SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

SHIR AAD U BALAARAN OO ISUGU YIMAADEEN MAS`UULIYIINTA IYO WAXGARAD OO KA DHACAY MAGAALADA MINNEAPOLIS EE USA.

Shir aad u balaaran oo ey ka soo qeyb galeen Soomaali fara badan ayaa (Aug 17, 2008) waxa uu ka dhacay Magaalada Minneapolis ee cariga Mareykanka. Shirkan waxaa ka soo qeyb galay Gudoomiyaha Maamulka Ximan iyo Xeeb oo safar ku jooga Magalada Minneapolis Maxamed Cabdullahi Aadan (Tiiceey) iyo afhayeenka Maamulka Maxamed Cumar Jamac ( Xagafey) iyo Mas’uuliyiin kale.

 
 
Mudane Jaamac oo kamid ah abaabulayaasha shirka ayaa si farxad leh ku soo dhaweeyey Mas’uuliyiinta Maamulka Ximan iyo Xeeb ee martida ku ah State-ka Minnesota. Wuxuu Mr jaamac ku dhiira galiyey marti sharaftii halkaa timid isagoo leh waxaan idinla garab taaganahey waxqabad iyo talo. Wuxuu kaloo sheegay iney diyaar u yihiin kaalinta kaga aadan horumarinta & xoojinta dadka, deeganka & maamulka ximan iyo xeeb.

Gudoomiyaha maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Abdullahi Aadan (Tiiceey) oo shirka ka hadlay ayaa si fiican ugu nuux nuuxsaday waxyaabaha kalifay in dhidibada loo aas aaso maamulkan cusub ee Ximan & Xeeb. Gudoomiyaha ayaa sabab uga dhigay dhismaha maamulkan baahida balaaran ee Soomaalidu u qabto soo celinta dhaqankii aasaasiga ahaa ee ku dhisnaa ismaamulka & kala danbeynta beesha. Wuxuu ku adkeystay iney muhiim tahey in qaabdhaqankii hore ee nabadooneynta & xeer Soomaaliga la casriyeeyo & in qabiilku is xakumo iyadoon laga hadalin xuduud. Arintaa ayaa keeni karta in qabaailada Soomaaliyeed ku kala nabad galaan iyo iney si sahlan u furaan wada xaajoodaaa kalsooni & is aamin ku saleysan.

Mudane Tiicey ayaa ku soo cel clayey inay muhiim tahey in la garto in maamulkiisu yahay mid beeleed ee uusan ahayn mid deegaan ama goboleed. Mudane Tiiceey ayaa sheegay in aysan diyaar u aheyn iney kala qaybiyaan Soomaaliya oo ay dhowrayaan midnimada & qaranimada Soomaaliyeed. Gudoomiye Tiiceey ayaa intaa raaciyey in maamulkiisa lagu dhisay, kuna shaqeeyo Shareecada islaamka. Isagoo ka hadlaya xiriirka beelaha kale ee Soomaaliyeed ayuu mudane Tiiceey yiri maamulkeygu wuxuu xooga saarayaa dhowrista daris wanaaga & wadanoolaashaha dhamaan beelaha Soomaaliyeed ee aynu walaalaha nahay.

Ugu danbeyn, Mudane Tiicey wuxuu ku dheeraaday ka hadalka waxqabadka Maamulkiisa isagoo sheegay in ey ka bilaabeen meel eber ah. Gudoomiyaha ayaa si qaas ah uga hadley waxbarashada iyo caafimaadka oo ay wax muuqda ka qabteen. Wuxuu halkaa ku soo bandhigay masawiro & filimaan muujineyey horumar laga gaarey labadaa dhinac ee waxbarasha & caafimaadka.

Isagoo ka hadlaya qorsha mustaqbalka, gudoomiye Tiiceey wuxuu yiri waxaa jecelanahey inaan sahalno isu socodka bulshoweynta Soomaaliyeed oo aan dhisno wadooyin muhiim u ah is dhax marka & ganacsiga Soomaaliyeed. Gudoomiya ayaa hadalkisii ku qatimey mahadnaq uu u jeediyey abaabulayaashii & ka soo qaybgalayaashii shirka isagoo ku booriyey iney labo labaan dadaalkooda oo ay dadkoodii & dalkoodii waxtar joogta la garab taagnaadaan.

 
 

Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Jamac (Xagafey) oo isna ka hadley shirka ayaa sii faah faahiyey qaabka uu u shaqeynayo maamulka ximan iyo xeeb iyo sida ey u dhiseen maamulkan. Afhayeenka ayaa sidoo kale waxaa uu si qaas ah diirada u saaray waxqabadka maamulka intii uu jiray. Afhayeenku wuxuu carabka ku adkeeyey sida ey ugu gurmadeen dadkii dhibaateysnaa ee ay abaaruhu wax yeeleeyeen bilihii tagey ee March & April. Afhayeenka ayaa aad u amaaney qaabkii ey u dhaqan galiyeen gar gaarkii cunna qeybiska & aroorka. Barnaamijkan ayuu sheegay in ay ku badbaadiyeen dadyow kor u dhaafaya kumanaan & xoolo aan la koobi karin.

 

Mas’uuliyiintii kale ee ka hadashay shirka ayaa waxaa ka mid ahaa Col. Yusuf Hassan Warsame oo isugu ku bogaadiyey marti sharafta iyo dhamaan inta isku hooshay dhismaha & horumarinta maamulka Ximan & Xeeb karti & naftii horenimo. Col. Yusuf ayaa u rajeyey maamulka inuu noqdo mid loo aayo oo ey ku wada daydaan dhamaan walaalaha soomaaliyeed laguna soo afjaro colaada ragaadisay ummada Islaamka ah ee Soomaaliyeed.

Gabagabadii shirka waxaa Gabay iyo hadal xamaasad leh ka soo jeediyey Nabadoon Abdulle Guutaale. 
 

Abdullahi Husein Abdi “Macruuf”
Macruuf77@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 18, 2008

Jaalliyadda Puntland ee gobolka Minnesota oo Shir la yeeshay Musharaxa Madaxweyne Eng. Faataxo Akhri Aug 17

BAARID | SEARCH


WAREYSI: Professor Axmed Ismaaciil Samatar
“Itoobiya naguma soo duusheen haddaanu leennahay madax iyo dowlad dhab ah” Akhri

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS