SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Gargaarka ee ARS asmara

Warsaxaafadeed maanta ka soo baxay xafiiska samafalka ee Isahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dalka Soomaaliya ay ka jirto abaaro baahsan oo saameyn balaaran ku yeeshay nolosha dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada dalka.

War-saxaafadeedkan ayaa lagu xusay in shacabka Soomaaliyeed oo horeba ula il darnaa colaad sabatay xasuuq, barakac, xabsi dhac iyo boob ayaa xilligan waxaa ku habaday abaar ba’an oo baad iyo biyo la’aanta dalka ka jirta awgeed waxay galaafatay nolosha dadka maatida ah sidoo kale waxa la’day xoolo u badan geesley.

Xaaladda abaarta waxa sii xumeeyay ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkan ammaan la’aanta baahsan ee dalka ka jirtataasoo uu sababay gumeysiga dalka qabsaday, waxayna saameyn balaarani ku yeelatay bad iyo beriba iyadoo ay xoogeysatay burca-badeedii xilli ay xeebaha Soomaaliya dhooban yihiinmaraakiib shisheeye oo sheeganeysa inay nabadda geyiga sugayaan.

War-saxaafadeedkan ayaa waxa kale uu ku baaqayaa in laga hor tago wax kasta oo sicir barar ku keeni kara bulshada Soomaaliyeed ee la liidata nafaqo darida, oonka iyo cudurrada sida shuban-biyoodka ku faafay goobaha ay ku sugan yihiin dadka maatida ah ee uu cadowgu soo barakiciyay.

Waxa kale oo uu bulshada Soomaaliyeed ee wax haysata uu ugu baaqayaa inay taageeraan gar-gaarna u fidiyaan walaalahooda ku dhibaataysan gudaha dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii war-saxaafadeedkan ku soo baxay xafiiska samafalka ee Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya wuxuu ka codsaday hay’adaha samafalka kuwa goboleed iyo kuwa dowliga ahba inay gar-gaar aadannimo la soo gaaraan maatida Soomaaliyeed ee ay waxyeeladu ka soo gaartay abaaraha baahsan ee ka jira gobolo badan oo dalka ka mid ah, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkan. 

xafiiska Gargaarka ee ARS asmara

Faafin: SomaliTalk.com |  August 28, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS