Barnaamijkii Radio Xoriyo
26 August 2008.
Dagaallo lagu naafeeyay ciidammada
gumaysiga
Dhibaatooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha
Soomaaliya: Dadka taakulada u baahan oo
kordhay
Jaaliyada Ogadenya ee Denmark oo xustey
sanadguuradii 24aad ee aas-aaskii jwxo.
Taariikh halgameedkii Ogadenya(wslf
&jwxo).
Goos Goos ku saabsan Ogadenya.
======================
Dagaallo lagu naafeeyay ciidammada
gumaysiga
Labadii toddobaad ee u denbeeyay dagaallo
dhawr ah oo dhex-maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya, waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay ugu yaraan 74 askari, waxaa sidoo kale
lagaga dhaawacay 89 askari, sidaas waxaa noo soo tabiyay wariyaha nooga
soo warrama dalka Ogaadeenya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidata;
23/08/08 ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku
sugnaa Bukudhabo weerar lagu qaaday waxaa lagaga dilay 7 askari, 10
kalana waa lagaga dhaawacay.
22/08/08 Habaas-wayne, oo Awaare ka tirsan,
weerar loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay waxaa lagaga dilay 1
askari, 3 kalana waa lagaga dilay.
Sidoo kale 22/08/08 dagaal ka dhacay
Galaroobe, oo degmada Dhuxun ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga
lagaga dilay 12 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.
21/08/08 dagaal isku-dhac ah oo dhex-maray
ciidammada gumaysiga iyo shacbiga ku dhaqan deegaanka Harta-sheekh,
waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 10 kalana waa lagaga
dhaawacay. Waxaa sidoo kale shacabka ka dhintay 3 qof.
20/08/08 dagaal ka dhacay Bubi, oo
Qabridaharre ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 5
askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
19/08/08 dagaal ka dhacay duleedka Qorile,
oo Dannood ka tirsan, waxaa gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 2 kalana
waa lagaga dhaawacay.
18/08/08 dagaala isaguna ka dhacay
Dooya-dheer, oo Dhuxun ka tirsan, waxaa gumaysiga lagaga dilay 10
askari, 8 kalana waa lagaga dhaawacay.
Isla 18/08/08 ciidammo labaatan ah oo ka
soo goostay kuwa gumaysiga ee fadhigoodu yahay Jeexdin ayaa ciidammo
kale dhexda ku gaadheen, waxaana dhex-maray dagaal adag, iyadoo ay ku
kala dhinteen 10 askari, 15 kalana ay ku kala dhaawacmeen.
17/08/08 Maraacaato, oo Qabridaharre ka
tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 13
askari, 15 kalana waa lagaga dhaawacay.
15/08/08 dagaal ka dhacay Wabi-yar, waxaa
gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
13/08/08 dagaal ka dhacay Dhanqa, oo Fiiq
ka tirsan, waxaa gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 2 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Isla 13/08/08 dagaal ka dhacay Ceebla-cad,
oo Sagag ka tirsan, waxaa gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 1 kalana waa
lagaga dhaawacay.
Dhibaatooyin gumaysigu u gaystay
dadwaynaha
Ciidammada gumaysiga ayaa dhibaatooyin kala
duwan u gaystay dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya. Dhibaatooyinkaasi
waxay u dheceen sidatan;
Gabadh ay ciidammada gumaysigu ku kufsadeen
magaalada Dhuxun 10/08/08 oo lagu magacaabi jiray Ruqiya Bashiir Aaden,
taasoo aan warkayagii hore idiinku sheegnay ayaa u geeriyootay dhaawicii
ka soo gaadhay dhibaatada ay ciidammada gumaysigu u gaysteen.
24/08/08 Bukudhabo, oo Awaare ka tirsan,
waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Khaliif Cilmi
Jiil
2- C/llaahi
Cirroole Salaan iyo
3- Xuseen Maxmuud
22/08/08 Galaroobe, oo Dhuxun ka tirsan,
waxay ciidammada gumaysigu 9 Neef oo Adhi ah kaga qasheen nin shacab ah
oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Nasiye.
21/08/08 Sagag waxay ciidammada gumaysigu
ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Axmed
Cabdi-Samad
2- Ardo Cabdi
Gadhle
3- Sha Muuse oo
magaciisa oo buuxa aanaan haynin
4- C/Wali Siraad
iyo
5- Sh Mukhtaar oo
magaciisa oo buuxa aanaan haynin
Sidoo kale 21/08/08 meesha lagu magacaabo
Baali Xaram, oo Fiiq ka tirsan, waxay ciidammo gumaysigu Adhyo kaga
dhaceen dad shacab ah, waxayna kala yihiin;
1- Maxamed
C/llaahi Feetin oo ay 7 Adhi ah ka dhaceen iyo
2- Ilma Carte oo
ay iyagana 15 Neef oo Adhi ah ka dhaceen.
15/08/08 Gala-dhuurre, oo Dhuxun ka tirsan,
waxay ciidammada gumaysigu jidhdil baʼan ugu gaysteen, ka dibna
xidhxidheen dadka kala ah;
1- Ardo
Cabdi-dhuub
2- Maryama Maxamed
Xasan iyo
3- Maxamed Xasan
Dhinaca kale shir maamul ku sheegga Kililka
iyo Baarlamaan ku sheegga uga billowday magaalada Jigjiga 21/08/08 ayaa
wali socda. Wararka ka soo baxayana waxay sheegayaan in ilaa iyo hadda 9
xubnood laga qaaday xilal heer degmo ah oo ay hayeen. Waxayna kala
yihiin 5 xubnood oo Fiiq ah, 2 xubnood oo Dhagaxbuur ah iyo 2 xubnood oo
Qabridaharre, waxaana wali socota is-eedayntii ay calooshood
u-shaqaystayaashu isu jeedinayeen, iyadoo la filayo in xubno badan oo
kale iyagana lagala noqon doono xilalkii ay ku magacownaayeen.
Soomaaliya: Dadka taakulada u baahan oo
kordhay
Dadka gargaarka degdegga ah u baahan ee
Soomaaliya ku dhaqan ayaa sannadkan gudihiisa 77% kor u kacay, iyadoo
tirada dadka taakulada degdegga ah u baahan ay dhan yihiin 3.2 milyan oo
qof, sidaas waxaa muujisay warbixin cusub oo la soo saaray.
Warbixintan ayaa sheegtay in dhibaatadan ay
saldhig u yihiin arrimo dhawr ah oo is-biirsaday, kuwaasoo kala ah roob
la'aan, sicir barar, qiima dhaca lacagaha iyo xoolaha iyo ammaan xumada
tan iyo billowgii sagaashanaadka ka jirtay gobolka Geeska Afrika.
Dhinaca Ogaadeenya ayaa dhibaato middan la
mid ahi ka jirtaa, iyadoo gobollada Ogaadeenya oo dhan ay ka jiraan
Abaaro naafeeyay dad iyo duunyaba, biya laʼaan iyo xayiraad ay
ciidammada gumaysigu ku hayaan dadwaynaha iyo ururrada samafalka ah ee
isku daya inay dadkaas u soo gurmadaan.
26
August 2008
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu
yahay 7560 KHZ,iyo internetka
Radioxoriyo.com,Ogaden.com
Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari