SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

U codee oo codkaada sii musharaxa Soomaaliyeed mudane Zakaria Mohamud Haji Abdi ee tartamaya inuu ka mid noqdo xubin ka tirsan Baarlamaanka magaalada London (Member of London Assembly Candidate of Respect 1 MAY 2008).

Dhamaan Soomaalida dagan magaalada London, waxaa la ogaysiinayaa inay bilaabatey campaign-kii doorashada Duqa magaalada London ( Mayor of London) iyo tan baarlamaanka magaalada London( London Assembly), doorashada ayaa waxaa u sharaxan sanadkaan musharaxiin ka kala ah.

· Mr Zakaria Mohamud Haji Abdi Candidate Member of London Assembly, Respect 1 MAY 2008.

· Mayor KEN LIVINGSTONE Candidate Mayor of London, 1 MAY 2008.

· Mr George Gallaway Candidate Member of London Assembly, Respect 1 MAY 2008.


Zakariya iyo George

KEN LIVINGSTONE

Waxaa u sharaxan duqa magaalada London markii sadaxaad Mayor Ken Livingstone oo ah nin aad saaxiib ula ah dadka laga tira badan yahay ee magaalada London dagan qaasatan dadka Muslimiinta.

Waxaana u sharaxan baarlamaanka London (London Assembly) sanadkaan xisbiga Respect ee George Gallaway, mudane Zakaria Mohamud Haji Abdi oo ah nin Soomaali haystana dhalashada dalka Ingiriiska, mudane Zakaria ayaa noqonaya ninkii ugu horeeyay ee Soomaali ah ama Afrikaan ah ee isku soo taaga lolanka doorashada baarlamaanka magaalada London ( London Assembly).

London Assembly waxaa u sharaxan 25 qof sanadkaan, hadaba Xisbiga Respect ayaa waxaa u sharaxan George- Gallaway oo ah ninka sida weyn uga soo horjeestay duulaankii dalka Iraq iyo Afganistaan ku qaadeen ciidamada xulufada la ah dalka Mareykanka .

31 Maarso 2008 ayay xisbiga Respect ka bilaabeen London City hall campaign-kooda ku aadan olalaha doorashada Mayor-ka London iyo London Assembly ee baarlamaanka magaalada London.

Hadaba waxaan ogaysiinaynaa dhamaan jaaliyada Soomaaliyeed ee dagan magaalada London si xushmad leh inay iska diiwaan galiyaan ka hor 16 April 2008 codbixinta duqa magaalada London iyo baarlamaanka magaalada London.

Waxaadna iska qori kartaa si aad ugu codeysaan musharaxiinta website hoos ku qoran:

www.londonelects.org.uk  ama link ka gal http://www.londonelects.org.uk/default.aspx.

Sida ugu sahlan ee aad isaga qori karto waa inaa gashaa link hoos ku qoran,kadib xaafada aad dagan tahay, iska qor,waxaana muhiim ah inaa registergareyso inta qof aad ka qayb gali karto cod bixinta ee qaan gaarka ah ee xaqa u leh inay codkooda dhiibtaan ee ku nool aqalkaada.

http://www.londonelects.org.uk/

Jaaliyada Soomaaliyeed ee dagan magaalada London ee haysta dhalashada( EU citizens)wadamada Yurub way codayn karaan sida ay u cadaynayaan kuwa haysta British-citizens, hadaba walalayaal waxaan si Soomaalinimo ah idin kaga codsanaynaa inaad ka qayb qaadataan codbixinta,waayo qofkii cod ku leh dowlada ayaa la maqlaa ama la dhagaystaa warkiisa, waxay rabaan jaaliyadaha inay garaan ama ka cabanayaan, jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada London, waxay xaq u leeyihiin inay codkooda siiyaan dad ku hadli kara ama wax ka qaban kara dhibaatooyinka Soomaalida ku haysta dalka Ingiriiska, sida shaqo la'aanta, dhalinyarada ku jirta xabsiyada, guri la'aanta iyo kuwa sharciyada haysan.

150.000 oo qof Soomaali ah ayaa ku nool magaalada London ama ka badan in aysan ku yeelan xaquuq ama aysan lahayn dad saaxiibo la ah oo ku jira dowlada Ingiriiska, hadii ay ahaan laheyd Baarlamaanka Ingiriiska, Mayorka,iyo baarlamaanka magaalada London, ma ahan wax dhici kara inaan ku noolaano wadamadaan, hadana aynan ka muuqan masraxa siyaasadeed, iyadoo ay wada danaynayaan xisbiyada ka jira dalkaan codkeena.

waxaan rajaynaynaa inaad siisan codkiina, duqa magaalada London iyo Baarlamanka London musharaxiinta u tartamaya.

Iska diiwaan gali codbixinta ka hor 16 April 2008 Internetka online ama tag Councilka aad dagan tahay ama Public liberary.·

U codee oo codkaada sii musharaxa Soomaaliyeed mudane Zakaria Mohamud Haji Abdi ee tartamaya inuu ka mid noqdo xubin ka tirsan Baarlamaanka magaalada London (Member of London Assembly Candidate of Respect 1 MAY 2008).

Ugu hiili ama sii codkaada walaalkaada Soomaaliyeed, codkaada adigoo ku mahadsan

Mahadsanidiin

Contact and more information

Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
mrsomalia@gmail.com

Akhri: LONDON: 1-da May: Maalinka Doorashada.  

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 4, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com