SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
gaariSomaliTalk: Hadalkii Wasiirka Waxbarashada DGPL waa Baroortu Orgiga ka Weyn
Hay'ada UNESCO ayaa waxbarashada Puntland ugu deeqday gaari iyo buugaag, laakiin..
Akhri...

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Mar 11, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (70), Muqdisho (74), Beledweyne (77), Baydhabo (85),  Galkacyo (106),
Sarbeebtii Diinaari


Saddexdii Weer ee Soomaali naafeeyey 

Axmed-shiil Muxumed

ahmedshil@yahoo.com

Borlänge, Sweden 


Bismillaahi, wassalaatu wassalaamu calaa rasuulilaahi 
 

Horumdhac 

Weerku waa xayawaan kunool duurka siiba dhulka suubaanka ah, wuxuu ugaadhsadaa oo cunaa adhiga, waa xayawaan kaduwan dugaagga kale ee xoolaha cuna sida libaaxa, dhurwaaga, dawacada, yayda, shabeelka, haramacadka iwm. Wuxuu xayawaankan uga duwanyahay kuwaas kale ayaa ah, markii uu helo adhi meel cidla ah joogo meesha ay xayawaannada kale cunaan oo kaliya hal neef ama laba neef oo ay intaas kuqancaan weerku wuxuu iskudayaa intuusanba waxba cunin inuu horta 100% wada laayo adhiga asagoo neef walba halbawlayaasha mara margiyada jarayo oo markaa neefku sidaa kudhiigbaxo kuna bakhtiyo. Waxaa dhacda inuu hal weer meel kahelo 100 neef oo adhi ah oo ama baylah ah ama uu ilmo yari lajoogo, laysmo ayuu kubillaabaa kamana tago illaa uu 100 kaba katakhaluso. Mar hadday siyaasiyiintii soomaalida dugaag dadkoodii cunayo noqdeen, waxaan jeclaystay inaan kalasoo dhaxbaxo saddex aan u’arko inay ayagu weer lamid yihiin kuwaasoo dal, dad iyo diinba aan waxba kareebin waxay taraan iskadhaafee.  

1-Sarreeye Gaas Maxamed Siyaas Barre 

Iyadoo Soomaalida lugu tilmaami karo ummad jirto oo magac leh oo qaran leh oo dhulna haysato kuwo kalena xaqdarro iyo dulmi uga maqanyihiin ayuu 1969 kii maalin madoow boobay xukunka dalka sarkaalkan asagoo maraanmarsiiyo kadhiganayo inuu badbaadinayo Soomaaliyo iyo soomaalida. Intaa wixii kadambeeyey waa sheeko dheer oonan soo koobi karin oon udayni bugaagta taariikhda. Bal aan sikooban uga hadlo wixii jirey iyo wixii dhacay. Maxamed Siyaad Barre wuxuu gacanta kudhigay soomaali oo mid ah, oggol inla hoggaamiyo sidoo kale iyada is’oggol walaalana isu aragto. Way jiraan waxyaabo aan badnayn oo wanaagsanaa oo uu sammeeyey balse waxaa isku fuuqsaday wanaaggiisa oo dhan mashaqada uu abuuray oo illaa iyo maanta taagan lagana gudbi la’yahay. Waxyaabihii uu sammeeyey ee naafeeyey soomaali meelkasta ooy joogtona waxaa kamida waxyaabahan hoos kuxusan; 

Awood marooqsi iyo amarkutaaglayn

Wuxuu isku koobay awooddii dalka oo dhan kaligii, wuxuuna khasab ooga dhigay dadkii in maskaxdiisa maskax laga wada dhigto caqli kalena mamnuuc yahay. Arrintaa waxay sababtay inay 7 milyan ee soomaali lagu qiyaasay xilligaa ay noqdaan dad xabsi kujiro oo ay neeftii kudhagtay. Qofka hadii laxidho oo laga joojiyo dhaqdhaqaaqii iyo waxqabadkii uu bani’aadam ahaan ubaahnaa waxaa isdhimi garaadkiisa iyo kartidiisa. Arintaa ayaa kudhacday soomaali kadib markuu 21 sano aabahood kadhintay ooy agoontoobeen illeen waxay ahaayeen dad aan maskaxdooda adeegsan oo maskax kale isku tiiriyey. Markay meesha kabaxday maskaxdii la’adeegsanayey waxaa lagalay marxalad aan laga dabbaalan karin loona diyaar ahayn, waa lajaho wareeray, waa la’isku kharaaray oo la’is eedeeyey oo caydhiinka la’isku cunay, maxaa yeelay intuu dadkii afduubay oo indhaha iyo dhagaha tirey ayuu saxaro cidla ah uga cararay. Waxa kaliya ee uu bartay ama uu fahmo ninka siyaasadda soomaaliya  hunguriyeeya ayaa noqotay inuu tiisa marsado oo uusan daryeelin tu kale dadkana markuu lahadlayo uu usheego waxay rabaan tiisana kawato, maxaa yeelay saasa ah habdhaqanka siyaasadda ee uu bulshada baray aabihii Kacaankii barakaysnaa. Meesha caalamka looga yaqaanno siyaasad inay tahay aragti iyo mabaadii’ loo adeegsado horumarinta bulsho iyo kuduwid waddo fiican soomaaliya waxaa looga yaqaanna amar kutaaglayn iyo jeebka kabuuxso wixii aad gacanta kudhigto sidoo kale cidna ha unixin danna hakagalin. Waana tadhashay maanta inay niman mutucallimiin sheeganayo oo isugu yeedho MP (xildhibaanno) wasiirro iyo darajooyin kale oo badan ay asakar unoqdaan dawladda Itoobiya dalkoodiina xididdo siib kubillabaan, maxaa yeelay caqligoodaba kuma jirin kumana jirto inay dadkooda wax uqabtaan ee meesha waxaa loo joogaa in laga lacagaysto ragna la’isaga dhiciyo hadday suurtogasho. Mashaqada taagan iyo dalkan gumasyiga lagaliyey intooda badan maba fahmsana oo hawlahoooda kale ayey kumashquulsan yihiin.  

Diin ladirir iyo iskuday suulinteeda

Wuxuu dagaal ba’an kuqaaday diinta islaamka maadaama ay diintu kudhiirri galiso dadka inay caqligooda isticmaalaan horayna umariyaan, cabsi uu kaqabo in laga xoroobo oo laga dhaafo magacyadii loogu yeedhi jirey sida (aabihii ummaddoow ifka noo joog iyo kuwo kale oo badan). Culimadii dadka diinta bari lahayd ayuu waxna hadh cad hilibkooda caydhiinka kucunay intii kalena qaarna xiniinyaha kasiibay qaarna baacsaday, kadib wuxuu soo rogay diin uu asaga sammaystay sidii Jingis Khaan oo ugu magacdaray (hantiwadaagga cilmiga kudhisan), Wuxuu iskudayey xitaa inuu meesha kasaaro quraanka kariimka ah si uusan ugu noqon halis ligligta asagoo markuu xoogaa joogaba aayad nasakho. Wuxuu sammastay halkudhagyo iyo heeso uu ugu talogalay inuu quraanka booska uga riixo. Waxaa kamid ahayd heesahaas midii caanka ahayd ee la’odhan jirey (guulwadoow siyaad aabihii garashada gayigayagoow) ee ay khasab ahayd in subax walba lugu faataxaysto intaan hawlba labillaabin. Waxaan umalayn inuusan jirin qof soomaali ah oo soo gaadhay odayga soomaaliyana joogay oon heestaa qaadin. 

Dumarkii ayuu kukhasbay inay Sarwaal xidhaan oo ay dariiqyada gaardiyaan sidii raggii iyadoo la’ogyahay inay diintu mamnuucday arrinkaa. Markii danbe inay dumarku xidhaan sarwaal sida raggoo kale waxay noqotay wax caadi ah oo la’aqbalo oonba dhib loo arag maadaama uu aabbihii ummadda jideeyey. Wuxuu ishortaagay tallaabo kasta oo la’iskudayey in shacaa’irta diinta kor loogu qaado, saasooy tahay wuxuu dhihi jirey waxaan ahay muslim. Siduu mabda’islaamka u colaadin karaa oo ula diriri karaa una sheegan karaa inuu aaminsanyahay? Ladagaallanka diinta iyo culimada iyo in laga hortago in sharciga islaamka lugu dhaqmo ee aynu aragno maanta inay halkudhag utahay siyaasiyiinta Soomaalida asaga ayaa jideeyey oo dadka baray. 

Burburin iyo fasahaadin caqliga iyo dareenka bulshada

Nidaamkii kacaankaas wuxuu kusalaysnaa inay dadka adeecaan oo ay qaataan wuxuu layimmaado waxwalboy noqdaan, qofkii kahor yimmaaddo seefta ayaa latagaysay. Arrintaa Waxay abuurtay dareen ah inuu qof kasta kafekro inuu raalli galiyo odayga kaligii oo uusan dhinac kaleba eegin. Dadkii dawladda ushaqaynayay waxay fahmeen inay wax walba sammayn karaan marka laga reebo kahorimaadka odayga iyo siyaasaddiisa. Halkaas waxaa ka’abuurmay musuqmaasuq naafeeyey caqligii bulshada iyo kartideedii oo ay gaadhay heer ay waxba kala socon waayaan oo wixii xitaaa jirey ay tayo beelaan. Musuqmaasuqaa wuxuu kumilmay dhaqankii soomaaliga ahaa oo wali wuxuu hayaa soomaali meel kasta oo ay joogto ama Kenya ama Somaliland, ama Zone 5aad, ama Puntland amaba koonfurta soomaliya ama soomaalida kunool qurbaha caalamka hore umaray. Qofka soomaaliga ah maanta inuu shay usabro oo uu uhalgamo waxaa uga fudud inuu laaluush bixiyo si uu durbaba uhanto wixii uu rabay. 

Aqoon ladirir iyo horumar kahoristaagid bulshada

Wuxuu ishortaagay wax alla wixii ummadda horumarin lahaa sida, isgaarsiinta, caafimaadka, waxbarashada iyo laxidhiidhka caalamka. Heer waxaa lagaadhay ay adkaato in soomaaliya dibadda taleefan lagula xidhiidho heer uu dalkoo dhan lahaado hal dayuurad oo lagu duulo fayl dheerna loogalo. Heer xitaa aan cudurada sahlan aan ladawayn karin, heer waxbarashada aasaasiga ay kukoobnaado barashada afka soomaaliga maadaama dugsiyada aasaasiga macallimiin looga dhigay arday laftoodaa soo dhigatay dugsi aasaasi ah oo u baahan ayaga waxbarasho in lasiiyo. 

21 sano oo dib usocosha ah

21 sano ayuu dalka xukumay, 21 sano waa wakhti dheer oo ilmihii ladhashay qof wayn noqday, aduunyo dhan ayaa lugu badali karay wakhtigaas oo isbadallo qotodheer ayaa lugu hirgalin karay. Bal Maxamed Siyaad siduu madaxa uga fadhiyey oo dhuunta uhayey soomaali iyo soomaaliyaba ayuu markuu ogaaday inay sakaraatul mawt kii kujirto isaga dhaqaajiyey si’ayna rafashadeeda lugta ugu galaafan. Wixii intaa kadanbeeyey wixii dhacay waa taariikh la’isla ogyahay oo cad. Dadbaa laga yaabaa inay kudoodaan waxaad kaboodday intii wanaagsanayd ee duqa sammeeyey adoo buunbuuniyey intii xummayd, taasna waxaa ujawaaba qofka dal dhaqan iyo dad dhaqan madax unoqdo markuu ugu xummaado waa inuu katago dalkaas oon kaliidan sidii uu ugu yimid. 

2-Sarreeye Guuto Maxamed Faarax Caydiid 

Wuxuu kusoo baxay loolankii lugu tartamayey dhaxalkii raqdii uu katagay weerkii hore. Maxamed Faarax Caydiid wuxuu noqday ninkii ugu xoogga badnaa ee koonfurta soomaaliya kasoo baxo kadib Maxamed Siyaad. Wuxuu culayska saaray asagoo kusocdo nidaamkii hore loo bartay ee khaldanaa luguna maahmaahi jirey haweenka taasoo ahayd “Dumar beenna kuusoo xero gali runna ku dhaq” taasoo loola jeedo kolka horana dadka sir oo ubeensheeg markaad kugaadho dantaadana runta farta kasaar. 

Ishortaag waxwalba oo larabay in lugu badbaadiyo dadka iyo dalka

Waxay dad badan uxayteen in dalka iyo dadka ladabaqabto wixii kahadhay weerkii hore, heshiis kasta oo lagaadhay, iskuday walba isbaaro ayuu udhigtay. Waxaan ka’ahayn in asaga madaxwayne loogu yeedho ama loo hogaansamo waxay noqdeen wax kudhacay dhago qafilan. 

