SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
gaariSomaliTalk: Hadalkii Wasiirka Waxbarashada DGPL waa Baroortu Orgiga ka Weyn
Hay'ada UNESCO ayaa waxbarashada Puntland ugu deeqday gaari iyo buugaag, laakiin..
Akhri...

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA



2002: BORLANGE IYO SOMALITALK.COM
 


Gunnimo doon

Axmed-shiil Muxumed

ahmedshil@yahoo.com

Borlänge, Sweden 


Bismillaahi wassalaatu wassalaamu calaa Rasuulilaahi 
 
 

Horudhac 

Waxaa jiro marxalado ay dadyowga intooda badan soo mareen inyar oo kadadaashay allena uga gargaaray mooye, marxaladdaas oo loo yaqaanno Gobonimodoon. Eraygaa waa eray caan ka ah caalamka aynu maanta kunoollahay, maxaa yeelay waa eray ama magac ay adeegsadaan dadka gobta ah ee loo xoog sheegto ama ayagoo hurdo ladhagro. Erayga gobonimo doon waxaan qiyaasay inuu sharaxiisu yahay kana soo jeedo asal ahaan Gob oo loo yaqaanno af-soomaali ahaan dad sharfan oo xor ah, gobonimodoonna wuxuu noqoni dad kadib markay waayeen sharaftoodii iyo xorriyaddoodii baadidoon ugu jiro inay dib uhantaan. Meesha erayga Gun loola jeedo dad aan xor ahayn oo la liidayo loona diidan yahay xuquuqdii uu ilaahay kummannaystay dad ahaan. Gunnimodoon markaa waxay noqoni in ladoonayo in lagummoobo oo xoriyaddii iyo sharaftii banii’aadam lugu yiqiinnay meesha kabaxaan ama ladoonayo in latirtiro. Cinwaanka qoraalkan wuxuu kusaabsan yahay aragtida ah in markii aan xorriyadda qaadannay meeshii larabay inaan udhaqanno sidii dad gob ah oon horey usocon lahayn aan baadigoob ugallay sidii aan u gummoobi lahayn.  

Askari gumaysi tababaray:

Markii dad indheergarad ahaa oo aad uyaraaa runtii ay xilliyadii dagaalkii labaad ee adduunka ay olole gobonimo doon ah galeen waa tii laba qaybood oo kamida dhulwaynihii Soomaalida xoriyaddoodii qaateen 1960 kii, dad badan waxay uhaysteen in laxoroobay oo lugu biiray bulshooyinka caalamka ee gobta noqday. Nasiib darrose waxaa inoo billowday hawl gunnimodoon ah kadib markii ay hoggaamiyayaal nahoggaamiya noo noqdeen siyaasiyiin gumaysi soo gardaadiyey iyo saraakiil iyana gummaysi soo tababartay. Riyaaqii iyo farxaddii intii yarayd ee fahamsanayd xoriyadda iyo waxay tahay waxaa badalay murugo iyo mashaqo aan maskaxda gali karin. Musuqmaasuq, eex, qaraabokiil iyo wax alla wax foolxun oo banii’aadam kasuurtoobo ayaa billowday. Soomaali way islayn jirtay isna dulmin jirtay laakiin waxay ahayd wax xaddidan oo bulsho yar saammeeyo oon halmar dadkoo dhan aan wada saammayn sida hadda dhacday. Qaran dhalanteeda oon xididdo dhaba kutaagnayn ayaa lahoos dugsaday. Waxaa lagasoo guuray gobollada ay Soomaaliya oo dhan kakooban tahay iyo gobolladii kale ee ay Soomaali dagganayd iyadoo calankaa cirka u eg ladugsanayo meeshii caasimadda u ahaydna loosoo wada jarmaaday. Dad badan ismaba waydiin cidda meesha xukunto iyo waxay aaminsatahay, cidba isha lamasii raacin in waxa meesha isku’urursaday ay yihiin ubad uu gumaysi soo tababartay oon innaba hayaraatee an astaahilin in bulsho dhan iska dhaafee ay 10 qof hoggaamiyaan. Wakhti yar gudihiis ayaa ladareemmey inayna waxba kala soconayn. Dad aan badnayn oo indheergarad ahaa ayey gashay rajo ah in laga gudbo foolxumada taagan loona gudbo nidaam bisil oo horey wax uwado. Maxaa markaa badalay xummaantii laga sheeganayey?  

Askari shuuci soo tababaray:

Qofkaan carabiga aqoon erayga shuuci waa carabi waxaana loola jeedaa Communism oo asna ah eray ingiriisa oo macnihiisu yahay Hantiwadaag mabda’ asal ahaan kasoo jeedo ama ay allifeen Karl Marx 1818-1883 oo Jarmal ahaa iyo Vladimir Lenin 1870-1924 oo Ruush ahaa taas oo kusalaysnayd inaanu ilaah jirin aduunyadana ay iskeed isaga dhalatay. Banii’adamkana uu xor uyahay inuu sammeeyo wuxuu rabo oo ayna jirin awood uga sarraysa koonka aan joogno. 

Markii ay caddaatay in qaabkii dawladnimada shaqayn la’dahay ooy waxba kala socon la’yihiin aadna loo wareeray ayey tashadeen saraakiil kuwa sarreeyona gummaysi soo tababaray kuwa kalena Shuuci, ayagoo markaa istusay inay awoodda dalka lawareegaan wax walba oo xummaana saxaan. Labada qoloba isma dhaamin caqli iyo tayo ahaan farqina uma dhaxayn marka laga reebo in qolona ay barbaarisay cid in ilaah jiro waxyar ka’aaminsan meesha qoloda kale ay soo tababartay qolo ilaahay inkirtay. Xukunkii markii laqabsaday oo muddo lugu jiray khayaali iyo is’indhatir ayay dhowr sano gudahood soo baxday inaan meesha wanaag lugu hayn, wanaag iskadhaafee waxaa xummaanta iyo dulmiga bulshada lugu hayey baac lasii dheeraaday qolodii xukunka laga boobay. Waxaa dhacday in loo shalaayo qolodii hore oo layidhaa xaggay nooga yimmaadeen qolodan baas eenan xitaa fahmi karin waxay wadaan. Maxaa haddana badalay xummaantii laga sheeganayey? 

Askari dabayshu tababartay:

Qabiilladii soomaalida ayaa qoloba gees ushirtay waxaana qolo walba is tustay in ay dulman tahay oo ay tahay inay qori caaraddii waxeeda kusoo dhacsato. Daggaallo badan ayaa billowday dhiig badan ayaa daatay, muddo kadib ayaa afka ciidda loo daray askartii gummaysiga soo tababaray iyo kuwii shuucigu soo barbaariyey. Barnaamijkii afka la’isaga sheegayey ee ahaa in xummaantii laga dagaallamay wanaag lugu badali meel uu jaan iyo cidhib dhigay lawaa. Waxay dad badan kusoo baraarugeen iyadoo xummaan aan horene loo arag horena loo maqal ladhaxjiifo. Meesha laqiyaasi karay askartii iyo siyaasiyiintii hore dhibka ay la’iman karaan iyo waxa ay yihiin booskoodii waxaa buuxiyey askari aan la’aqoon oo dabayshaa iyo shaydaanku soo tababareen. Waxaa ladhaxgalay duruufo caalamka naadir ka’ah. Xasuuq, barakicin, dhac isa’addoonsi iyo waxyaabo kale oo foolxun ayaa noqday dhacdooyinka maalin walba si joogto ah udhaco. Maxaa markan badalay xummaantii iyo dhibaatadii laga sheeganayey? 

Askari Itoobiya soo tabobartay:

Waxaan lasugayn loona fadhiyin ayaa halmar iridda kasoo galay. Meesha ay ahayd in Itoobiya laga xoreeyo Soomaalida ay dulmiga iyo silica kuhayso iyo waliba qowmiyadaha kale ee cadaabka lugu hayo ama muslin ha’ahaadeen ama gaalo e, waxaa lasoo horqaaday gummaysi aana naxariis, caqli iyo dammiir toona lahayn. Wax walba waxaa kadaran askartan gummaysiga horboodayso inay sidii kuwii kahorreeyey u arkaan inay wanaag sammeeyeen dalka iyo dadkana maslaxadooda kujirto gummaysiga lakeenay oo dhulkii gacanta loo galiyey. Waxyaabaha laqariibsado ayaa ah in qof sheeganayo inuu Soomaali yahay muslimna kasii yahay bulshada Soomaaliyeed lasoo hor’istaago waxaan haysanna ciidan heer sare ah oo ay Itoobiya inoo soo tababartay oo dalka iyo dadkaba inoo islaaxin. Miyayna ogayn Itoobiya iyo waxay tahay iyo waxay guddoba! Miyayna ogayn in Itoobiya cimrigeedu dhaafay 3000 sano saasooy tahay ayna hal shay kusoo kordhin ilbaxnimada aduunka. Miyeynanba arag dhafoorka kuyaallo dadka kala duwan ee gumaysigaa kuhoos nool mise xanuunku hadduusan ayaga haynin mafahmi karaan. Waxaa daf layidhi af gummayso iyadoo kaaga daranee lamoodayo in waddadii wanaagga lahayo lana liibaani. 

Gabogabadii:

Waxaad moodda inaanan fahminba afartan iyo lixdii sano ee lasoo dhaafay waxaan ubaahnayn ee inaga maqanaa. Kolba markii xoogaa lajoogo waxa imani qolo murduxan oo dadkii iyo dalkiiba afduubi ayagoo kudoodi khayr iyo barwaaqo ayaan wadnaa dad badan ayaana dabayaaci, marka faraha looga gubto meeshii dib loo fiirin lahaa mashaqada meeshay katimid iyo sidii lugu furdaamin lahaa ayaa daf ladhihi waxa lugu naanayso kud kaguur oo qanjo dag macnaha xummaan kaguur oo xummaan kale dul dag. Hadda markan arrintuu sidoo hore oo kale ma’aha xummaan kaliyahna lama kor dagin ee waxaa lawaayey xoriyaddii aynu iskulaynaynay xoriyaddii aynu qiimaheeda gafnay fahmina waynay. Halkaasna waxaan kunoqnnay umaddii ugu horraysay ee gunnimo uhalganto, macnaha in lagumaysto oo ay gumaysi nolosheeda kucasumto. Si kasta ood taariikhda dib ugu daalacato maqli maysid sideenna oo kale ummad uhalgantay inay gummowdo. Meesha caalamka laga yaqaanno gobonimo doon annaga waa inoo gunnimo doon. Qofkii kolkii horene aan kaqayb qaadan gunnimodoonnimada haddana aan aqabli karin waa inuu soo diyaar garoobo waa hadda iyo gobonimo doonid hor leh oo dhab ahee. 
 

Axmed-shiil Muxumed
Borlänge, Sweden
ahmedshil@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 28, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com