SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warsaxaafadeed Ku Saabsabsan Shirka Jabuuti oo uu soo saaray Isbahaysiga Asmara.

 Ciidamada Itoobiya markii ay ku fashilantay inay gumaystaan shacabka Soomaaliyeed kaas oo ay ka hor istaageen mujaahidiinta Soomaaliyeed oo u huray naftooda iyo maalkooda ayay aduunka si ay ku badbaadiyaan waxay doonayaan inay ku badbaadiyaan heshiis beenaadka Jabuuti.

Hadaba dadka Soomaaliyeed ma u yahay faa'iido mise maya heshiiska Jabuuti micnaha dhabta waa maya taas ooy cadahay inay dowlada Ethiopia ayada laf ahaanteeda raali ka ahayn heshiis ku sheega.

1-Waxaa wada cad in bilowgii heshiiskaan lagu laayay masaajidka culimadii Soomaaliyeed waliba ayadoo la qalay.

 2-Waxaa kale oo la socotaan in markii labaad oo heshiisku dhacayayna asna lagu laayay walaalo badan oo Soomaaliyeed magaalooyinka Guriceel iyo Baledwayne.

3-Waxaa kale oo hadana aragtaan in shalay markuu furmayay heshiiska jabuuti ilaa manta lagu xasuuqay magaalada Muqdisho iyo agagaaraheeda dad ka badan 100 ruux.

Marka koowaad waxaan uga tacsiyaynaynaa dadka Soomaaliyeed mar labaad dhibaatooyinkaan uu ku hayo cadowga Soomaaliyeed iyo kuwa u shaqeeya .

Waxaan kale oon dadka u cadaynaynaa in kuwa jooga jabuuti ee sheeganaya tfg da iyo xabashidoodaba aysan marna ka rabin Soomaaliya wax nabad ah nooc walba ooy tahay.

Waxaan u cadaynaynaa kuwa ka tagay Isbahaysiga oo jooga ayana jabuuti inay yihiin dad la qalday balse xaqiiqda ay ka fog tahay in manta kuwii shalay iyo maantaba  ku dilaaya, ku  dhacaya, ku gadanaya, oo ku xasuuqaya ay tahay inay kuu wadaan nabad oo aad aragtaan manta kuwoodii ugu waawaynaa oo Soomaalida dhibka u gaystay inay maanta jabuuti fadhiyaan.

Marka anaga waxaan cadaynaynaa inaanan nabad diideen nabadana rabno balse aan ognahay inaysan ahayn midaan nabadii Soomaali u baahnayd dad badan oo manta naga tagayna aad arki doontaan hadii Alle idmo ayagoo bari soo noqda.

Waxaan kale oon cadaynaynaa in heshiiska Jabuuti uu yahay waqti dhumis lagu samaynayo shacabka Soomaaliyeed oo dhibaataysan.

 Xaafiiska Warfaafinta Isbahaysiga Dib U Xoreynta Soomaaliyeed

Asmara, 17,08,2008

Faafin: SomaliTalk.com |  August 17, 2008

 

BAARID | SEARCH


WAREYSI: Professor Axmed Ismaaciil Samatar
“Itoobiya naguma soo duusheen haddaanu leennahay madax iyo dowlad dhab ah” Akhri

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS