SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warbixin ka soo baxdey xafiiska Midwest Consulting Solutions ee cariga Waqooyiga Ameerika

Maalinamadii Axada 24-ka Agoosto, 2008 ayaa waxaa ka dhacay shir xarunta hay’ada Midwest Consulting Solutions ee magaalada Minneapolis, Gobalka Minnesota. Shirkan ayaa ka soo qeyb galay aqoonyahano Soomaali ah, qeybo ka mid ah mas’uuliyiinta Gobalka Minnesota, (waa halka Soomaalida qurba joogta ah u badan yihiin) iyo khubaro cilmi baaris ah oo ka kala socdey Jaamacada kala duwan oo daneynayey arimaha degaanada Puntland ee Soomaaliya. Shirkan waxaa soo agaasimay mas’uulka hay’ada Midwest Consulting Solutions, waxaana shirka lagu lafa gurayey kheyraadka dabiiciga ah ee Puntland dhex ceegaaga, nidaamka dawlad wanaaga iyo ilaalinta xuquqda insaanka.  


Madaxa Xafiiska Midwest Consulting Solutions
Mudane, Cismaan Yuusuf Maxamuud

Mas’uulka Hayada MCS ee Mudane, Cismaan Yuusuf Maxamuud ayaa warbixin dheer laga dhageystey ku saabsanaa arrimaha Puntland. Mas’uulka ayaa ku dheeraadey in hanaanka maamul wanaaga Puntland uu aad u dabacsan yahay, isaga oo cilada maamul xumo dusha uga tuuray xirafad yarida hawl wadeenada dawlada iyo golaha xukuumada oo aan tayo dhaqaale ama wax soo saar taabagal leh aan muujinin.  

Khabiir cilmiga xuquuqda insaanka ayaa ku tilmaamay caburinta saxaafada Puntland in ay tahay gabood fal fekerka iyo horumarka shacabka Puntland. Waxaana uu ku macneeyey falalkan caburinta saxaafada kuwa dib u socod ah oo lid ku ah horseedka bulshada. 

Sidoo kale, waxaa hay’ada ay soo bandhigtey qaabka ugu wacan ee hanaan doorasho loo geli karo, iyada oo aan xadgudub nabbad gelyo xumo dhicin. Mas’uulka hay’ada MCS ayaa soo dhaweeyey heshiisyada horumarineed ee DGPL, wallow xilli dorasho kaabada loo saran yahay. Shirkan oo ay hay’ada caalami ah ay daneynayeen iyo saaxafado gaar ah oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa ku tibaaxey in isbadalada dimoqoraadiyadeed ee Geeska Afrika ay wanaag badan oo dhaxal gal soo wadaan.  

Ugu dambeyntii, ayaa saadaalin iyo xog is dhaafsi ka dhiibteen aqoonyahanadii Soomaalida, iyaga oo aad u soo dhaweeyey loolanka jagada madaxweynanimada DGPL u tartamayo mudane, Candiraxmaan Maxamed “Farole”, kaas oo lagu tilmaamay hogaamiye hal abuur leh, lehna xirfad dawladeed oo hanaan balaaran xambaarsan. Iyada oo loo qirey in uu yahay nin horumarineed, lana jaan qaadi kara isbadalada taagan ee degaanka Puntland, taas oo u saamaxeysa baa la yiri: “waaya’aragnimo dheeraad ah oo uu leeyahay aasaaskii DGPL iyo baahida taagan ee bulshada”. 

Fadhigan waxa uu ahaa kii ugu horeeyey ee daraasad Jaamacadeed, iyo mid hay’adeed isku weydaarsadeen oo looga hadlayo aayaha Puntland ee nidaamka doorashooyinka xorta ah, si loo higsado hanaan quman oo dhaxal gal leh. 

omahamoud@gmail.com
 
 

Faafin: SomaliTalk.com |  August 28, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS