SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

MOHAMED FARAH ‘’ Da’yarta Soomaaliyeed mustaqbalkoodu waa cayaaraha fudud’’

Mo Farah waa ciyaaryahan oradka 5 KM ( 5000M) u orda dalka Ingiriiska, kana qayb qaadanaya tartanka cayaaraha Olampikada aduunka oo dhawaan ka furmay magaalada Peiking ee dalka China.

Mohamed Farah waa nin Soomaali ah isla markaana jecel inuu arko ciyaaryahano Soomaaliyeed oo caalamka ka matala dadka Soomaaliyeed garoomada caalamiga ah, hasayeshee Mo Farah waxa uu matalayaa sanadkaan dhulwaynaha Britishka tartanka Olampikada, madaama uu haysto dhalashada dalka England.

Mar aan kula kulmay magaalada Liecester Mo Farah oo aan kula sheekaystey xiligii ay socdeen cayaaraha EuroSom 2008 ayaa iga sheekayey tariikhdiisa cayaaryahanimo.

Markii aan yaraa waxaan jeclaa inaan dheelo ciyaarta kubadda cagta laakiinse dugsigii aan dhiganaayey ayaan ka qayb galay tartankii ciyaaraha fudud ee dugsiyada, halkaas oo aan ka muujiyay wacdaro iyo inaa ku fiican nahay tartanka oradada, markaas kadib ayaa macalinkaygii Sports iskoolka culays igu saarey inaa u soo jeesto xaga ciyaaraha fudud gaar ahaan oradada.


Macalinka ayaa had iyo goor igu dhiirigalin jirey inaa ordo ugu dambayntiina waxaan iska diiwan galiyay Club-ka cayaaraha fudud ee East London, halkaas ayaana ka bilaabay inaa ordo markii aan 12 jirsaday.


Mohamed Farah waa ciyaaryahanka kaliya ay British-ka ay ka sugayaan inuu guul ka keeno oradka 5KM ee cayaaraha Olampikada aduunka Peking 2008 dalka China.


Waxaan sii su’aalay sida ay macquul u tahay in la soo saaro ciyaaryahano badan oo Soomaali ah madaama Soomaalida lagu tiriyo dadka ku wanaagsan cayaaraha Fudud gaar ahaan oradada dhaadheer.

‘’ Waxana igu jawaabay Mohamed Farah run ahaantii waa dhab laakinse waxay u baahan tahay in waqti la galiyo sidii lagu soo saari lahaa ciyaaryahano tayo leh isla markaana guulo ka keeni kara tartamada caalamiga ah, waxaana soo jeedin lahaa in caruurta Soomaaliyeed marka ay jiraan 12 sano in lagu bilaabo in loo tababaro cayaaraha fudud nooca ay ku wanaagsan yihiin, marka uu jiro 17 sanadood waa hubaal inuu ka keeni doono guulo’’.


Mohamed Farah ayaan su’aalay sida u arko Abdi Bile Abdi ayaa i sheegay in ciyaaryahanka Abdi Bile Abdi uu u arko inuu yahay halyeey qaran Soomaaliyeed, isla markaana uu doonayo inuu mar un la kulmo.



Mohamed Farah ayaa ii sheegay in ay jiraan ciyaaryahano badan oo Soomaali ah inay ku jiraan Club uu ka tirsan yahay oo tababaro ku qaata, mustaqbalkana lagu arki doono fagaarayaasha caalamiga ah.

Mo Farah ayaa raja fiican ka qaba inuu kaalin fiican ka galo tartanka Olampikada aduunka ee ka socda dalka China 2008 hadii Eebe idmo,

Waxaan Mohamed Farah u rajaynaynaa inuu Bilad Dahab ka soo qaato tartanka Olampikada hadii Allah Idmo.

Yusuf Yusuf
Secretary General of SSPA
&
Sports Editor
mrsomalia@hotmail.com

London

Faafin: SomaliTalk.com |  August 14, 2008

 

BAARID | SEARCH


WAREYSI: Professor Axmed Ismaaciil Samatar
“Itoobiya naguma soo duusheen haddaanu leennahay madax iyo dowlad dhab ah” Akhri

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS