- Mid ka mid ah Isbahaysigii la dagaalanka Argagixisada
lagu diley Muqdisho
- Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo Cambaareysay Xasuuqii
ay gaysteen Ciidamada Itoobiya
- Carqalad soo wajahday wejigii labaad ee shirka
Jabuuti
Mid ka mid ah Isbahaysigii la dagaalanka Argagixisada lagu
diley Muqdisho
Waxaa lagu
diley Magaalada Muqdisho mid ka mid ah aasaasayaashii
Isbahaysiga la magacbaxay (la dagaalanka Argagixisada) oo lagu
magacaabo Ciise Cismaan Cali kadib markii isagoo ku jira Baar
lagu magacaabo Mount Sinai ay ugu soo galeen afar nin oo ku
hubeysan Bistoolado kuwaas oo halkaasi ku Diley Ciise Cismaan,
waxaana la sheegay in uu halkaasi ku geeriyooday mid ka mid ah
ilaaladiisii.
Ciise oo
loola cararay Isbitaal isagoo dhaawac ah ayaa ku geeriyoodey
isbitaalka waxaana ayaa uu ka dhacay falkaasi waxaa soo
buuxiyey ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaas oo
halkaasi ka bilaabay Baaritaan, hase yeeshee ciidamadaasi waxba
halkaasi kama aysan qaban, waxaana la sheegay in Ciise uu markii
dambe uu ahaa Ganacsade hase yeeshee warar ayaa sheegayeye in uu
shaqeynayey maamulka Gobolka Banaadir, kal hore ayay markii
isagoo ku sugan gurigiisa Bam lagu tuuray uu ku dhaawacmay
Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo isna ka mid ahaa Isbahaysigii
la dagaalanka Argagixisada, waxaana Bootaan loo qaaday dalka
dibaddiisa.
Ilaa iyo
haatan cid sheegatay ma jirto dilka loo gaystay Ciise , hase
yeeshee waxa uu ka mid ah noqday ugaarsiga lagu hayo dadka la
shaqeeya Dowladda Federaalka.
Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo Cambaareysay Xasuuqii ay
gaysteen Ciidamada Itoobiya
Xarunta Ismaaciil Jimcaale ee Xaquuqda aadanaha ayaa
cambaareyn kulul dusha uga tuurtay qaar ka mid ah Ciidamada
Itoobiya falal arxan daro ah ku gumaaday 15/08/2008 dad rayid ah
oo ku safrayey wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, kuwaas oo
ay tiradoodu gaareysay 48 qofood oo aan waxba galabsan, sidoo
kale waxay qaar ka tirsan ciidamada Itoobiya ee saladhiga ka
dhigtay wadada Makka-Almukarama ay halkaasi falal dil fool xun
ugu gaysteen ilaa iyo shan qofood, waxaa kale oo sii dheer in 5
qof oo kale oo mid dhaawac uu ahaa ay Ciidamada Itoobiya Gaari
kala degeen kadibna ay toogteen.
Isku gaynta dadka ay ciidamada Itoobiya dileen inta u
dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa gaareysa 74 qofood, iyadoo
weliba ay jiri karaan qaar kale oo dhaawicii soo gaaray u
geeriyooday, falalkaasi oo ah kuwo xad-gudub ku ah Shareecadda
Islaamka, Xeerka dhaqanka Soomaalida iyo Qawaaniinta Caalamiga
ah ee la isla wada aqoonsan yahay oo uu xaq qofka bini’aadamka
ah u leeyahay in uu ku noolaado nabad iyo xoriyo, haddana waxaa
xarunta walwal iyo walaac ku haya falalka lagu sii barakicinayo
dadkii horey ugu barakacay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye,
waxayna ka dalbaneysaa madaxda Ciidamada Itoobiya in ay
xakameeyaan ciidamadooda si looga hor tago dilalka arxan darada
ah, waxay kaloo hay’addu ugu baaqeysaa Dowladda Federaalka in ay
indhaha ku hayaan falalka arxan darada ah ee Ciidamada Itoolbiya
ka gaysanayaan gudaha dalka Soomaaliya, waxaana qoraalkaan ku
saxiixnaa Dr. Cabdi Weheliye Siyaad oo ah kusimaha gudoonka
Xarunta Ismaaciil Jimcaale ee xaquuqda Aadanaha.
Carqalad soo wajahday wejigii labaad ee shirka Jabuuti
Wararka naga soo gaaraya dalka Jabuuti waxay sheegayaan in
maalintii shalay ahayd shirkii Jabuuti ee loo madlansanaa mar
kale in ay soo wajahday carqalad kadib markii ay shirka soo
xaadireen rag aan horey Liisk ugu jirin oo ka socday dhinaca
Dowladda.
Carqaladeyntaan ayaa ka timid guddiga Siyaasadda, hase
yeeshee guddigii ammaanka ee labada dhinac si wanaagsan ayay
hawshooda u watee, hase yeeshee mas’uuliyiin ka socotay Dowladda
Jabuuti ayaa mar kale soo kala dhex galay kuna guuleystay in dib
la isugu soo laabto shirkii hase yeeshee xubno ka tirsan
Isbahaysiga dib u xoreynta garabka Jabuuti ayaan iyagu ku
qanacsaneen in xubnaha lagu soo daro rag ay sheekeen in ay
dambiyo dagaal ka galeen Soomaaliya.
Afhayeen u hadlay garabka Isbahaysiga Asmara ayaa waxa uu
sheegay in Shirka ka socda Jabuuti uu yahay shir la doonayo in
Itoobiya lagu sii taageero in ay sii joogto Soomaaliya, sidoo
kale waxay sheegeen in Shirkaasi ay ka qaybgalayaan raggii
xasuuqay islama markaana barakiciyey Malaayiin Soomaali ah,
“waxay ahayd in raggaasi loo diyaariyi Maxkamad, waxaase
ayaandaro ah in Dad Soomaaliyeed hor fariistaan dadkaasi oo weli
xasuuqa Ummadda Soomaaliyeed” ayay yiraahdeen Xubnaha Asmara.
W/D Amiin
Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com