Macaluushii koonfurta Soomaaliya

Waxaa dhacday iyadoo dakadda muqdisho raashin fara badan oo deeqa uu yaallo oo ay kuxidhan yihiin laba markab oo raashina oo midna Sucuudiga kudeeqay midna ay Argantina kudeeqday in ay boqollaal kun oo qof ay macaluul udhintaan. Maxamed Faarax wuu ishortaagay in labixiyo raashinkaa loona geeyo dadka macaluulayo maxaa yeelay ciidankiisa ayuu rabay inuu mushahar iyo raashinba uga dhigto. Wuxuu lasoo baxay aabayeeldarradii looga bartay Ninkii kahoreeyey. Innaba hayaraatee wax naxariis ah uma galin jiritaanka iyo mustaqbalka ummadda soomaaliyeed. Hal shay ayaa madaxa uga jirey inuu awooda dalka helo waxay kukici hakukacdee. 

Soomaaliya waxay xilligaa maraysay xilli xasaasi ah oo ay suurtogal ahayd in wax lafarsmmeeyo si la’isugu dayo in labadbaadiyo dadkii iyo dalkii. Wax walba wuu ishortaagay waxa walbana waa diiday marka laga reebo waxuu asaga keeno oo uu is yidhaa dantaada gaarka ah hirgalinteeda ayey kuu sahli. Markuu albaab khayroo dhanna xidhay intii kabadbaaday weerkii asaga khorreeyeyna galaaftay ayuu xijaabtay.

3-Gaashaanle Sare Cabdullaahi Yuusuf Axmed (wiil balaayo) 

Cadawgii dibadda ka burburinayey dalka

Wiil Balaayo asaga meeshaa labadii weer ee kahorraysay ay gudaha ummadda kacuryaaminayeen ama horumar, isfaham iyo midnimo uga dhaarteen oo xadhka furfur gudaha kawadeen asaga xadhkaha ayuu dibadda kagoynayey asagoo qaadayey tallaabo kasta oo uu qaadi karo si’uu unaafeeyo jiritaanka ummadda soomaaliyeed. Heer wuxuu gaadhay islawaynan dartii uu yidhaahdo halkudhagii ahaa (Soomaali wayn) waa laga tagay waana dhintay asagoo kuraalli galinayo madaxiisa Males Zenawi. Waxaa kahoos baxday inuu fahmo inuusan asaga allifin aragtidaa iyada ah hirgalinteedana aan looga fadhiyin.  

Lakad aan nasan, daalinna sidoo kale aan nixin

Marka labarbar dhigo labadii weer ee kahorraysay rafaadka uu usoo maray xukun raadin waa kadheeraa kana dhib badnaa labadaas kay soo mareen, waxaana halkaas laga fahmi karaa inuu kasabar badnaa oo uu leeyahay dulqaad dheer. Mar alla markii layidhaahdo ninkii dabayshaa qaadday oo uu muddo dhafoor xummaado unbuu haddana meel budh kasoo dhihi, saasooy tahay wuu kanasiib xunyahay labadaa ninee kale maxaa yeelay erayo badanoo asaga taariikhda ugalay haddana lugu caayo ama lugu dacaayadeeyo maqabato labada weer ee hore. Waxaad mooddaa inay kacalool adkaayeen ugana xariifsanaayeen xagga hogaaminta iyo iskudubaridka ayagoo kudadaali jirey inayna cidna uga danbayn ama uga amar qaadan hawlahooda. Labada hore waxay xitaa isha farta kagaliyeen Maraykanka oo caalamka inta badan u khushuuco ayagoo kaceshanayo xayndaabkooda. 

Nin aan lahadaf iyo ladhaqan ahayn dalka iyo dadka uu rabo inuu xukumo

Markaad barbar dhigto labadii hore waxaa kuusoo bixi inuu aad uga duwanaa dhinacyo badan maxaa yeelay sikasta ooy uxummaadaan sikasta ooy unaxriis darraadaan qof kasta oo soomaali ah shaki ugama jirin waxa ay yihiin iyo waxa ay rabeen.Inta kale soomaalida ayey lawadaageen waxaan ka’ahayn inay xukunka dadka kaxigsadaan ooy kaligood dhaxal isu siiyaan. Laakiin weerkan danbe uma muuqdo nin udhashay dalka ama wax lawadaago.

Sidoo kale mamoodid inuuba hal shay lawadaago dadk uu rabo inuu xukumo. Taasna waxaa udaliil ah inuu mar alla markuu fushan waayo wuxuu rabo uu uyeedho cadow shisheeye oo uu yidhaa baab’iya oo burburiya dadaan waxba galabsan kadib markuu asaga awoodi waayo inuu muquuniyo. 

Ficilkiisaa caynkaa ah wuxuu dhaliyey in maanta Itoobiya hanato Soomaaliya. Inay Itoobiya maanta shacabka kugummaadayso hawdadkii Wabiga Jubba. In Itoobiya loona maalgaliyo ciidankeedii loona dhiso qandaraasna lugu siiyo gacan kuhaynta soomaaliya. Inuu quwadaha waawayn utuso inay soomaaliyada miskiinta ah halis kutahay oo xitaa maraykan kacabsoodo in soomaaliya looga soo duulo oo laliqo. Geed dheer iyo mid gaabanba wuu ufuulay siduu kursiga kuheli lahaa asagoon hal xeer oo dalka iyo dadka leeyihiin aan tixgalin. Dawladda Itoobiya ee uu askariga uyahayna marwalba sidii dawlad lugu yaqaannay hiil iyo hoobay lagarabtaagnayd meeshuu farta kufiiqana madax mamdax ayey isugu tuuraysay. Wuxuu ufasaxay Itoobiya xad beenaadkii ay kaleexan jirtay horaan iyadoon kormeer iyo kawarhayn caalami ah jirin. Hadday cid kaa xoog badan tahay saasooy tahay aad rabto inay sidan haddoo kale dalkaada soo gasho waxaa habboon in cid dhaxdhaxaad ah idinla ogtahay arrinta si hadhow haddii wax isbadalaan aad taageero dibluamaasi ah uhesho oo waraabaha yur lagaaga yidhaahdo hadduu kuqallaco. 

Villa Soomaaliy, Madaafiicda BMka iyo Xasuuqii Xamar ee afarta maalmood

Wuxuu saldhig kadhigtay Villa Soomaaliya oo kolba xaafad diirad ku’eegaa xaafaddii amarkiisa diidda ama madfac loogasoo tuuro ayuu marna kuwiisa kuridaa marna xabashida kudalbadaa asagoo leh argagixisadii wataa. Waxaan soo xusuustay arrin aad ufoolxun oo kadhacda dhulka soomaalida Itoobiya gumaysato dagto. Markay laba qabiil colloobaan ayaa loo tartamaa Xabashida si loogu diro qoloda colka lalayahay oo markaa hubna looga helo iyadana loo qabadsiiyo qabiilkaas kale. Wax laqiyaasi karo ma’aha inta shacab faradaa kabadan saas lugu xasuuqay, haddana tii oo kale ayaa taagan oo taangiga Xabashida kolba xaafad ay maato daggan yihiin ayaa farta loogu fiiqi si’uu dhulka ulasimo. Maydkii shacabka ayaa usbuucyo daadsan waddooyinka oo ladiidanyahay in laduugo maxaa yeelay waxaa larabaa in lugu cabsi kaliyo shacabka kale si’ayna uga horiman nidaamka cusub ee gumaysiga iyo xasuuqa kusalaysan. Wuxuu odaygaas kolba hawd usoo jibaaxayey ma’intaas unbay ahayd inuu villa soomaaliya marna madaafiicda uga gabbado marna maatada madaafiic ladhaco. Miyuusan xishood jirin? Miyayna dadka cadowga lugu dalbanayo xuquuq lahayn? Kakudalbanayo ee leh madaxwayne ayaan u’ahay mayuusan jidh danqado lahayn? Xabashiga waalan ee  kolba sidii ayga loo dalbani maxaa kamaqan oo uu raadinayaa? Miyuusan dhulkiisii aad ugasoo fogaan? 

Ugu danbayntii

Waxaa lagaadhay goortii la’ilbixi lahaa oo xagga siyaasadda laga ilbixi lahaa, goortii siguud oo qotodheer wax loo fahmi lahaa, goortii dugaagga hal meel loogasoo wada jeedsan lahaa iyadoo laga billaabi in loo kala sooci siday ukala daran yihiin. 

Axmed-shiil Muxumed
Borlänge, Sweden
ahmedshil@yahoo.com

"Anigu dayax nuuri baan dilay" Qisadii ninkii Geeljiraha ahaa.  Akhri...

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: April 15, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com