SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dhahar oo tiri wixii hore quba -Soo dhoweyntii Gen. Cabdullhi A. Jaamac (Ilkajiir)

Halkan ka Daawo Sawirada

Dhahar: 08/14/2008 - Waxaa soo gaaray Degmada Dhahar Mudane Musharax Cabdulaahi Axmed Jaamac (Ilka jiir) isagoo ku yimid degmada socdaal uu ku kormeeraayo degmadooyinka gobolka sanaag Dadwayne aad u badan ayaa soo dhoweyey musharaxa iyadoo soo dhowaynta ay ka soo bilaabatay ilaa 40 km dhinaca bari ee magaalada ee ayaa waxaa la dhigay ciidan gaaraya 500 dhamaan wadooyinka Alxamdulah iyo Sheerbi ilaa iyo Degmada Dhahar.


Halkan ka Daawo Sawirada

Waxaa soo dhoweeyey musharaxa dadwayne aad u balaaran oo uu horkacayeen Gudiga ilaalinta degaanka iyo waliba waxgaradka culumada cugaasha isimada iyo waliba dhamaan dadwayanaha degmada dhahar ku waas oo ku soo dhoweeyey caleemo qoyan iyo waliba halku dhigyo sawiro iyo waliba borar muujinaya xamaasada degmada dhahar walaw laxiray goobaha ganacsiga waxbarashada iyo waliba dhamaan qaybaha adeega bulshada ee degmada.

Sidoo kale soo dhowaynta waxaa ka qaybqaatay ururada bulshada sida uurka danad iyo waliba sports- ka iyo waliba dad aad ubadan iyadoo maalinimada bari ahna la filayo in uu janaralku uu khudbad ka horjeediyo shacabka ku dhaqan degmada dhahar iyo waliba gudiga ilaalinta degaanka si khas ahaan ah

Maxamed Axmed Ciise + Jaamac Fayte+ Siciid Bahwal


Warbixin- Sidee baa General Cabdulahi Axmed Jamac[Ilka Jiir] looga soo dhoweeyey Dhahar

Dhahar:- Musharaxa Madaxweynaha soo socda ee Puntland General Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilka Jiir ayaa maanta duhurkii soo gaarey Degmada Dhahar ee gobolka Sanaag iyadoo Generalka loogu soo dhoweyey si madax weynino isla markaana damaashaad iyo dabaal deg loogu soo dhoweyey.

Ciidamo tiro badan iyo Fardihii Sunaariga ayaa waxay Generalka iyo wefdigiisii kaga hortageen Laamiga iyo tuulada Alxamdulilah dabeedna ay ciidamadii halkaa Salaan ku siiyeen soona gelbiyeen.

Jaamac Ayaanle iyo Maxamed Ciise oo ka mid ah Saxafiyiinta Madaxa banaan ee Dhahar iyo LaasqorayNET oo wehiliya Wefdiga goor aanu la xiriirney oo aanu weydiiney qaabka ay wax u dhaceen ayaa noo sheegey inuusan hore u arag soo dhoweyn sidan oo kale ah iyadoo uu sheegay in Magaaladu ay dhamaanteed isu soo baxdey.

Ciid Ducaale [Wiilkii Col Ducaale] oo gacan qaadaya Generalka

Sidoo kale wariyaal kale oo ku sugan Magaalada Dhahar ayaa noo xaqiijiyey Generalka iyo wefdigiisa lagu soo dhoweeyey caleemo qoyan iyo calankii Jamhuuriyada Somalia. 

Cutubyo ka tirsan Ciidanka La dagaalanka Xaalufinta Dhahar

Warar kale oo Hoose ayaa sheegaya in Generalku uu si Gaar ah ula kulmi doono Saraakiisha Ciidanka la dagaalanka Xaalufka oo ah kuwa aad u taysan isla markaana tababar milateri haysta, walaw aan si rasmi ah loo sheegin waxyaabaha ay ka wada hadlayaan.

Ciidanka la dagaalanka Xaalufka ee Degmada Dhahar ayaa kaalin xoogle ka qaatay soo dhawaynta Murashaxa iyagoo amniga magaalada sugayey isla markaana baabuurta Dagaalka ee gaashaaman ay magaalada  gaaf wareegeysey.

