SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Avv.Cabdullaahi Faarax Qaarey "waxaa imaaneysa in la yiraahdo dadkaan ma bisla oo waqti hala siiyo, taasoo micnaheedu uu noqonayo dadkaan hala jilciyo.. "


La taliyaha dhinaca Sharciga Gudoomiyaha Is-bahaysiga ARS Avv. Cabdullaahi Faarax Qaarey oo aan kula kulmey Hoteel Imperial ee Caasimada Dalka Jabuuti, islamarkaana aan waxa ka weydiiney waxa ka imaan kara hadii aysan taageerin Shacabka Soomaaliyeed, heshiiskii Jabuuti ay ku gaareen labad dhinac ARS-ta iyo TFG-da iyo hadii Beesha caalamka ay ka jeestaan arimaha Soomaaliya waxa ka imaan kara ayaa wuxuu yiri:

"heshiiska Jabuuti waxaa qaby ka ahaa Beesha Caalamka, hadii Soomaalida ay ka jeesato waxaan u arkaa in xalkii Soomaaliya uu sii daba dheeraanayo, inkastoo heshiiska dhexdiisa ay ku jiraan cilado oo dadku ay si toos ah Indhahooda ugu dhacayso, waxaan qabaa in la isticmaalo Samir badan, islamarkaanaa laa eego inta laga sixiixayo oo la eego balan qaadkii ay sameeyeen Beesha Caaalamka iyo gudiyada lagu hawlan yahay diyaarintooda sida ay u shaqeeyaan" ayuu yiri Avv. Cabdullaahi isagoo hadalka sii wata ayaa intaa ku darey

"hadii Soomaaalidu ay fulinweyso heshiiskan, Is-bahaysiga Caalamkuna wuxuu u arkayaa kuwo nabad diid ah, cadowga Soomaaliyeedna wuxuu helayaa fursad uu kagagado caalamka, in Is-bahaysigu ay yihiin dadd Argagixiso ah, waxaana imaaneysa in la yiraahdo dadkaan ma bisla oo waqti hala siiyo, taasoo micnaheedu uu noqonayo dadkaan hala jilciyo oo hala sii garaaco, Ethobia-yada dalka kusoo duushey ee saaran gaarigii ay kusoo gashey, waxaa la siinayaa fursad ay kaga degto gaariga, taasina waxay dhalineysaa barakac cusub, in Soomaaliya loo qaybiyo dowlad goboleedyo ku dhisan Qabiil oo micnaheedu uu yahay bur burka Soomaaliya, si khariidada oo dhan looga saaro, magacii Soomaaliya, xiligaanina Soomaaliya waxay ka mid tahay Beesha Caalamka ee waxaa haboon inaan raacno caalamka, lana adkeeyo Muqaawamada, si xoreynta dalka meel looga wada soo jeesto, waxaana jeclahay Arinta Dibu-heshiisiinta oo uu Alle ogyahay meesha ay ku dambeyndoonto in Al-baabada loo furo, waxaana xusid mudan mudadii halka sano ahayd ee uu joogey Is-bahaysigu Asmara, kadib ee uu sii fadhin lahaa Asmara waxa tilaabo ee la qaadey hada lama qaadeen, waxaana lagu shaabadeyn lahaa dadd nabad diid ah, waxaan mar labaad ku talinayaa in Muqaawamada la mideeyo, iyada oo aan lays qayb qaybin, loona soo wada jeeesto sidii dalka cadowga looga xoreyn lahaa.

Mar aan weydiiyey maxay tahay ciladaha ku jira heshiiskan Cabdullaahi Faarax ciladaha ku ayaa wuxuu yiri "Koley wax kasta oo uu Bani’aadam qoro, lagama waayo dull duleell, meelo badana waa ay ka muuqdaan, laakiin xiligaan in lays weydiiyo dull duleellada heshiiska ma ahan".

Sidoo kale mar aan weydiiyey Avv. Cabdullaahi heshiiskan shacabka Soomaaliyeed, dareeno kala duwan ayey ka bixiyeen, markii lagu dhawaaqey 9/06/2008-da, waxaana laga joogaa laba bilood iyo wax dheer, heshiiska qodobadiisa waxaa ka mid ahaa, in Ciidamada Ethobia ay dalka uga baxaan 120-maalmood ee bal Ereygaas sharaxaad ka bixi?


Avv.Cabdullaahi Faarax Qaarey

Avv.Cabdullaahi Faarax Qaarey waxaa uu ku jawaabey “heshiiska waxaa si rasmi ah loogu sixiixayaa Sucuudiga, maalinta heshiiska la sixiixo ayey ka bilaabaneysaa 120-ka maalmood, laakiin heshiiskan si cad looma sixiixin ee wuxuu ahaa, mid horudhac ah, lamana dhihi karo xiligaas ayuu bilowdey, hadana waxaa socda, diyaar garow lagu magacaabayo Gudiyadii Siyaasada iyo kuwii Nabadgelyada, hawluhuna waqti ayey qaadanayaan waana bilow hawshu, caadi ahaan daddka Soomaaliyeed waxay leeyihiin cadow fara badan oo ku abuuraya fowdo, waxaana wadnaa hawlo dadka Soomaaliyeed fadhiyadooda loogu tago, loona fasiro heshiiska, waxay su’aalo ka qabaan laga dhegeysto oo looga jawaabo, arinta ugu muhiimsan waxaa weeye, inaan Qurbaha ku laabano dadka jooga sida dalallka Keynya, Sacuudi Carabiya, Ingiriiska, Mareykanka, Kanada iyo Imaaraadka Carabta, gaar ahaan Magaalooyinka Nayroobi, Dubai, Jiddah, London, Minneapolis iyo Toronto si aan u soo ogaano dadka ku nool waxa ay qabaan, maadaama aan ognahay in aay xiiso badan u qabaaan, in ay wax naga weydiiyaan, tareenka dibu- heshiisiita halka uu u socdo”.

Maxamed macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 14, 2008

 

BAARID | SEARCH


WAREYSI: Professor Axmed Ismaaciil Samatar
“Itoobiya naguma soo duusheen haddaanu leennahay madax iyo dowlad dhab ah” Akhri

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS