SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
gaariSomaliTalk: Hadalkii Wasiirka Waxbarashada DGPL waa Baroortu Orgiga ka Weyn
Hay'ada UNESCO ayaa waxbarashada Puntland ugu deeqday gaari iyo buugaag, laakiin..
Akhri...

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA



2002: BORLANGE IYO SOMALITALK.COM
 


Dib’uheshiisiinta Soomaalida oo laga dayriyey

Axmed-shiil Muxumed

ahmedshil@yahoo.com

Borlänge, Sweden 


Bismillaahi, wassalaatu wassalaamu calaa Rasuulilaahi.

Horudhac

Lagasoo billaabo1992 dii waxaa dhagaha dad badan kusoo dhacayey shir dib’uheshiisiin ayaa la’isugu yeedhay, ama usocdo ama usoo dhammaaday dad mathalayo Soomaali, waxaanan filayaa inay dad badan xusuustaan inay dhibaato ba’an dhalato markii shir dib’uheshiisiin ah la’isugu yeedho ama la’isugu yimmaado sidoo kale markuu dhammaadana colaad hor leh oo kaqaab daran tii hore ay billaabato. Marka aan iswaydiinno ee maxay tahay dib’uheshiisiintan uun dagaalka iyo qaxarka sababayso had iyo goor illaa iyo haddana aan lahayn dib’uheshiisiin midho dhashay, middii ugu danbaysay ee Embageetina ayba dalkii cadow gacanta ugalisay oo uu maanta xaal marayo inaan hoos jiifno Gumaysi ka ugu xun ee ugu hooseeyo inta wax gumaysato. Bal aan isla’ eegno oon qiimaynno marka dibuheshiimihii hore iyo middan ugu danbayso ee uu hadda Cali Mahdi madax uritay.

Yaa heshiin? Maxaase lugu heshiin?

Horta si dad loo heshiisiiyo waa in colaad ama khilaaf jiro oon ulajeedo inay jiraan dad cayiman oo iskuhaysto wax cayiman si markaana miiska la’isugu keeno loona falanqeeyo dhibaatadoodaas cayiman. Dibuheshiinta maanta laga dhawaajiyey ee Cali Mahdi madaxa looga dhigay waa midaan sal lahayn maxaa yeelay majirto maanta dhibaato soomaali dhaxtaallo oo ubaahan in laga heshiiyo. Majirto maanta laba qolo ay colaad wayn udhaxayso marka laga reebo xurguftii yaryarayd ee waligeed jiri jirtay taana dibuheshiisiin uma baahno ee waxay ubaahan tahay dawlad tayo leh oon gumaysi kuhoos jirin sidoo kalena aan taangi xabashi gabbaad kadhiganayn. Iskadhaaf colaad Soomaali kadhaxjirtee xurguftii yarayd ee jiri jirtay xitaa waa la’illoobay kadib markii gumaysiga carradeenna udgoon kukaadiyey oo nijaaseeyey. Ma’istidhi hadalkaa dibuheshiisiinta ah hadal meesha yaallaba ma’aha xilligan lajoogo iyo xaaladdan lugu jiro.

Yaa kuhabboon oo dadka heshiis umathali? 

Ma Xisbi siyaasi ah oo mabaadii’ kufadhiyo

Marka lahubsado inay jirto dhibaato loo baahan yahay in laga heshiiyo gobollada dalka dadka kala daggan waa inay sammaystaan ama ay leeyihiin xisbiyo siyaasadeed oo mabaadii’ kusalaysan lehna hoggaamiyayaal nadiifa oo kadaacad ah siyaasadda ay umathalayaan dadkooda. Waxba soo kordhin mayso in urur la’isaga dhawaaqo oo loo sammeeyo magac lasoo gaabiyey oo kabillowdo erayga S oo kadhigan Soomaali. Rabbi markuu aduunka abuuray wuxuu udajiyey Sunan (nidaam) ay wax walba kuhirgalaan haddii marka sunankaa laga leexdo waa lafashilmaa haddaanba lahalaagsamin, saasoo kale ayay uwada fashilmaan ururada siyaasdeed ee ay soomaalida sida degdegga ah usammeeyaan ayagoo hadafkoodu yahay inay dano dhow dhow ku qunsadaan awoodda gacanta ugashay. Ururka siyaasiga ah waa inuu kadhashay maskax fiyoow oo wanaag doon ah sidoo kalena caqli iyo mabaadi’ iyo xeerar rasmi ah kudhisanyahay.

Mise qabiilka ayaa boodhka laga jafaa oo labaalashaa?

In qabiillada ay soomaalidu ku’abtirsato uu isbadal wayn min sal iyo baar uu kuyimaaddo mooyee qabiilka wax midho dhalo laguma gaadhi karo haddaanba lugu khasaarin sida hadda taagan. Way dhici kartaa in arrin lugu qaboojiyo iyadoo loosii marayo qaab qabiil wakhti xaddidan laakiin wax intaa dheer haka sugin. Taas macnaheeda waxay tahay inaan laga fursanayn in lacasriyeeyo qaabka uu qabiilku udhisanyahay. Tusaale ahaan in qabiilka casilo Ugaaska, Suldaanka, nabadoonka, caaqilka, samadoonka iwm luguna badalo Guddoomiye, Guddi fulin iyo Gole Wadatashi, sidoo kale waa in sharciyo rasmi ah loo sammeeyo qabiilka si’uu unoqdo urur casri ah oo lajaanqaadi karo xaaladda uu aduunku marayo maanta. Madaxda ladoortay ee qabiilka waa in mushahar joogto ah loo qoro si’ay uga badbaadaan laaluush iyo musuqmaasuq kale oo kahoristaago shaqadii loo igamaday. Sidoo kale in loo sammeeyo maamulkaas sharci rasmi ah ooy kushaqeyaan oo ay suurtogal tahay in laciqaabo hadday sharciga jabiyaan ama hawshii loo wakiishay kalleexdaan. Haddii qabiilka lacasriyeeyo oo laga dhaqo fawdadan uu maanta kusugan yahay iyo xasillooni darrada wuxuu noqon karaa urur lagu fuliyo danaha bulshada uu markaa mathalayo. Waxyaabaha ugu daran ee salka u ah fashilka siyaasadaha iyo dibuheshiisiinta soomaaliya ayaa ah in wax walba lagu saleeyo urur aan jirin marka la eego nidaamyada ururrada lugu yaqaanno. Sideey kudhici in horumar haba yaraadee lasammeeyo illaa inta ama laga xoroobi ururkan qabiilka ah ama laga casriyeyni oo laga xakamayni gacan bir ahna lugu qabani. Qof kasta oo soomaali ah wuxuu sheegan karaa inuu qabiilka uu kadhashay uu afkiisa kuhadli amaba uu shir umathali asagoon cidna soo dirsan cid dabagal iyo kormeer kussamaynaysana aysan jirin. Waa mustaxiil marka in urur fawdo kujiro 365 ta maalmood ee sanadka oo dhan oon meel loogusoo hagaago iyo mabaadii’ lugu gartana aysan jirin uu wax xasiliyo ama hagaajiyo maxaa yeelay asaga laftiisa ayaaba ubaahan in lahagaajiyo oo laxasiliyo. Qaabka uu udhisan yahay iyo mabaadi’diisaba waxay kasoo jeedaan falsafo jirtay kummannaan sano kahor xilligii nolosha jahliga lugu jirey, dadka kutiirsan mabaadii’diisana waa dad kunool nolol jahli ah oo lagasoo gudbay kummanaan sano kahor.

Haddaan dibuheshiisiinta aanan loo marin waddo haboon oo habqan iyo isdabawareegan lugu jiro waxay kadhigan tahay adoo gaadhi shidaal kushubtay dhaqaajiyayna balse aan ogayn meel aad udhaqaajin iyo waxaad udhaqaajin, taasoo kadhigan inaadan xitaa qiyaasi karin ogaansho iska dhaafee waxa kasoo bixi safarkaa aad billowday. Kasoo billow 1992 dii illaa iyo maanta dibuheshiisiin kasta khasaare iyo dibudhac ayaa kasoo baxayey tii ugu danbaysayna ayba isku fuuqsatay kuwii hore oo dhan maxaa yeelay Soomaaliya maanta waxay 100% lamid tahay Zoonka shanaad ama dhulka ay xabashidu gummaysato, maxaa yeelay Malez ayaa 100% xukuma asaga ayaa go’aamin tallaabo kasta oo laqaadi. Illaa laga jabiyo oo uu kabihiisa kacararo hakayaabin inuu faraha kalabaxo Soomaaliya maxaa yeelay dad gaadhayo 10 000 000 iyo dhul gaadhayo 637000 KM ayuu bililiqaystay asagoo adeegsanayo ashkhaas jaho wareersan oo uu kulaaluushay waxaan macno lahayn.