Generalka oo 2 Sunaari dhex taagan
Generaalka iyo wefdigiisa ayaa waxay sidoo kale muujiyeen faraxada weyn, aadna uga mahad celiyey bulshada iyo saraakiisha ciidanka Dhahar isla markaana tilmaamey iney Reer Dhahareed Abaal weyn muujiyeen 
Ciidanka La dagaalkan Xaalufinta oo Salaan siinaya Generalka

Generalka ayaa isna si gaar ah ula hadley bulshada Dhahar in kooban una sheegey iney u diyaar garoobaan dal dhis, horumarin iyo iney ka shaqeeyaan ayaahooda.

Shacabka Dhahar oo si diiran usoo dhoweynaya Generalka iyo Wefdigiisa
 

Waxa uu Generalku sheegey inuu Berito Khudbad balaaran jeedin doono iyadoo aad moodid in Magaalada Dhahar ay noqotey mid hanatey bilada Dahabka ah.

Dad weyne tiro badan oo soo kusoo dhoweeyey goobta uu Generalku degayo
Ciidanka La dagaalkanka xaalufinta iyo dadweyne soo dhoweynaya Generalka iyo wefdiga
Waa fardihii caanka ahaa ee Sunaariga[Garaad Cali Dable ayaa Somalia keeney qarniyadii dhexe]
Bulshadii oo aad ka arkeysid sida wacan ee ay uga soo qayb galeen soo dhoweynta

Sidoo kale soo dhowaynta waxaa ka qaybqaatay ururada bulshada sida uurka danad iyo waliba sports- ka iyo waliba dad aad ubadan iyadoo maalinimada bari ahna la filayo in uu janaralku uu khudbad ka horjeediyo shacabka ku dhaqan degmada dhahar iyo waliba gudiga ilaalinta degaanka si khas ahaan ah

Baabuur ay leeyihiin mid ka mid ah Ururada Dhahar
 

Soo dhawayntaasi ka dib ayaa waxa waftigaasi loo gudbiyay guriyihii loogu tala galay iyaga oo halkaasi loogu diyaar gareeyay Qadadii Maanta oo qorshu ahaa awal In Magaalada Dhahar lagu diyaar gareero.

 

Waa markale iyo dadweynaha oo soo dhoweynaya Wefdiga
Mid ka mid ah Tiknikada Ciidanka oo sugaya Amniga, soona dhoweeyey wefdiga
Waa ciidanka la dagaalanka Xaalufinta oo gaashaaman
Baabuurtii gelbineysey Generalka iyo Wefdigii la socday

Maanta waxay ahayd maalintii Dhahar iyadoo ay degmooyinka kale ee Gobolkuna ay sugayaan Generalka iyo wefdigan balaaran hase yeeshee waxaadba moodaa iney Dhahari kaalintey cayaartey aysan gaareyn degmooyinka kale.

Wefdigii iyo Generaalka oo dadweynaha Reer Dhahareed Salaamaya
Waa wefdigii oo Sunaari ka dhex muuqdo
Waa Generaalka oo ay la socdaan wefdigii
Abshir Muuse Cashuur oo ka mid ah Wefdiga dalka dibadiisa ka yimi

Ilo ku dhawo dhawo Xafiiska Murashaxa ayaa warbaahinta Gudaha u sheegay in maalinta Bari ah uu kulan la qaadan doono Odayaasha Deegaanka iyo dhamaan waxgaradka Degmada Dhahar.
 
Sida qurshuhu yahay Maalinta bari ah galinkii danbe ayaa la filayaa inay waftigaasi ka duulaan Magaalada Dhahar kuwaasi oo qoobka soo galin doona Magaalooyinka Xinaglool, Ceel-Buhu ee Badhan, waxa xusid mudan in wariyaal Caan ka ah Gobolka ay safarkaasi ku weheliyaan Gen-ka kuwaasi oo si toos ah warbixinaha uga soo gudbinaya.

Abdirizak Haji-Ali | Laasqoray

Halkan ka Daawo Sawirada

Faafin: SomaliTalk.com |  August 15, 2008

 

BAARID | SEARCH


WAREYSI: Professor Axmed Ismaaciil Samatar
“Itoobiya naguma soo duusheen haddaanu leennahay madax iyo dowlad dhab ah” Akhri

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS