SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WAXA EEY U TAAGANTAHAY MAALINTA XORIYADA (GOBANIMADA) WADANKAN PAKISTAN (AUGOST 14, 1947)

HORDHAC/GOGOLDHIG

Ummadkastaa waxeey leedahay Taariikh, ummadii qiimeysa taariikhdeeda, ee keeydisa dabadeedna u dabaal dagta iyo tii ku tumata ee Qashin-Qubka ku dartaba. Ummadkastaahi waxeey leedahay Halgamayaal Nafhurayaal ah oo naf iyo maalba u hurey Masiirka iyo Mustaqbalka ummadooda, sidaana Taariikhda baal Dahab ah uga galay, halka kuwa kalana Bogag Mugdi ah ka buuxsameen. Akhristaha Sharafta badanoow waxaan maanta halkan ku falan qeyneynaa maalinta Gooni isutaaga, ama xoriyada/Gobonimada wadankan Pakistan. Maxeey u taagan tahay? Sidee looga qadariyaa wadankan? Sideese loogu dabaal dagaa? Waa tan warbixintii oo dhane kusoo dhowoow, adoo mahadsan.

TAARIIKH YAROO KOOBAN OO KU SAABSAN WADANKAN PAKISTAN

Pakistan waxeey ka mid tahay wadamada Muslimka ah ee aduunka ugu waaweyn, waxaa Mujtamaceedu gaarayaa illaa 165Million”Offcially”. Wadanku wuxuu ka soo dhexbaxay wixii loo aqoon jirey Qaarad-U-Ekeyda Hindiya ee Carabiga lagu yiraahdo “Shibh-Al-qaarrah Al-Hindiyah” meesha English-ka lagu yiraahdo “Indian Sub-continent”. Wuxuuna wadankan Pakistan Maabka aduunka kusoo biirey taariikhda markii eey aheyd Augost 14-keedii sanadkii 1947-dii.Wadankan Pakistan wuxuu leeyahay Mujtamac Muslimiin u badan, waloow firqooyinkiisu aad u farabadan yihiin oo lagu qiyaaso illaa 39 firqo oo aan Shaqo isku laheyn, oo isku si aan u Tukan, Masaajidyada u kala soocan yihiin, isku si aan u Soomin, isku waqtina aan Soomin, oo xaqiiqdii hadii aad u dhaadhaacdo kala qeybinta soomaalidu ku sameyso culimada sida: Ittixaad, Islaax, Salafi, Tabliiq, iyo Suufi oo nuucyadiisa leh, sida: Axmadiya, Qaadariya, Saalixiya iwm, xaqiiqdu waxeey noqoneysaa in kala faquuqaasi uu yahay waxba kama jiraan, waxoo dhanna waxeey isku noqonayaan Isku Aabo iyo Hooyo aan waxweyn ku kala duwaneyn ee magacyo uun loo kala sameystey. Wadanku wuxuu sidoo kale leeyahay Diimo kale oo aad u farabadan sida Hinduus, Christian, Budiste, Bahai iyo kuwo kaloo kaaba yaabinaya oo jirintaankooda iyo xuquuq in eey wadankan ku leeyihiin lagu qirey qeybta Cad ee Calanka wadanka oo u taagan Diimaha kale ee wadanka ka jira..

Qaranka Pakistan wuxuu ka kooban yahay Afar gobol oo waaweyn oo la kala yiraahdo Sind, Baluchistan, Punjab iyo NWFP (North West Frontier Province), waxaa soo raaca caasimada federaalka ee Islamabad iyo deegaanada qabaa’illada (Mandhiqatul qabaa’il). Laga yaabe in dadka badankii eey warbaahinta caalamka kala socdaan magacyada deegaanadan qabiileed, dagaalada ka socda darteed, waxaana lakala yiraahdaa :Kheyber, Kurram, Malakand, Mohmand, North Waziristan iyo South Waziristan “oo ah meesha dagaalada xoogoodu ka socdaan”.

Ereyga Pakistan waxaa laga habeeyey magacyada Gobollada uu ka sameysan yahay kuwaasoo kala ah, (Punjab, Afghan Border States, Kashmir, Sind iyo Boluchistan). Xitaa 1947-dii ka bacdi wadanku wuxuu ahaa mid aan magac rasmi ah laheyn mudo 9-sano ah, waxeey aheyd oo kaliya 23-kii March 1956-dii markii lagu dhawaaqey magaceedan ah Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Pakistan (Islamic Republic of Pakistan).Wadanku wuxuu ka koobnaa labo qeybood oo India eey ku kala dhaxjirtey, oo la kala dhihijirey, Pakistaanta Bari (Bangladesh) iyo Pakistanta Waqooyi (Pakistan), waxeeyse kala go’een taariikhdu markii eey aheyd 1971-dii, markaana waxaa wadanka xukumayey Raiisulwazaarihii la Daldaley ee Mr. Zulfiqar Ali Bhutto, kaasoo ahaa aasaasihii ururka siyaasadeed ee ugu weyn wadankan Pakistan laguna magacaabo Ururka Dadyowga Pakistan ee Af-Ingiriisiga lagu yiraahdo Pakistan People’s Party “PPP” dhalayna Marwadii la qaarajiyey ee Benazir Bhutto oo madaxtinimada uruka uga dambeysey ama ka dhaxasheyba, wadankan labo jeer Raiisulwazaare kasoo noqotey.

Dulucda qoraalka ayaa ah in aan si qoto dheer  uga hadalno maalinta xoriyada wadankan Pakistan iyo sida loo weyneeyo, ee loogu damaashaado. Hadaba waa sidee sida loo qiimeeyo  maalintan ku weyn Pakistaani kasta?

SIDA LOOGU DABAAL DAGO SANADKASTA MAALINTAN

Maalinta xoriyada ee wadankan Pakistan (Pakistan’s Independence day), oo sidoo kale loo yaqaan “YAUM-E-AZADI: یومِ آذادی” Waxaa loo dabaal dagaa maalinta eey Augost14-ka tahay ee sanad kasta. Waa maalintii Pakistan ka xuroowdey Hogaankii gumeysihii Ingiriiska ee deegaanadan looga aqoon jirey “British Raj” sanadku markuu ahaa 1947-dii. Maalintan sanad kastaa waa Fasax qaran (National Holiday), waxaa looga dabaal dagaa gabi ahaanba wadankoo idil, xaflado Calan-saar ah, iyo xusid la xusayo Halyeeyadii ummadan aayahooda ka talisey ayaa meelkasta ka dhaca. Waxaa cirka iyo dhulka is qabsada Bullaleeyryo. Caasimada wadanka ee Islamabad ayaa waxaa ka dhacda Xaflada ugu weyn, halkasoo Madaxweynaha wadanka iyo ra’isul wazaaruhuba calanka saaraan, xafladaa calan-saarka ah ee madaxdaasi waxeey ka dhacdaa Qasriga Madaxtooyada iyo Xarunta Golaha Shacbiga ama Baarlamaanka, iyadoo Safiirada caalamka ee Jooga Pakistan lagu wada casuumo, halkaas oo eey Madaxda ka jeediyaan qudbooyin si toos ah wadanka  oo idil looga daawado TV-yada, Radio-yadana looga wada dhageysto. Qudbadahaas waxeey xooga ku saaraan horumarka iyo waxqabadka dowladu ku talaabsatey ama eey gaartey, Hadafka mustaqbalka dhow iyo midka dheerba ee u dagsan dowlada markaa xukunka heysa iyo Qaranka guud ahaanba,Waxaa sidoo kale loogu celceliyaa oo dadka eey xusuusiyaan Ereyadii Aabaha Qaranka (The Father of the Nation), Quaid-e-Azam Mohammad Ali Jinnah, kuwaas oo ahaa in eey kusoo dabaalayaan Midnimo, Iimaan iyo Kaladambeyn ( Unity, faith and discipline) ummadan Pakistan.

Caasimada iyo dhamaan gobollada wadanka oo dhan waxaa ka dhaca xaflado calan-saar ah, daaraha waaweyn ee aadka u dhaadheer (Skyscrapers) oo dhami ayaa calanka wadanka laga soo laalaadiyaa, bandhigyo dhaqameedyo ayaa gobollada wadanka oo dhan laga wada daadihiyaa, oo ka dhaca caasimadaha Gobollada waa weyn. Magaalooyinka waaweyn oo idil waxaa xafladaa calansaarista sameeya oo ku sharfan shaqsiga markaa ah Duqa magaalada (The Mayor), wadankanse looga yaqaan “Nazim”. Xarumaha Dowlada kuma xirna oo kaliya ee waxaa sidoo kale xafladahaas calansaarka laga sameeyaa shirkadaha ganacsi ee gaarka loo leeyahay, ayadoo eey ku sharfan yihiin saraakiisha ugu sareysan shirkadahaasi. Iskuulada, College-yada iyo dhamaan jaamacadaha ayaa iyana qabanqaabiya xafladahaas calan-saarka ah iyo barnaamijyo nuucyo badan. Qoysaska caadiga ah iyo saaxibadooda ayaa maalintaa isugu yimaada Qado ama Casho-Sharaf si farxadaa halmeel loogu wada qaato, qaarna banaanka ayeyba la aadaan. Meelkasta waxaa ka socda Maaweelo iyo Madadaalo, Tartanno aqooneed iyo Kadisyo nuucyo badan, haba ugu badnaadeene kuwa taariikhda wadanka xooga saaraya.Wadankan oo TV Cables-ka uu aad ugu jiro gurikastaa, si waalli ahna looga daawado Daraamooyinka/Musalsallada Hindiyaanka ah, Maalintaa wadankoo idil wax kanaal Indiyaan ah lama arkikaro.Calaamadaha (Logos) TV channels-ka wadanka Pakistan laga leeyahay waxaa loo badalaa Cagaar iyo cadaan oo ah midibada uu ka kooban yahay calanka wadanka. Waxaa meelkasta lagu iibinayaa ama qaab gifts ah laguu siinayaa Calanka wadanka. Maalintan waxaa millitry-ga isna dhinaciisa ugu dabaaldagaa madaafiic loo diryaamiyo/loo rido malintaa darteed.

Waxyaabaha kale ee Maalintan eey caanka ku tahay ayaa ah badalka lagu sameeyo waardiyayaasha Madxafka Aasaasaha wadanka ee Mohammed Ali Jinnah, kuna yaala Magaalada Karachi, loona yaqaan Mazar-e-Quaid. Waxaa sidoo kale maalintan dhaca xaflado lagu sameeyo xuduuda India iyo Pakistan,  xuduudaas oo lagu magacaabo Wagah Border, Soomaalida gobolka Punjab joogtana eey aad u tagto. Maalintan Xoriyada, Pakistan iyo India waxeey isu siidaayaan Maxaabiis laga yaabo in eey si sharci darro ah xuduudaha uga kala gudbeen.Waxaa sidoo kale maalintan si baaxad weyn loo soo bandhigaa awooda millitry ee wadanku leeyahay oo isugu jirta tan Cirka (The Air force), Badda (The Navy), dhulka (The Army), iyo dhamaan qeybaha kale ee sadexdan waaweyn kasii farcamaan sida Awooda Nabad-sugida oo qeybo kala duwan leh, hooyana eey u tahay hey’ada sirdoonka qaranka ee aadka looga baqo, loona yaqaan ISI (Inter-Services Intelligence), Police-ka iyo kuwa lagu magacaabo Paramilitary forces sida Rangers-ka. Xaqiiqdii waa maalin wadankan ku weyn, waa maalin farxad badan, waana mid si weyn loo qadariyo.

Wadankastaa waxuu leeyahy Hogaamiyeyaal, si aragti dheer u fahamsan Aayaha iyo Danaha Wadanka (National Interests), waxeey u huraan wixi karaan kooda ah, Maxamed Cali Jinaax , Alama Iqbal, Sir Syed Axmed Khan iyo dhamaan ragii la midka ahaa, waxeey dareemeen in dhibka Muslimiinta India ku nool aan cidi daneyneynin, oo waxyaabo farabadan oo xuquuq ah eey la’yihiin sidaa daraadeedna Muslimiinta u baahanyihiin Dhul u gaar ah oo eey yeeshan , halgan dheer kabacdida waxaa u riyoowdey riyadoodii aheyd in Pakistan (The Land of Pure) uu Aduun weynaha kusoo biiro. Ragii ka dambeeyey ninba maalin ayuu meeshii kasii waday danaha wadankiisa iyo Maslaxada ummadiisa, waxaa ka mid ahaa ragaas Zulfiqar Ali Bhutto oo Nuclear-ka maanta Pakistan leedahay u istaagey in eey yeeshaan, isagoo og halista eey leedahay in uu ku dhaqaaqo arintaas, waxaa Quwadaha waaweyn ugu hanjabeen in uu duruus u noqon doono hogaamiye yaasha kale ee aduunka hadii uusan joojinin arintaa, waxuuna ugu jawaabey “Cowskaba aan u cunnee Nuclear waan yeelaneynaa” wuxu ahaa hogaamiyaha kaliya ee kasoo jeeda wadan Muslim ah ee Golaha Qaramada midoobey ku dhexjeexjeexay Charter-koodii, taariikhdu markii eey aheyd 15-kii December 1971 , wuu ogaa halista tilaabooyinkaas oo dhan leeyihiin, oo waa la Afgambiyey dibadeed la Daldaley, maantase wadankisii Nuclear ayuu leeyahay. Waxaa sidoo kale jirey Madaxweynihii isna diyaarada lagu qarxiyey ee Gen.Zia-ul-Haq, caalamka Islaamkana looga yaqaaney “Abul Mujaahidiin” ee si aan caadi aheyn u dhisey Millatry-ga wadankan, kuna soo rogey in askariba midka uu ka quraan xifdis badan yahay ka Mushaarbato, raga iyo dumarkana u kala soocey labada qeybood ee buska eey ka kala raacaan. Xaqiiqdu waxeey tahay, Marka loo barbardhigo Hogaamiyeyaashooda kuweena wey ka aragti dheeraayeen, mustaqbalkase laga yaabe in Allaah ina siiyo kuwo kuwooda ka wanaagsan.

