Musharaxa Madaxweynaha Puntland Mudane: Nuradin Adan Diriye
oo soo gaarey xarunta ganacsiga Puntland Magaalada Boosaaso
daawo sawiro.
Halkaan ka daawo sawiradii Boosaaso
Agoosto 12 - 2008
Bosaso(Nuradin Dirie Campaign)-Waxaa
galinkii dambe ee maanta kasoo degay garoonka wayn ee
Banderqasim airport musharaxa utaagan doorashada madaxtinimada
puntlad ee Nuuradiin Aadan Diiriye iyo wafdigiisii ku sugnaa
xarunta gobolka mudug Gaalkacyo.

waxaa kusoo dhaweeyay musharaxa garoonka wayn ee Bosaso
masuuliyiinta gobolka bari oo uu hogaaaminaya gudoomiya gobolka
bari, madax ka tirsan maamulka Puntland iyo dadwayne aad u
farabadan, oo sita sawirka musharaxa iyagoo kusoo dhaweeyay
farxad aad ubalaaran.

Musharaxa ayaa markii uu ka soo degay diyaaradii sidey wuxu
gacanqaaday dhamaan madaxdii iyo dadwaynihii ka soo qaybgalay
soo dhawaynta isagoo qofwalba ugutagayay meesha uu taaganyahay
waxaana kamuuqatay wajigiisa musharaxa farxad aad ubalaaran.

intaasi kadib waxa uu lahadlay musharaxu dadwaynihii iyo
madaxdii mmaulka gobolka iyo dowlad gobeleedka Puntland ee kusoo
dhaweeyay garoonka wayn ee Bosaso isagoo dadwaynaha uga
mahadceliyay sida loo soo dhaweeyay isagoo musharaxu ka
raaligaliyay mujtamaca soo daahidii ay soo daahday diyaaradu.

intas kadib waxa uu musharaxu khudbad gaaban ujeediyay
dadwaynihii kasoo galay soo dhawayntiisa waxana uu ugamahacliyay
sida ay usoo dhaweeyeen, waxana uu musharaxu sheegay in haatan
dhibaato ay ka jirto Puntland taasi oo ah in wax laga qabto
dhibaatooyinka jira ,waxana uu sheegay in dhibaatooyinkaasi ay
wax udhimi karaan jiritaanka Puntland ,

Musharax Nuuradiin wuxuu sheegay in haatan Puntland ay
ubaahantahay isbadal dag dag ah oo lagu sameeyo Puntland waxana
uu sheegay in haatan uu wado isbadal horleh waa sida uu sheegay
musharax Nuuradiin Aadan Diiriye ,
waxa loo soo gudbiyay intaas kadib musharaxa xarunta hotel
International Village isagoo halkasi hadal kulayeeshay
saxaafada oo uu sheegay in waxyaabaha uu wax kaqabandoono ay
kamid tahay dhanka dhaqaalah nabadgalyada iyo waliba
waxbarashada .
Halkaan ka daawo sawiradii Boosaaso
Siciid Cali Nugaal
Madaxa Xiriirka Bulshada
Ololaha Doorashada Nuradiin Dirie