Waxbarashada magaalada qardho oo sanadihii u danbeeyay kor u
kacaysay.!!!
Qardho:- magaalada qardho ee xarunta gobolka karkaar,ayaa
sanadihi u dambaysay samaysay horumar aad u wayn oo xagga
waxbarashada ah.tan iyo markii ay burburtay xukuumaddii dhexe ee
dalka soomaaliya,waxa ku soo badanayay magaalada Qardho
iskuulada gaarka loo leeyahay,sanadkii1994kii ayaa waxaa laga
furay magaalada Qardho iskuulka Al-azhar-shariif, Iskuulkaas oo
noqday iskuulkii ugu horreeyay oo laga furo Qardho tan iyo
burburkii xukuumaddii dhexe ee soomaliya, iskuulkaas oo ay wax
ka dhigaan macalimiin masaari ah iyadoo manhajka (curriculum) uu
yahay masaari waxana ardayda iskuulkaas dhamaysa qayb ka mida
loo qaadaa jamacadda Al-azhar ee dalka masar. waxaana ka baxay
arday lagu qiyaasay ilaa 1000(kun)arday oo isugu jira wiilal iyo
gabdho.
Sannadkii
1997kii waxaa laga furay magaalada qardho iskuulkii labaad
kaasoo ahaa iskuulka Al-muntadda-Al-islaamii, Iskuulkaas oo ay
kaalmayso hay'adda Al-muntadda-Al-islaami ee xarunteedu ku taalo
magaalada London ee carriga Ingiriiska iyadoo uu yahay
manhajka(curriculum)iskuulkaan manhajka dalka Sucuudiga waxaana
ka baxday iskuulkaan arday tiradooda lagu qiyaasay
600(lixboqol)arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho.Inkastoo aanu
iskuulkaani lahay deeq waxbarasho balse waxaa ka soo baxa arday
ay tayadoda waxbarasho aad u sarrayso waxayna ardaydaasi aadaan
dalalka Suudaan, Malaysia, India, Pakistan IWM.
Sannadkii 1998kii waxaa laga furay magaalada qardho iskuulkii
saddexaad oo la dhoho shiekh osman omar shabbelle waxaa ka baxay
arday lagu qiyaasay tiradooda ilaa 800(siddeed boqol)arday oo
isugu jira wiilal iyo gabdho waxaana ardaddaasi qaybtood deeq
wax barasho ka hellaan jaamacaddaha Camuud (amuud university) ee
magaalada Boorame iyo Nakuru (nekuru university) ee magaalada
Nairobi ee dalka Kenya waxaana manhajkiisa(curriculum)yahay
english . Si kastaba ha ahaatee dhammaan iskuuladan aan soo
sheegnay waa dugsiyo sare waxaa iyana jira iskuula hoose dhaxe
sida iskuulka Xaaji aadan( elementry and intemediate school)
waxaa dhawaan laga yaabaa in magaaladda Qardho laga furo
Jaaamacad taasoo Partener ship la ah Jamaacadda East Afrika ee
magaaladda boosaaso gaar ahaan Facul tiga Medicine waxaa
baryahan u danbeeya laga dareemayay Ardaydii dhamaysay
Dugsiyadda sare ee wayday Deeqaha waxbarasho.
Qore:C/rashiid Maxamed Daahir(lacle)
Email:
lacle1004@hotmail.com