin.waxaa
iyana sidoo kale taasi sahlaysaa in laga fogaado lagana dheeraado in aysan
dhicin in bannaanka laga dhigo ama loo tuuro lana duleediyo oo la faniiniyo xoog
iyo cudud bee lama koox ka mid ah beelaha waaweyn ee aan soo xusnay oo ay dhacdo
in bannaanka looga saaro xukunka iyo talada dalka oo laga sadbursado.
2)waxaa kale oo shardiga labaad yahay in lahelo nidaamkaas dimuquraadiyadda
tawaafuqeed in la helo madaxbannaani taas macnaheedu yahay in kooxaha iyo
beelaha aan soo xusnay ee waaweyn ay yeeshaan ayna helaan madaxbannaani ay
qoloba ay qolada kale ilaa xad ka madaxbanaan tahay taasi oo suurta galinayasa
in ay qoloba ama ay beeliba ay u gacan banaanaato kuna cabirto masaalixdeeda iyo
danaheeda iyo yididiilooyinkeeda dhabata ah ee ay higsanayso iyadoo aan wax been
abuur ah iyo gacantogaalayn toona aan lagu samayndoonisteeda iyo iraadada
rabitaankeeda dhabta ah isalamarkaana aan sidoo kale aan lagu cadaadin laguna
dirqiyin oo aan lagu kadin culaysna aan lagu saarin in ay la saanqaado oo ku
biirto laguna qoorqabto oo lagu qalqaaliyo in ay ku lugdarsato lana saanqaaddo
oo ay la lugqaaaddo aqlabiyadda la soo maleegayo ee boobsiiska iyo dulkakeenka
ah ee la dhoodhoobayo sida dawlad ku sheegyadii ka soo baxay shirarkii
maqaarsaarka ahaa ee meelaha badan inka badan dhowr iyo tobanka jeer lagu qabtay
oo ay u danbaysay tan embagati.
3)waxaa kale oo la rabaa oo muhiim ah in la helo nidaam doorasho oo nisbiya oo
kootaysan ama qaybeed kaas oo sahalaya oo suuragalinaya in ay fursad u helaan
beelaha waaweyni in wakiiladooda gaarka ah ay ku darsadaan golayaasha hay’adaha
qaran taas oo khilaafsan nidaamka dimuquraadiyadda aqlabiyeed oo isaga qofku ku
biirayo golaha wakiilada qaran uu yahay qofka tirade ugu badan codadka isagu
hela oo aan ahayn kan isagu meesha ku yimaada codadka beeshiisa oo ku matala
cidda tirsatay ee uu wakiilka ka yahay.
4)samaynta iskudheelitirid iyo isilaalin awoodeed oo u dhexeeya beelaha iyo
kooxaha waaweyn taas oo ujeedadu tahay in aysan dhicin in bee lama koox ka mid
ah beeluhu ay istusto isnamoodsiiso oo ay hawaysato ama u hanqaltaagto in ay ku
amarkutaagleyso ayna ku marooqsato kana gacansarrayso oo ay ku amarkutaaglayso
beelaha kale kana awood badsato.waxay iskudheelitirka iyo isilaalinta noocan ahi
ee beeluhu waxay muhiim u tahay iyadoo aysan suurtagal ahayn marnaba in la helo
nidaam siyaasadeed oo fadhiya ama xasiloon haddii aan la helin iskudheelitirkaas
damaanadda u ah isilaalinta iyo dheelila’aanta awoodeed ee beelaha waaweyn
iyadoo marka ay beeli leedahay awood iyo hayb madaxbannaan oo u gooni ah aysan
suurtagal ahayn in ay la mid noqoto ama ay la sinnaato beel iyo koox kale oo
iyadu cillaal iyo dulsaar ku ah meel kale oo aan haysan damaannada madaxbannaani
awoodeed iyo haybeed oo gaar u ah oo ay isku hallayn karto sida tusaalaha
puntland oo kale ay haysato ee ay leedahay madaxbanaanidaas u gaarka ah ee ay ku
naaloonayso ee dammaanadda u ah.waxaana taas awgeed aan marna laga fili karayn
in beelaha iyo kooxaha aan haysa madaxbannaanidaas iyo damaanadaas haybeed iyo
awoodeed ee gaarka ah ay marna ku qancaan ayna liqaan in ay si daacad oo dhab ah
ay ugu biiraan una galaan ama ay uga mid noqdaan nidaam dhexe oo ay cillaal ku
yihiin oo maqaarsaar ah oo aysan beelahaasi lahayn awood iyo hayb siman oo isku
dheelitiranisna ilaalinaysa oo damaanad u ah iskiina u taagan sida kan nidaamka
hadda ka dhisan puntland oo kale
5)samaynta awood iyo hayb baadisooc astaysan oo gaar ah oo ay beel waliba oo ka
mid ah beelaha waaweyn ee aan soo tilmaanay ay yeelato hayb iyo awood isle’eg oo
siman oo dheeliotiran(relative power and status),taas oo beelahani ay
yeelanayaan magic iyo hayb aqoonsi bulsheed oo waddani ah iyo awood maamul oo
siyaasadeed oo u gaar ah sida tusaalaha noocaas ah ee ka jira puntland ooo kale
oo leh hayb iyo awood siyaasadeed iyo madaxweyne iyo xukun oo iskiis u taagan.
6)samaynta kaladuwanaansho iyo baadisoocyo waaadax ah oo cad oo ay beeluha
waaweyni kalayeeshaan oo aan la isku qaldamin taas oo ujeedau tahay in ay u
suurtagaliso beelahaas waaweyn jihaynta iyo qaabaynta baahiyahooda iyo
cabashadooda iyo arrimahooda ay danaynayaan iyo yididiiloooyinkooda ay
higsanayaan iyo doorashada iyo yagleelidda nidaamkooda siyaasadeed iyo maamul ee
ay jecel yihiin ama ay danaynayaan oo ay tahay in aan madmadow iyo hoosaasin iyo
iskuqas iyo tuhun iyo kalashaki toona uusan yeelan oo aan qolona taas dareemin
ama tuhun iyo madmadow ka galin amaba aan la gacantogaalayn balse iyada la isku
daayo fursadna la siiyo oo aan la qulbin laga dhabqin.
Haddaba ilaa arrimahaas aan soo tilmaanay ee kor ku qodobaysan la helo lana
suurtagaliyo oo la gaaro nidaam dimuquraadiyad muwaafaqeed oo habka xilliga
kala-guurka ah ku salaysan kana tarjumaya marxaladaas ayaysan suurtagal ahayn
ayan adag tahay in la helo xal iyo nidaam
mahad herse
mahherse@talktalk.net