SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ardayda Somaliyeed ee wadanka Bangladesh iyo bandhig dhaqameed

Ardayda somaliyeed ee wadanka Bangladesh ayaa bandhig dhaqameed ku soo bandhigay  isla wadankaan,  gaar ahaan hoolka  auditorium (aawditooriyoomka)   jaamacadda Islamic university of technology (IUT), oo hoostagta ururka islaamka (OIC) halkaasi oo ay kajirtay soo bandhig dhaqameeda kala duwan ee ardayda halkaasi wada joogtaa oo ka kooban ilaa  15  wadan, ardayda soomaaliyeed ayey u aheyd  markii ugu horeeysay ay ka qeeybgalaan barnaamijkaas (CULTURAL NIGHT),

ardayda somaliyeed waxaa ay ka qeeybqaaten bandhig ay soo bandhigeen ardayda kasoo jeeda qaaradda afrika iyo ururka carabta, taasi oo aheyd dhaqamada kala duwan ay leeyahiin dayowga afrika iyo kuwa carabahaba. oo ay kala qeeyqaateen ardayda somalida ah.   

    ardayda somaliyeed  waxaa ay si gaar ah  usoo bandhigeen taariiqda iyo dhaqanka somalida ay leedahay, waxaa ugu horeyntii mekaroofanka lagu soo dhaweeyay koox arday soomaaliyeed ah oo halkaasi ka qaaday heesta calanka somaaliyeed oo aad u qiira galisay dadweeynahii iyo ardayda soomaaliyeed ee ka fogaaday dalkoodi hooyo,  sidoo kale waxaa halkaasi lagu soo bandhigay taariiqda somaliya oo maqal iyo muuqaal ah taasi oo ka tarjumeesay dhaqanka soomaalida iyo waxyaabaha dalka uu qaniga ku yahay sida xoolaha,beeraha,dhaqanka iyo cuntooyinka kala duwan ee dalka laga isticmaalo,  dadweeynahii iyo ardaydii halkaasi isugu yimid ayaa u riyaaqay waxyaabahii halkaasi lagu soo bandhigay iyagoo sacab marwalba loo tumayay markii ay daawanayeen videoga ka hadlayay dhaqanka iyo wax soo saarka uu leeyahay dalweeynaha somaliya,

sidoo kale waxaan halkaasi ka maqneeyn kooxda hiddaha iyo dhaqanka oo halkaasi kusoo bandhigay  mahrajaan  ama bandhig faneed aad u qiira galiyay dadweeynihii goobta isugu yimid, taasi oo ay soo diyaariyeen isla ardayda somaliyeed oo si aad isugu hoowlay in ay soo bandhigaan cayaaraha ay hiddaha iyo dhaqanka uleeyahiin. 

U gadanbaytii barnaamijkaa CULTURAL NIGHT ayaa kusoo gabagaboobay jawi degan oo farxad iyo damaashaad kujirtaa.

     W/Q: Qadar Hassan Salad

          E-mail:qadar335@hotmail.com

           Dhaka-Bangladesh

 

Faafin: SomaliTalk.com |  August 26, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS