SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xafiiska Qaramadda Midoobay u Qaabilsan Arimaha Siyaasadda Soomaaliya oo shaaca ka qaadey xiliga ay kulmayaan gudiyadii ugu muhiimsanaa heshiiskii Jabuuti, War-saxaafadeed

\War-Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska uu ku leeyahay Nayroobi Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey Amp; Ahmedou Ould-abdallah oo oo ay ujeedadiisu tahay, kulan ay yeelanayaan dhamaadka Usbuucaan aynu ku jirno Gudiyada labada dhinac ARS iyo TFG-da oo ka dhicidoona 16-18-ka bishan Caasimada dalka Jabuuti, islamarkaana ku qeexnaa Heshiiskii Jabuuti. Kadib markii wada tashi lala yeeshay Dowladda Federaalka ku-meelgaarka ah iyo Jabhadda Dib u Xuraynta Soomaaliya, waxaa la isla gartay in Guddigii Arrimaha Nabadgelyadda ee qadobka (8 -aad) iyo Gudiggii Sare ee qodobka (9-aad), taasoo la doonayo in ay ka soo qayb galaan Ra’iisul Wasaare Nur Hassan Hussein iyo maddaxda Jabhadda Dibu-Xoreynta Soomaaliya sida Sheikh Sharif Sheikh Ahmed iyo Sharif Hassan Sheikh Aden, xubno ka socda bulshadda caalamka, oo isugu jira diplomaasiyiin ka socota waddamo kala gedisan iyo Urur goboleedyo, sida Fransa oo haysa guddoonka middowga Yurub, Maraykanka, Ingriiska, Ururka Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka wadamadda Islaamka iyo IGAD, sidoo kale waxaa goob joog ka ahaan doona Hay’adda UNDP iyoWakiilo ka socda bulshada rayidka oo lagu martiqaadey shirka.

Waxaa kale war-saxaafadeedkan Amp; Ahmedou Ould-abdallah ku xusnaa, baaq uu ujeedinayo Baarlamaanka Soomaaliya in uu hakiyo howlihiisa la xiriira arrimaha siyaasadda qarkood mudadda u dhexaysa 15-20 Agoosto, Si loogu fududeeyo ka qaybgalka ay ka qayb galayaan xubnaha baarlamaanka kulanka guddiyada Jabuuti ay ku yelanayaan.

“ Waxaan donayaa in xubnaha baarlamaanka Somaliyeed ay muujiyaan sida ay ooga go’an tahay tageerada ay u hayaan geedi socodka nabadda iyo ayaaha ummadda Somaliyeed” ayuu ku sheegey War-saxaafadeedkiisa Ahmedou Oul-Abdallah.

Maxamed Macallin Cismaan(All-man)Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 14, 2008

 

BAARID | SEARCH


WAREYSI: Professor Axmed Ismaaciil Samatar
“Itoobiya naguma soo duusheen haddaanu leennahay madax iyo dowlad dhab ah” Akhri

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS