General C/laahi Axmed Jaamac (Ilka Jiir) oo Qaab Caalami ah
loogu soo Dhoweeyey Madaarka Magaalada Bosaas
Bosaso, Waxaa ka soo Degey Gegida Diyaaradaha Magaalada
Bosaso Mudane C/laahi Axmed Jaamac ilka jiir oo ah Musharax ku
Loo laamaya Hogaanka Xukuumada PL Waxaa soo dhowayntaasi ay
ahayd Midii ugu Cad cadcadayd ee la arko tan iyo Markii ay soo
bexeen Musharixiinta Reer PL ,waxaa soo Dhoweyey Musharaxa
kumanaan kun oo Ruux Waxaana La xiray Wadada laamiga ah iyo Wada
isku Xirta Magaalada iyo garoonka Diyaaradaha ee Musharaxu ka
soo Degeyey,Waxaa sidoo kale Si wayn uga qayb qaatay Soo
Dhowaynta Musharax C/laahi Axmed Jaamac ilka Jiir Saraakiisha
Bileyska Qaybohooda kala Duwan iyo Masuuliyiinta Maamul
Goboleedka Puntland, iyadoo tan iyo markii uu kasoo degay
magaalada Boosaaso Amnigeeda la adkeeyey.
Masharaxa ayaa Ka Dib Markii uu Hoteelkiisa ku Degey Ka soo
Jeediyey hadalo gaaban isagoo sheegay in Mar dhow ka Waramayo
Wax qabadka kaga aadan Madaxtinimada.
Maxamed Axmed Ciise