Ergo Dayac iyo duruuf qallafsan kunool:

Sikasta oo loo qorsheeyo eragada loo diri disbuheshiisiinta iyo wadahadalka waa inaanay noqon dad fara madhan oo ayagoo murduxan lagu sii daayo hawdka dugaaggu kabuuxo si aan caydhiinka loogu cunin. Shirkii ugu danbeeyey hadda ee Embageeti waxaan filayaa inuu qof walba xusuusto foolxumadii lagasoo tabin jiray; sida siyaasiyiintii madasha joogtay oo cuntadii laga joojiyey oo gaajaysan, siyaasiyiintii madasha joogtay ayaa farqaha loogu dhaggan yahay kharashkii hoteelka iyo cunto ay cuneen iwm, siyaasiyiintii oo bannaanka loosoo tuuray kadib markii kharashkoodii labixin waayey iwm. Waxaa kamuuqatay darajada iyo qiimaha ay leeyihiin dadka ina mathalayo shirkaas iyo kuwii kahorreeyeyba, maxaa yeelay shakhsi aan waxba haysan kolkiisii horena aan mabda’ iyo karti kale haynin wuu dayacan yahay oo cidii rabto ayaa iibsan kamana duwano xoolo laxaraashi oo suuqa yaallo oo markaas wixii larabana lugu shuban, waxaana meeshaa  kukhasaari cidii soo dirsatay ee wax kasugaysay. Haddaad ergo dirsani waa shardi inay ergadaas madax bannaanaato oo ay xag dhaqaale iyo xag ammaanba kakaaftoomaan cid kale haddii kalese waa dad dayacan oo ciddii xoogaa haysato ay iibsani.

Cali Mahdi oo carcar qaba?

Waxyaabaha layaabka leh waxaa kadim ah in Cali Mahdi oo larabay inuu noqdo shakhsiga ugu waayo aragsan markay noqoto dibuheshiisiin isubadasha dagaal dibuhurin kabahana ugasoo dhammaadeen dagaallo qabali ah oo lagu hoobtay maato badanna lagu xasuuqay Soomaali maanta lasoo horistaago waxaan guddoomiye u ahay guddi dibuheshiisiin iyo wax lamida. Cali caqliga xagguu kamaray? Soo kii lalahaa ma’ahayn siyaasad wuu kabaxay oo masjid uu dhisaybuu kucibaadaystaa!

Hal waa suurtogal haddii Itoobiya miiska soo fadhiisanayso illeen iyadaa dulmi iyo dhulqabsi kukacdayee oo ay wadahadallo lagali dadka Soomaaliyeed iyadoo lagawada hadlayo siday kabaheeda Soomaaliya uga qaadan lahayd. Iima muuqato waxkale oo lagawadhadli karo maanta ama cid kale oo ay mudan tahay in lalahadlo. Haddiise askari itoobiya wadahadal lalagali waxaa ugu xaq leh Genaraal Gabre oo lahubo inuu xabashi dhalad ah yahay sidoo kalena yahay ninka masuulka dhabta ah ee ujooga dawladda Itoobiya dalka Soomaaliya. Gabre waa ninka go’aaminaya inta qof ee lagummaadi, inta labarakicin, inta loo dhoofin xabsiyada cadaabka ee loo dhistay in muslimiinta lugu cadaabo, inta xaafad ee laburburin iyo inta guri ee lagubi. Nimankii lahaa dawlad baan nahay adigu meelay cidhib dhigeen sheeg, waxaa lasheegay inay min toban taangi iyo toban madaafiicda rocket ka loo yaqaanno ee BM ka ay iksuwareejiyeen oo markay kabaqaan  in loosoo dhawaadaba ay madaafiic ufirdhiyaan bidix iyo midig. Marka Caliyoow adiga xaggeed katimid? Maxaadse doonaysaa? Mahaddaadse dhalatay? Miyaadan ahayn madaxawaynihii lagusoo doortay shirkii Jabuutti ee sidee waxkale looga sugayey kadhamaan waayey inuu xaafadaha Xamar kula diriro Genaraal Caydiid dagaal qabyaaladeed oo foolxunna tobanka farood lagalo.

Ugu danbayntii

Adduunyada allaa uumay dadkana ku abuuray sidoo kale usammeeyey nidaam iyo qaab loogu noolaado oo usahasha dadka kunoolaashahooda aduunka. Soo dhibaato ma’aha haddaan annagoo muslinimo sheeganayno aan fahmi wayno nidaamkii iyo xikmadii diinteenna noo sheegtay oon kadooranno aduunyada waxaa nidaamyo kala duwan oo kala fiican looga dhaqmo kii ugu foosha xumaa oo kusalaysan qabyaalad fawdo ah oo waxay buruburiso mooyee aan waxba dhisin. Soo dhibaato ma’aha haddii meel walba nalaga bartay oo kolba cid noo yeedhato ooy dhahdo xoolihii iscunayey baan dibuheshiisiinaynaa ooy waliba dillaal dushayada kuqaadato. Waxaan umalayn in lagaadhay markaan kawaynaan lahayn foolxumadaas cawrada noqotay.

Saddexdii Weer ee Soomaali naafeeyey Awood marooqsi iyo amarkutaaglayn Akhri

Axmed-shiil Muxumed
Borlänge, Sweden
ahmedshil@yahoo.com

"Anigu dayax nuuri baan dilay" Qisadii ninkii Geeljiraha ahaa.  Akhri...

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: April 26, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com