Dhinaca Soomaaliya marka aad fiiriso inkastoo hogaamiye kastaa ee nasoo marey waxyaabo wanaag ah ee uu qabtey aan la weeyneyn, haba u yaraadeen ama u badnaadeene, waxaa dhab ah, Nasiib darro jirtana ah, Kuwa inaga inoo talinjirey illaa maantana ina horboodaya ayaa xaqiiqdii waxeey kasii qeybqaadanayeen kala fogeynta ummada, iyo Sed-bursi aan xad laheyn, iyo Shalay hadii eey taada/tiina aheyd maanta waa teyda/teena, iyo qodabka midkasta uu ku sifoobayo ee ah in uu “la dagaalamayo cadaalad darro lagu sameeyey isaga iyo qaraabadiisa iyada uu isaguna cadaalad darro kale abuurayo marka kursiga uu gaaro”, taasoo ah Silsilad nasiib darro ma dhamaato ah.

GABAGABO IYO GUNAANAD

Waan jeclaan lahaa in aan maanta warbixintan ka qorayo 26-ka June, iyo 1-da July, nasiib darrose waxaa qalbiga Soomaali kasta ka Ololaya waxa wadankeenii uu maanta ku sugan yahay, ee ah: gumeysi, burbur, barakac, xasuuq, gaajo, sicir barar, Saxaraha ku dhamaasho, Bada ku baabi’id, Xabsiyada Aduunka ku saxariirsanoow, xerooyin Qaxooti ku dacdareeysnoow, kuwo qabyaalad ummadii usii kala qoqobaya oo ku leynaya iyo kuwo u sacbiyana. Iyo in yar oo waxa dhacaya ka xun oo aad uga tiiraanyeysan wax eey ka qabankaraanse uu iska yaryahay.

Ummadeena Soomaaliyeed waxeey is taahishaa Mustaqbal kan ka wanaagsan, weey ka bixidoontaa haduu Alle idmo.

Fadlan halkan ka daawo qudbadii Zulfiqar Ali Bhutto uu ka jeediyey Golaha Amaanka: http://www.youtube.com/watch?v=qYHUJBRRnc4&feature=related

MAHADNAQ

Waxaan si Kal iyo Laab ah ugu mahadnaqayaa walaalkeey iga yar Eng.Cali Maxamed Cismaan “Cali Nuur’ Saaxiibkeyga qaaliga ah Mr. Maxamed Muqtar Cali iyo Dumaashidey Naciima Axmed Yuusuf “Ummu Sumaya” Oo xaqiidii si hufan igala shaqeeyey ururinta, qorista iyo soo bandhigida warbixintan Muhiimka ah.

Codsi: Fadlan wixii talo, toosin, sixid iyo dhaliil ah waxaan u dhiiragelinayaa una soo dhaweynayaa si Maskax iyo Qalbi furan. Fadlan iigu soo hagaaji e-mailkeyga la socda warbixintan, adigoo mahadsan.

Wabillahi Toqfiiq

Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdi Boqor”  
 
MBA (MKT) Bahria University

Karachi- Pakistan 
 
Email: abdulkadirphd@hotmail.com 
 
Mobile No: 0092-3002477489

Faafin: SomaliTalk.com |  August 14, 2008

 

BAARID | SEARCH


WAREYSI: Professor Axmed Ismaaciil Samatar
“Itoobiya naguma soo duusheen haddaanu leennahay madax iyo dowlad dhab ah” Akhri

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS